Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Deeqa Afro jidhkeeda iyadaa leh!

W/Q: Khaalid Xasan
Aragtiyo 2
2.1k
·

12/27/2018

Deeqa Afro jidhkeeda iyadaa leh!

Maalmahan waxaan ku arkeyey baraha bulshadu ku kulanto dad badan oo ku
mashquulsan hab lebiska fanaanada caan baxday ee Deeqa Afro. Soomaalidu waa
dad aan runta isu sheegin, qofka Soomaaliga ahi xataa naftiisa runta waa kala
dagaalama oo waa dad dhalanteed Ku nool.

Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dumarkan teendhada madaw(Xijaabka) ku dhex jira
ee isu haysta inay karaamaysan yihiin ama isla quman ma is waydiin sababta ay
lebiska noocan ah u xidhan yihiin? Ma iyagaa doortay oo ku qancay mise waa
lagu qasabay? Dhaqan ma u leenahay oo ma yahay Xijaabku lebis Soomaali? Hadii
aanay jirin cid ku qasabaysa xidhashadiisa tolow haweenka Soomaaliyeed ma
xidhan lahaayeen? Ragga iyo haweenka Soomaaliyeed se xaq ma u leeyihiin inay
ka hor yimaadaan ama diidaan hab lebiska qofka kale oo iyaga la mid ah balse
doortay inuu u lebisto hab ka duwan sidooda?

Waydiimaha sare ku xusan oo dhan jawaab u helidoodu waa fududahay hadii
dooneyo in run la isu sheego. Ugu horrayn ma jiro qof xaq u leh faro-gelinta
hab nololeedka qof kale oo qaan gaadh ah maankiisa iyo miyirkiisuba fayow
yihiin.

Xijaabku maaha lebis Soomaali balsa waa lebis ay dhaqan u leeyihiin qayb ka
mid ah dadka Carbeed ee Saxaaraha Ku nool. Waxaa marag ma doonto ah in badi
haweenka Soomaaliyeed aanay Xijaabka u xidhan doorasho iyo dookh xagooda ka
yimi balse ay u xidhan yihiin cabsi iyo cadaadis kaga imanaya bulshada
qaybteeda ragga ah oo u haysta haweenka wax ma garato ilaalo u baahan ama
alaab ay leeyihiin, tan kale ee mudan in la xusaa waxa weeye haweenka
Soomaaliyeed waxaa ku qasbay xidhashada xijaabka kalsooni darro ay ka qabaan
jidhkooda ama qaab samayskooda daryeel la’aantu keentay. Habalaha Soomaaliyeed
waxay dhaqan u leeyihiin muujinta jidhkooda inta quruxda badan, ti gacan qurux
badan lehi maanta oo dhan gacantay lulaysa, tii weji ama dhoollacadayn qurux
badanina shaxshax iyo qosol kama daasho, tii kub wanaagsan lehina kubkeeda
maradaba ma saarto, ti qaarka danbe u qurux badanina waxay ku heesta Kuunto
wixii loo kuusay gadaal loo xejiyey karaamo lee waaye.

Ma jirto gabadh Soomaaliyeed oo qarinaysa ama qarin lahayd jidhkeeda meesha
ugu qurxoon ama ay iyadu is leedahay way ugu sidataa. Haweenkeena Soomaaliyeed
ee sharafta lihi horta waa kuwa aduunka ugu quruxda, haybada iyo garashada
badan haween waynaha idilkoodna ugu sita, laakin haweenkeena waxa diloodey
daryeel la’aan ay sababtay colaadaha iyo hab nololeedka qalafsan ee
Soomaalida. Waxaa iyana jira oo aan indhaha laga qarsan karin saamaynta uu
haweenka Soomaaliyeed ku leeyahay gaaradka aadka u liita ee ragga
Soomaaliyeed. Gabadha waxaa loo guda waa nin , waxay isu caddaysaa oo sunta u
marsataa waa nin , waxay isu daryeeli la’dahay oo ay sida lo’da wax ugu cuntaa
ilaa ay aad u naaxdo oo jidhkeedu yeeshoo laab-laabyo aad u fool xun waa nin,
laakin ay aaminsantahay in raggu qurux u haystaan. Haweenow ilaa goormaad nin
u noolaaanaysaan una feedhanaysaan? Goormaad tiina u noolaanaysaan?

Waxa hubaal ah oo aan anigu usoo taagnaa hablo Soomaaliyeed oo markay
Soomaaliya sidaa uga bexeen heeryadii Xijaabka iska tuuray oo weliba qashinka
ku daray. Ma jirto inan ama gabadh Soomaaliyeed oo maradaas madaw xidhan
lahayd hadii amaan la siin lahaa. Haweenkeenu waxay u af-duuban yihiin
kalsooni darro ka haysta jidhkooda iyo amar ku taaglaynta raggu Ku hayaan.

Haweenoow jidhkiina idinka oo keliyaa iska leh, waxaad xaq u leedihiin xorna u
tihiin inaad u lebisataan sida aad doontaan idinka oo aan cidna ku raali
gelinayn, cidna wax ka waydiinayn. Haweenow weli ma aragteen hablo ka
cadhaysan kana hadlaya lebiska ragga ?waxse ma la idinka waydiiyey lebiska iyo
hab nololeedka ragga? Jawaabtu waa maya. Haweenka kuwooda isu arka in aanay
qurux badnayn ama aan jidhkooda ku qanacsanayn oo kalsoonidiina ka dhimatay ee
naf biday inay teendho madaw dhex galaan waxaan ka codsan lahaa inay amaan
geliyaan kuwa isku kalsoon ee ku qanacsan jidhkooda una lebista siday iyagu
jecel yihiin. Xaasidnimada joojiya naftiina iyo jidhkiinana si xor ah u
daryeela. Xaq maaha hadii aad isu qarisay foolxumo in aad ku doodo ha la is
wada qariyo.

Ugu danabayn fanaaanada wayn ee qaaliga ah, codkeeda iyo muuqeeduba na deeqay,
Deeqa Afro. Deeqaay waxaan Ku leeyahay jir oo joog, hana u joojin kuwa markay
keligood yihiin ku seexda muuqaaga iyo codkaaga hallaasiga ah, markay dadka la
joogaanna ku dhaleeceeya. Dheg ha u dhigin kuwa kalsooni darradu dilootey ee
is qariyey jecelna in cid waliba is qariso. Jidhkaaga adaa iska leh, adigaana
xor u ah lebisakaad gashanayso iyo hadii aanad waxba gashan. Waxaan hubaa qaar
badan oo ragga Soomaaliyeed ka mid ahi inay ku ducaynayaan oo leeyihiin ”
Deeqaay waad naga keentee Eebbe Waaq ha kaa keeno” waxaan kaloo hubaa in
wadaad xumayaashu markay la joogaan haweenka xaasaskooda ah ee bahdilan ay
dhahaan ” ukhtii u ciyaar naasahana rux una daryeel sida Deeqa Afro”

Qofna yaanu ka hadlin kuna mashquulin nolosha qof kale oo kula mid ah. Deeqana
jidhkeeda iyadaa leh.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...