Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Dhalanroganka noolaha

W/Q: Aadan Cali
Saynis 2
2.8k
·

3/3/2019

Dhalanroganka noolaha

Dhalanroganku qeexis ahaan waxa weeye:Isbeddelka ku yimaadda hiddasidaha
noolaha muddo waqti ah.

H iddasidayaasha noolayaashu habab badan ayuu is beddelku ugu dhacaa,
hababkaas ayaa lagu magacabaa hababka Dhalanroganka (Mechanisms of Evolution).
Waxa aan isku dayayaa in aan tusaale ka bixiyo labada hab ee ugu muhiimsan
hababka dhalanroganka iyo sida uu noole ugu dhalanrogmi karo hababkaas.

Noole kasta Unug walba oo Unugyadiisa ka mid ah waxa uu ku sidaa oo ku kaydsan
Hiddo-sidayaal, kuwaas oo uu ka dhaxlay waalidkii, isaguna uu usii gudbinayo
ubadkiisa. Hidda-sidayaaahu waa ka go’aamiya astaamaha muuqaaleed, hab-dhiseed
iyo hab-dhaqaneed ee uu noole leeyahay. Nooluhu marka uu hidda-sidayaashiisa u
gudbinayo ubadkiisa waa uu koobbi gareeya, haddaba waqtiga uu nooluhu Hiddo-
sidayaashiisa u gudbinayo ubadkiisa khalad ayaa dhici kara kaas oo sababaya in
Ubadku ay dhaxlaan astaamo aanay waalidkoodu lahayn khaladkaas hidda-sidaha ku
dhaca waxa lagu magacaaba (Mutation). Waana habka koobaad ee ay noolayaashu ku
Dhalanrogmaan.

Tusaale ahaan ka soo qaad in noolaha “A” uu la tarmay noolaha “B” labadooda
waxa u dhashay “C”
Markii “A” iyo “B” ay Hiddo-sidayaashooda u gidbinayeen wiilkooda “C” waxa
dhacay khalad (Khaladkaas oo sababay in “C” uu yeesho lix farood halka
waalidkiisu ay leeyihiin shan farood).

“C” ayaa isagu muddo ka dib la tarmay “D” labadooda waxa u dhashay “E” kaas oo
isna lix farood leh oo uu ka dhaxlay aabihii “C”.

Bulshadii sidaas ayay ku tarantay oo Bulsho isku qasan ayay Noqotay (Qaar leh
Lix farood iyo qaar leh shan farood).

Waqti waqtiyada kamida Xaalad adag ayaa soo wajahday Bulshadii taas oo
sababtay in uu badbaado noole kasta oo Lix farood leh halka kuwa shanta farood
leh ay dabar go’een.

Habkan waxa lagu magacaaba (Natural Selection – Xulashada Deegaanka) waana
habka labaad ee ay Noolayaashu ku dhalanrogmaan. Si fudud habkani waxa uu
qeexayaa in deegaanka uu nooluhu ku noolyahay uu saamaynayo sii jiritaanka iyo
taranka noolaha, noole kasta oo leh astaamaha u suurtogalinaya in uu
deegaankiisa la qabsado waa ka badbaadaya halka noolaha ku fashilma in uu la
qabsado uu dabar go’ayo. Tusaale ahaan ka soo qaad in uu jiro Bannaan saxare
ah oo ciid cad leh, wax dhira kuma yaallaan dhulkaas, waxa ku nool bulsho
Jiirar ah, Jiirarkaasi si kasta waa isaga mid kaliya waxa ay ku kala
duwanyihiin midabka dhogorta, oo Jiirarka qaar midabkoodu waa caddaan halka
kuwa kale uu yahay madow. Deegaankaas saxaraha ah sidoo kale waxa ku nool
Gorgor, Gorhorkaasi waxa uu ugaadhsadaa jiirarka. Haddii aad habka Xulashada-
deegaanka dib ugu noqotid waxa aad garan kartaa in Jiirarka midabka madow leh
ay dabar go’ayaan ama ugu yaraan tiradoodu ay hoos u yaraanayso, sababta oo ah
deegaankaas astaan ku habboon ma laha, oo Gorgorku midabka madow meel fog ayuu
kasoo arkayaa halka Jiirarka midabka cad leh ay ciidda cad u eegyihiin,
midabkoodana aanuu ciidda ka garan karin Gorgorku. Sidaa daraaddeed waxa aynu
odhan karnaa Deegaankaasi waxa uu xushay Jiirarka midabka cad leh, Marka aynu
leennahay “Deegaanku waxbuu xushay” deegaanku caqli uu wax ku kala xusho ma
leh, kaliya noolaha astaamaha ku habboon leh ayaa ku noolaan kara weeye u
jeedku.

