Daruurow iyo Alshabaab

M agaciisu waa Daruurow oo goortii uu muslimay ma uu garanayo ee sida ay
muslimiintu u badan yihiin isaga oo muslim ah buu caqlisaday, tuuladii uu ku
garaadsadeyna ma lahayn iskuul aan ahayn malcaamad. Soomaalidu dugsiga
Qur’aanka iskuul u ma yaqaanniin, laakiin caalamka meelo badan iskuul baa
looga yaqaan, waayo qofkii ka soo baxaa isaga oo wax qori kara, waxna akhriyi
kara ayuu ka qalin jebiyaa.
Daruurow isaga oo yar buu Qur’aanka xafiday, waxa uuna tukashada bilaabay
isaga oo jira saddex iyo toban, laakiin nasiib darro waxa ay salaaddii ka
jabtay afar sano ka dib. Sidee bay salaaddu uga jabtay? Soomaalida qaarkood
qofku haddii uu isaga oo tukada sino ku dhaco waxaa la aamminsan yahay in aan
salaad danbe laga aqbalayn.
Daruurow oo jooga siyaaro habeenno lagu dhafro ayey dhallinyaro rag iyo dumar
ahi meeshii siyaarada agteeda caweys ciyaareed ku qabsadeen, waxa uuna gelin
danbe oo habeen ah gooni u la baxay gabar naaso waaweyn oo la moodey in ay
isaga ka da’ weyneyd, cabbaar markii ay sheeko iyo salaax ku jireen buu Eebbe
isu calfay oo labadooda xubnood oo ay ka kaadshaan isku hubsadeen.
Mucjisooyinka raaxada fududeeya waxaa ka mid ah in aysan gabadha loo
galmoonayaa bigro ahayn, Kutubey oo uu habeenkaas Daruurow lugeheeda dhex
galayna ma ay tolnayn. Waxaa kale oo mucjisooyinka ka mid ahaa in ay labada
qof oo raaxaystay isgaranayeen oo aysan ka mid ahayn dadka siyaarada meelaha
fogfog uga yimid.
Daruurow habeenkii ay salaaddu ka jabtay ka dib kitaab ma uu taaban oo waxaa
la aamminsan yahay qofkii ay salaaddu ka jabtaa in uusan kitaab taaban karin,
laakiin subacyada Qur’aanka waa uu ka qaybgeli jirey, waayo ninka ay salaaddu
ka jaban tahay Qur’aanka dusha waa uu ka akhriyi karaa. Isaga oo sidii ay
salaaddu uga jabtay aan kubkiisa weeso marin bay tuuladii Ashabaab qabsadeen!
Dadkii tuulada degganaa oo dhan waxaa lagu khasbay in ay tukadaan, waxa uuna
Daruurow sheegay in ay salaaddu ka jaban tahay. Markii ay Ashabaab baaritaan
sameeyeen waxaa soo baxday in uu Daruurow sinaystey. Ashabaab oo jecel in ay
dad xadka shareecada ka oofiyaan waxa ay weydiiyeen labo su’aalood oo ka la
ahaa in uu sinadaas ka hor dumar guursadey iyo in uu garanayo gabadhii uu ka
sinaystey. Nasiib wanaag caweyskii siyaarada ka hor iyo ka dib naag ma uu
guursan oo weligiisba habeenkaas ka hor lugo dumar dhexdood ka ma nuuxnuuxsan,
laakiin nasiib darro gabadhii waa uu garanayey oo isla tuulada ayaa lagu qabey
oo hal ilmo ah iyo uur bay lahayd. In kasta oo uu gabadha garanayey haddana
waa uu diidey in uu sheego midda ay tahay, laakiin jirdil iyo cadaadis badan
ka dib gabadhii waa uu facsharay.
Daruurow waxaa loo sheegay in uu khasab ku tukado iyo in boqol jeedal lagu
dhufanayo, mana uu fahmin sababta salaad ka jaban loo dirqiyey iyo sababta loo
garaacayo. Marwo Kutubey oo uur lix bilood ah leh, ilma dhabta ku haysata oo
uu ninkeedii la joogo ayey askartii Ashabaab cariishkeeda ugu galeen, waxa
ayna ninkeedii u sheegeen in ay xaaskiisa kaxaysanayaan, ninkiina waxa uu u
qaatay in ay naagta ka qaadayaan oo waxaa suuqa ku jirtey in ay Ashabaab rag
ay gaalo ku sheegeen dumarkood hortooda ku guursadeen iyo in ay dumar
afduubteen. Ninkii oo naxsan baa yiri ”Ar ani gaal ma ahi ee qofteyda ii
daaya! ”.
Waxaa loogu jawaabey ”Annagu gaal kugu ma sheegin ee xaastaadu denbi bay
gashay ”.
Ilmihii dhabta lagu hayey waxa ay Ashabaab u dhiibeen aabbihiis, waxaana
Kutubey la geeyey meel ay Ashabaab saldhig ka samaysteen, waxaana la hor
keenay Daruurow oo waxaa lagu yiri ”Ninkan habeen uu caweys jirey ma isu
galmooteen? ”.
Kutubey aad bay uga naxday runta sanaddada laga joogo oo miiska loo soo
dhigay, wajigeediina ceeb buu la doorsoomay, laakiin inkiraad bay isku dayday.
Daruurow xabsigii baa lagu celiyey, waxaana Kutubey lagu yiri ”Haddii aad
run sheegtid waa lagu sii deynayaa, haddii kale se waa lagu xirayaa ”.
Waxa ay tiri ”Ar ninkeyga ha u sheeginnina run waayee! ”.
Markaas ka dib waxaa la weydiiyey in ay habeenkii caweyska ka hor guur soo
martay, waxa ayna sheegtay in uu aabbeheed nin ku khasbay iyada oo yar oo
habeenkii caweyska ay ninkaas ku mehersanayd, la mana weydiin in uu ninku ahaa
midka qaba iyo in kale, waayo Ashabaab taas dan ka ma lahayn.
Daruurow markii meesha bannaan lagu jeedlayey waxaa u soo daawasho tegey
boqollaal qof, mar kasta oo uu jeedal ku dhacana waxa ay Ashabaab la
qaylinayeen ”Allaahu akbar”. Kutubey waxa uu shiikhii Ashabaab xukumey
iftooday in aan dhagax lagu dili karin iyada oo uur leh ee markii ay dhasho la
dili karo, laakiin shiikh kale ayaa ka daba hadlay oo sheegay in laga yaabo in
ay dowladda federaalka ahi Ashabaab tuulada ka qabsadaan iyada oo aan Kutubey
la medin, waxa ayna Ashabaab ugu danbayn go’aan ku gaareen in uurkeeda lagu
dilo. God dheer baa la qoday oo Kutubey lagu xabaalay oo madaxa iyo surka keli
ah laga soo jeediyey iyada oo calool weyn, waxaana madaxa laga la dhacay
dhadhaab waaweyn oo markii mid lagu dhuftaba la la qaylinayey ”Allaahu akbar”.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida