Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Dayax iyo qorrax madoobaadka

W/Q: Ibnu Saynis
Saynis 0
14.9k
·

6/2/2020

Dayax iyo qorrax madoobaadka

21 bishan(June) ee sannadkan(2020) waxa madoobaan doonta cadceedda, waxa si
fiican looga arki doonaa wadamada inyar ka sarreeya dhulbadhaha.

Nasiib daro awawyaasheen iyo dadkii inaga horeeyay aad ayay uga cabsan jireen
dayax iyo qorrax madoobaadka, waxay moodi jireen inay ilaahyada ka
cadhaysiiyeen, marka dhacdooyinkan dabiiciga ahi dhacaan waxay dadku baryi
jireen ilaahyada xoolana way u sadqayn jireen, mararka qaarkood dad ayaaba la
sadqayn jiray sidii ay ku caan-baxeen maayaanku(mayans) oo ahaa dad dagi
jiraya waddanka hadda lagu magacaabo Meksiko
Mayans.

Hadda waxaan awoodnaa inaan sii sheegno inta jeer ee dayaxa iyo cadceeddu
mustaqbalka madoobaan doonaan, tusaale hay’adda NASA waxa ay sii xisaabisay
inta jeer ee dayax iyo qorrax madoobaad dhici doono kumanaan kun oo sano ka
dib!
Tusaale waxa dayuxu madoobaan dooonaa maalinta taariikhdu tahay 24ka December
2942 saacaduna tahay 7:49 habeennimo.

Taas waxa ka daran in dib loo xisaabin karo intee jeer ee dayaxa ama qoraxdo
madoobaatay, tusaale 88 sano dhalshadii nabi Ciise ka hor bishii maarso
21keedii saacadu markii ay ahayd 7:13 ayuu dayaxu madoobaaday.

Xaq ayaad u leedahay inaad is weydiiso sidii waxan oo dhan loo xisaabiyay,
mustaqbalka waxa dhici doonana sidee loo sii sheegi karaa, jawaabtu waa
qaaciidooyinkii xisaabeed ee uu dajiyay Isaac Newton dunidana ka caanbaxay.

Dayax iyo qorrax madoobaadka waxa mucjisadii iyo macnihii laga qaaday markii
la ogaaday xilligay dhacaan iyo waxa sababa, dayuxu wuxuu madoobaadaa marka
dhulku cadceedda iyo qorraxda kala dhexgalo ee uu iftiinkii qorraxda dayaxa ka
qariyo, cadceeduna waxay madoobaataa marka dayuxu kala dhexgalo dhulka iyo
qoraxdu ee uu iftiinka cadceedda qariyo isaga oo hadh ama hoos dhulka ku
daboolaya.

Intaas waa in aad intiinna badani wada maqasheen, laakiin su’aal ayaa imanaysa
oo ah sidee si jaan-go’an loogu sii sheegi karaa saacadda iyo maalinta dayuxu
madoobaanayo?
Jawaabtu waxa weeyi, haddii aad ogtahay halka dayaxa iyo dhulku joogaan iyo
xawaarahoodu inta uu yahay waxad sii xisaabin kartaa halka ay mustaqbalka
joogi doonaan!
Arrintaasi waa muhiim ee aan marlabaad ku celiyo,
haddii aad ogtahay halka dayaxa iyo dhulku joogaan iyo xawaarahoodu inta
uuyahay waxad sii xisaabin kartaa halka ay mustaqbalka joogi doonaan!

Macnaheedu waxay noqonaysaa waxaad tusaale ahaan ogaan kartaa xilliga uu dayux
cadceedda dhulka ka qarin doono, sidaasna uu qorrax madoobaad ku sababi doono
qayb dhulka ka mid ah.

Maadaama oo uu dayuxu ka yaryahay dhulka iyo cadceedaba hadhka dayuxu dhulka
ku daboolo marka uu qoraxda qariyo aad ayuu u yaryahay oo qoraxmadoobaadka
meelo yar oo dhulka ka mid ah uunbaa laga arkaa, taasi oo dadkii hore ku
adkaysay inay sii saadaaliyaan qoraxmadoobaadka, balse markii uu Isaac Newton
soo saaray qaaciidasiisii cuf-isjiidadka caalamiga ah (f=Gm1×m2/R² )
saynisyahan ay Newton saaxiibo dhow ahaayeen oo Edmond Halley lagu magacaabi
jiray ayaa isaga oo qaaciidooyinka Newton adeegsanaya markii taariikhda ugu
horraysay sii xisaabiyay qorrax madoobaadka, isaga oo sii sheegay maalinta,
saacadda iyo waliba daqiiqadda ay qorraxdu madoobaan doonto, sidii uu sheegay
ayaa dhacday oo qorraxda ayaa saddexdii bisha shanaad ee 1715 madoobaatay
waliba saacaddii uu sheegay, balse daqiiqadihii uu agdhigay oo 4 daqiiqo oo
dheeraad ah ayuu ku daray!

Isaac newton iyo qaaciidadiisu aad iyo aad ayay faa’iidadeedo uga balaadhan
tahay in qorrax madoobaadka lagu sii sheego, waxa ay inoo suurto galisay in
dayax gacmeedyo samada loo diro ama dayaxa dusheeda bini’aadamku ku
tamashleeyo, qoraalada dambe ayaan ku soo qaadan doonaa qayb kale oo ka mid ah
sida Newton iyo xeerashiisu gabi ahaanba ubadaleen
taariikhda
.

Abwaankii ree ingiriis ee Alexander Pope oo ka mid ahaa abwaanadii ugu
caansanaa ee dalkaasi soo maray ayaa waxa uu yidhi;
“Nature and Nature’s laws lay hid in night:
God said, Let Newton be! and all was light”

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...