Ka soo qaad in dadkii lixda farood lahaa uu deegaanku xushay halka kuwii
Shanta Farood lahaa ay tiradoodu aad u yaraatay ama se ay dabar Go’een.

Muddo kadib “H” iyo “G” oo lix farood leh ayaa wada tarmay labadooda waxa u
dhashay “K” balse khalad ayaa dhacay marki hidda-sidaha loo gudbinayay
khaladkaas oo sababay in “K” uu afar lugood ku socdo lidka waalidkii oo iyagu
laba lugood ku socda.

“K” ayaa isaguna tarmay oo ubadkiisa u gudbiyay astaamihiisa oo ay kamid tahay
astaanta afarta lugood.

Muddo kadib hadana waxa dhacay Xulasho-deegaameed kaas oo sababay in dadka
labada lugood ku socda ay dabar go’aan ama tiradoodu ay hoos u dhacdo, halka
dadka afarta Lugood ku socda ay tiradoodu badato.

Muddo dheer ka dib “V” iyo “X” oo lix farood leh isla markaana afar lugood ku
soconaya ayaa wada tarmay, labadooda waxa u dhashay “Z” (V iyo X markii ay
wiilkooda Z u gudbinayeen Hiddo-sidayaashooda waxa dhacay laba khalad kuwaas
oo sababay in Z uu dib yeesho sidoo kale dhamaan jidhkiisa uu timo ku yeesho).

Immika waxa inoo soo baxay Noole cusub “Z” oo astaamahan leh;

  • Lix farood lugaha iyo gacmahaba ku leh
  • Afar lugood ku soconaya
  • Dib leh
  • Dhammaan jidhkiisa timo ku leh

“Z” marna ma rumaysanyo in awoowgiisii wakhti hore dabar Go’ay ee “A” uu shan
farood laha sidoo kale laba lugood ku socon jiray dibna aanuu lahayn
Isla markaana aanuu dhogor jidhka ku lahayn.
“Z” iyo bulsho kale oo tira badan oo la astaamo ah waxa ay ku doodi karaan
“Anagu ‘A’ kama aannu soo dhalanrogmin.”
“Z” maanta waxa uu la mid yahay muwaadinka soomaaliyeed ee ku dooda “Anigu
Daayeer kama aan iman.”

Khaladaadkaas tirada badan ee ku dhaca Hiddo-sidayaasha noolaha iyo saamaynta
uu deegaanku saamaynayo noolaha aya sababa in Nooluhu uu Noole kale u
dhalanrogmo oo isu beddelo.
Balse arrinkani wakhti aad u dheer ayuu qaataa Boqollaal kun ama malaayiin
sanadood, sababta oo ah khaladaadka ku dhaca Hiddo-siduhu waa naadir sidoo
kale hal iyo laba khalad midna noole ma baddalo balse khaladaad tiro badan oo
waqti aad u dheer soo biiray ayaa beddela qaabka iyo hab-dhaqanka noolaha

Waxa xusid mudan in dhammaan Khaladaadka aan Qoraalkan ku xusay ee sababay
astaamaha ah Lixda farood, ku socodka afar lugood, dibka iyo timaha dhammaan
jidhka kasoo baxa, ay yihiin khaladaad jira oo dadka qaar hiddo-sidayaashooda
ku dhacay astaamahaasna yeeshay.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...