Dhabta iimaanka (Hanuunka)

S addex aayadood oo Qur’aanka kariimka ah ka mid ah bay midi sheegaysaa in
hanuunku uu yahay wax uu Eebbe sameeyo, hanuun la’aantuna ay sidaas oo kale
tahay. Aayad kale waxa ay sheegaysaa in hanuun la’aanta uu shaydaan sameeyo,
aayad saddexaadna waxa ay caddaysay in uu qof kastaa isagu masuul ka yahay in
uu hanuuno iyo in kale. Waa mustaxiil in saddexdaas ayadood ay isku meel ka
yimaadeen, haddii ay isku meel ka soo fuleenna meel sal leh ma ay ahayn ee
waxa ay ahayd meel markii ay awoodda Eebbe eegto ay u la muuqato in uu wax
kasta isagu masuul ka yahay, markii ay shaydaanka milicsato ay la noqoto in uu
shar kasta isagu masuul ka yahay, markii ay dadka milicsatana ay la ahaato in
uu dadku masuul ka yahay xumaanta iyo samaanta uu sameeyo. Sidaas darteed
waxaa meesha ka muuqata in halka ay saddexdaas fartiimood ka yimaadeen aysan
ka jirin falsafad cilmi ahaan loogu saldhigay oo fadhida ee ay ahayd qof
laablakacsan (impulsive) oo hadba ay cidda hadalka sheegtay wax dareemaysey oo
uusan dareenka hore waafaqsanayn kuwa danbe.
Laablakaca noocaas ahi waxa uu ku badan yahay dadka maansooda kuwooda ugu
aftahmada badan oo la moodo tix dhexdeed in ay dhowr jeer iskhilaafayaan. Waxa
aad arkaysaa in ay maansoyannada noocaan ahi isku tix ku sheegayaan in ay
qabiil hebel ku duulayaan, isla markiina ay ka hadlayaan in ay nabad u
guuxayaan. Waxa aad arkaysaa aftahanka caynkaas ahi in uu sheegayo isku mar
iyo isku meel ay reer hebel xun yihiin iyo in ay fiican yihiin. Waxaa dadka
sidaas ah tusaale u ah Qamaan Bulxan marka uu tixaha Guba u jawaabey Cali-
Dhuux, waana ay badan yihiin ragga maansooda oo sidaas u dhaqmay. Waxaa laga
yaabaa ragga maansooda oo sidaas ah in aysan isburintu ka ahayn
laablakacsanaan (impulsive) xaalado ka la duwan ee ay u jeedaan in ay dadka
meelo badan wax ka tusaan oo aragtiyaha arrimaha ay ka doodayaan laga qabi
karo oo dhan ay metelayaan, isburinta daahirka looga jeedana ay u arkaan
faahfaahin dheeraad ah.
Eebbe sida la i noo baray waxa uu leeyahay awood aan xad lahayn oo ay wax
kastaa maamulkiisa yihiin si xaqiiq ah oo aan laga daba hadli karin, taasi
yeysan inaga hoos bixin waa in uu wax kasta isagu ka dhigo sida ay yihiin
isaga oo aan lahayn shariig la wadaaga sida uu wax kasta ka dhigayo e. Intaas
waxaa u dheer in uusan raalli ka ahayn in amarkiisa la khilaafo, waxa ayna
su’aashu noqonaysaa haddii uu isagu sameeyey in la khilaafo lafteeda ma waxa
uu sameeyaa wax uusan raalli ka ahayn? Haddii uu sameeyo wax uusan raalli ka
ahayn asii aynu og nahay waxyaalaha aan raallida laga ahayni in ay ku
yimaadaan in aan la awoodin in ay wax kastaa u dhacaan sidii raallida laga
ahaa maxay noqonaysaa dooddaasi? Ma uu awoodaa in ay wax kastaa u dhacaan si
isaga raalligelisa si uusan marnaba wax u taban? Waxyaalaha uusan raallida ka
ahayn yaa maamula oo ka dhiga waxyaalo uu Eebbe ka dhirfo oo uusan arki karin?
Gacandhaafku sidee buu u jiraa haddii lagu heshiiyey in wax kasta uu u maamulo
si murtiyaysan?
Shaydaanku sida la i noo baray waa awood sida Eebbe qarsoon oo dadka neceb,
waxa uuna masuul ka yahay dhammaan waxyaalaha uusan Eebbe jeclayn in uu geliyo
dadka si uu ka dib dadka waxyaalahaas sameeyey Eebbe ugu caroodo oo u ciqaabo.
Meesha uu Eebbe yahay awood xumaanta iyo samaanta ama sharta iyo khayrka oo
dhan maamusha oo aysan haba yaraato ee jirin wax uusan maamulini shaydaanku
xumaan ayuu u taagan yahay oo waxa uu leeyahay awood buuxda oo uu dhanka liita
ku maamulo.
Kor haddii aynu u laabanno waxaa jirta aragti diini ah oo sheegaysa in la
rumaysto in jiritaanka shaydaan iyo dhammaan waxa uu sameeyo uu Eebbe qaddarey
oo sidaas u qorsheeyey, taasina waxa ay masuuliyadda sharta ka qaadaysaa
shaydaanka oo waxa ay muujinaysaa in uusan isagu dhab ahaan waxba maamulin ee
ay aftahmada Eebbe ka mid tahay in uu marmar shaydaanka cidlo ka eedeeyo. Sida
ay awoodda Eebbe iyo midda shaydaanku isugu qasan yihiin oo aan lahayn cid loo
rumeeyo masuuliyadda iyo maamulka waxyaalaha dhaca waxaa ku jirta aftahmo
duulduulaysa.
Qofka dadka ka mid ahi sida la i noo sheegay aad buu daciif u yahay oo wax
awood ah oo weyn ma leh, laakiin waxyaalaha yaryar oo uu qabtaa waxa ay aad
ugu dhex rasan yihiin awoodda Eebbe iyo awoodda shaydaanka oo aynu hore u
garan weyney sida ay qol gudihiis uga wada hawl galaan. Aragtiyaha diiniga ah
waxaa ka mid ah in qofka daciifka ah ay ku loollamaan Eebbe oo khayr iyo shar
isugu jira iyo shaydaan oo shar baraxla’ ah, waxaana la isweydiin karaa maxaa
loollan keenay haddii uu Eebbe dubbihiisa aan laga doodin waa hore
xukumay/qaddarey wax kasta oo dhici doonaa? Midda kale haddii uu Eebbe loollan
iyo xintan ku la jiro shaydaan oo uu isagu maamulo sidee bay tahay awooddiisa
aan xadka lahayn oo ay aragti kale ee diimeed sheegtay in aysan waxba ka hoos
bixi karin?
Aragti kale ee diimeed waxa ay sheegaysaa in qofka daciifka ah laftiisu uu
leeyahay masuuliyad uu ku maamulo waxyaalaha uu samayn karo oo hore loo
sheegay in Eebbe uu waayo sii horreeyey qaddarey. Markaas dadka laftoodu waa
masuul oo in kasta oo waxyaalaha ay samaynayaan hore loo go’aamiyey waxa ay
leeyihiin kaalin ay ka qayb qaadan karaan maamulka, loollanka loo dirayna waa
in aysan sida shaydaanka Eebbe la loollamin ee ay shaydaanka ku la loollamaan
awooddiisa sharta oo Eebbe uu ka xanaaqo, isla markaasna ay u istaagaan in uu
Eebbe raalli noqdo. Aragtiyaha diiniga ah waxaa ugu muhiimsan in la rumeeyo in
uu Eebbe wax kasta maamulo oo uu waayo sii horreeyey qaddarey, haddii
aragtidaas sida ay tahay looga fakarana waxaa meesha ka baxaya shirkiyaadka ah
in ay shaydaanka iyo qofku saamayn ku leeyihiin maamulka socda.
Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan oo wada diini ahi waxa ay muslimiinta ku
keeneen tafaraaruq caqiido iyo in ay dillaacaan firqooyin ay midiba mid
nacaladdo. Bilowgii muslimiintu dagaal uun bay ku jireen oo ma ay fakari
jirin, waxna ma qori jirin, taas oo ka soo maaxanaysey dhaqanka carbeed oo uu
ninka qiimihiisa ugu weyni ahaa sida uu seef wax ugu gumaadi karo iyo in uusan
dagaallada baqan keli ah. Markii ay carabtu ummado kale dagaal ku qabsadeen
waxaa bilowday falgal ay ka mid ahayd in ay muslimiintu wax qoraan oo ay
weliba diinta qoraan. Waxaa halkaas ka bilaabatay mufakarnimo diineed oo ugu
horrayn Qur’aanka kariimka ahi farriimaha uu sido loo fiirsaday. Ka dib
diintii xagga dagaalka iyo geesinnimada ay muhimaddeedu ahayd waxa ay noqotay
bumbo xiran oo afkaaro ah oo inta dadka la soo dhex dhigay looga dhuuntay,
waxa ayna bumbadii ka dhex qaraxday soo baxay firqooyin ay mid kastaa Qur’aan
cuskanayso oo la moodo middii markaas hadlaysaa in ay xaq tahay, waxaana
Qur’aanka lagu sii daray xaddiisyo aan ka marnayn in firqooyinka laftoodu ay
isu samaysteen oo koox kastaa ay gargaar ka heshay xaddiisyo ay dad iyaga ahi
sameeyeen. Laga ma yaabo in ay firqooyinku midoobaan ilaa uu Qur’aanku
midoobo, dadkuna denbi ma leh oo mid kasta aayad Qur’aan ah iyo axaaddiis gaar
ah baa hanuunkii saxnaa u la muuqday. Qof baa qaadanaya nas uusan Eebbe waxba
u baahnayn, mid kalena mad’habkiisu waa in Eebbe loo gargaaro oo sidaas ayuu
dad ku xasuuqayaa.
Arrimahaas aynu soo koobnay haddii la sheego in ay yihiin murti Eebbe oo sida
ay tahay duuduub loogu liqayo maxaa la isweydiin karaa murtidu ma wax la fahmo
ama la dareemaa ma se waa wax inta laga baqo duuduub lagu liqo? Haddii la
baqayo sow baqdinta lafteeda in la fahmo ama la dareemo loo ma baahna? Haddii
ay baqdini murti tahay oo in wax la fahmo in la isku dayaa ay hanuunka iyo
iimaanka burinayso maxay yihiin hanuunka iyo iimaanku? Midda kale firqooyinka
aragtiyaha diineed ku ka la duwan oo ay mid kastaa sheegayso in ay albaab
janno taagan tahay sidee loo caddaynayaa midkooda murtidii Eebbe waafaqay? Ma
inta mid lagu biiro ayaa inta kale nacayb iyo cay loo la istaagayaa oo taas
ayaa murti ah? Waxaa jira firqooyin sheega in shareecada la isku khilaafi karo
aan se caqiidada la isku khilaaafi karin! ”Karin” maxay ka wadaan sow tan la
isku khilaafay ma aha oo meel kasta uu dhiiggu qulqulayo? Midda kale
shareecada iyo caqiidadu haddii ay isku il ka soo burqadeen sow labaduba
murtidii madhaafaanka ahayd ee la sheegay ma aha maxaa mid khilaaf ka dhex
aloosay, midka kalena u diidey?
Haddii la soo koobo maskaxda dadku aad bay qaali u tahay, waana ay ka sharaf
badan tahay wax ay qof ama labo kubbad ku ciyaaraan oo markii ay dhintaan la
isku wareero, baqdin gelin keli ahina dadka ugu ma filna in ay wanaag gaaraan
iyo in ay awooddooda ka faa’iidaan. In la baqo in aan la baqin baa dhaanta ee
garabkeenna Alle ha galo.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida