Daba macawsayn (Dabada oo macaws lagu gufeeyo)

Kufsiga beryahaan dumarka ku soo batay Gartii Cabdullahi Cismaan ha lagu
xaliyo.
Cabdulaahi Cismaan Kenadid (allaha u naxariisto) iyo saaxiibkiis oo safar ah
una socda Keenya, bilowgii siddeed-tamaadkii ayaa meel u dhaxaysa xuduudda
Somaliya iyo Kenya baabuur kula jabay.
Waxay go’aansadeen inay dhulkaas lug uga gudbaan intay ka gaarayaan magaalo
weyn oo ay baabuur ka helaan.
Maalinba reero baadiye oo deegaankaas ku dhaqan ayey marti u noqonayeen,
dhaqan ahaan dadka reer miyigu waa dad intooda badan dun wanaagsane si
wanaagsan ayey u soo dhaweeyaan oo u sooraan.
Dhowr maalmood markay haddba reer ku hoydaan oo hilib iyo caano laga dharjiyo,
ayey goor maqribkii ah reer kale ku soo hoydeen, sidii oo kale ayaa inta gogol
wanaagsan geed xoogaa guryaha ka durugsan loo gogley raashin iyo caano loogu
geeyey, meeshoodii ayey habeynkaas ku hoydeen, waagu markuu baryey oo quraac
laga dharjiyey, ayaa waxaa u yimid ninkii sooryeeyey iyo nin kale.
Oo intay geed weyn oo reerka cabaar u jira ay farta ugu fiiqeen ayey ku
yiraahdeen geedkaas ma arkaysaan markaad cuntadiina dhamaysataan geedkaas
noogu imaada Gar aad u adag ayaa noo taala oo aan rabnaa inaad nala goysaan oo
xalkeeda nala gorfeysaane.
Quraacdoodii markay dhamaysteen ayey geedkii oo odayaal buuxaan yimaadeen.
Cabdullaahi wuxuu yiri geedka odayaal 20 ku dhow oo wada gar cad ayaa fadhiya,
way na soo dhaweeyeen way nahayb sadeen iyaguna way isu kaaya sheegeen.
Odayaashii waxa yiraahdeen niman yahow Martida noo ahi ma arkaysaan ninka
halkaas ku xirxiran. Gabar ayuu qabay, in muddo ah gabadhu waxay lahayd
ninkaan ma wada dhaqmi karnee ha layga furo, Gacan adayg, Gacan qaad iyo af
xumo joogto ah ayey ka sheeganaysey, muddo ayaan dhexdhexaadinayney, dhowr
jeer ayaan isku maslaxaynay.
Dhowr beri ka hor ayey gabadhii waxay soo istaagtay ninkaan haddaan layga
furin mid keen ayaa aakhiro aadaya ee anigiyo ninkaan hanala kala badbaadiyo.
Arintii markay nagu adkaatay oo ay maslaxaddii naga qaadan waayeen ayaanu
ninkii ku khasabnay inuu iska furo, ninkuna nin aad u dhaqan xun oo qalafsan
ayuu ahaa, oo Gabadha dhibka ay ka sheeganayso kuligeen waan ogeyn.
Markaanu mudo ku khasbayney inuu gabdhaan iska furo ayuu nagu yiri waan
furayaaye laba maalmood halaysiiyo.
Gabadhii ayaanu ku niri inta hawsha furiinku dhacayso gurigiisa wixii kaa yaal
ka soo qaado oo gabdho ehelkeeda ah la sii joog anagoo ka baqayna inuu dhib
kale u geysto.
guryaha baadiyuhu waa kala durdurugsan yihiine markay naga tageen oo ay
gurigoodii tageen ayuu intuu gabdhii garaacay oo xarig ku xirxirtay oo meel
reeraha ka fog oo cidlo ah geystey ayuu intuu gabadhii dharkoo dhan ka furay
oo qaawiyey oo uu Gacana geed ugu xiray Gacanta kalena geed kale ku xiray oo
uu haddana lugna geed uga xiray lugtii kalena geed kale uga xiray ayuu si aan
qayladeedana loo maqal gambadeedii madaxa u saarnayd intuu afka uga guray ayuu
haddana garbasaarteedii inta dhuudhuubay oo isku uruuriyey xubinta taranka
(macdanta) uga guray oo weliba intaas ugama harine intuu ul soo qaatay
garbasaartii ku sii fogeeyey oo ilaa ilmo galeenka gaar siiyey.
Ayuu haddana iyadoo geedihii ku kala xiran meeshii uga soo tagay, isagoo
weliba ku leh bal cid danbe wax hakugu fasho.
Iyadoo xaaladaas ku sugan, ayey maalin dhan iyo habeynkeed markay geedkii ka
laalaaday oo ay isku hurguntay naftuna ku sii daba yar tahay ayaa dad meesha
marayaa arkeen.
Gabadhii haddii naloo keenay waaba naf kabbax, baabuur ayaanu raadinay oo
dhinacaas iyo Kismaayo ayaa isbitaal loola cararay.
Ninkii falkaas sameeyey waa kaas halkaas ku xiran xaalladdii iyo Gartiina way
nagu adkaatay oo weligeen dhib noocaan ahi nama soo marine bal niman yahow
martida ahi garteennu waxay u badan tahay xaal xukumid, xumayn iyo mag la
bixiyo iyo xoolo, laakiin ninkaas dhibta intaas le’eg geystey wixii lagu
samayn lahaa ayaa doodu ka taagan tahay ee bal talo keena oo gartaan ha la
naqo.
Cabdulaahi iyo saaxibkiis way yaabeen weligood ma aysan maqal arintaan oo
kale, cabaar markay is fiiriyeen oo ay yaaban yihiin ayaa ninkii Cabdulaahi
saaxiibkiis wuxuu yiri war odayaalow annagu weligeenba meel gar lagu hayo ma
aanaan tegin oo dhal magaalo ayaanu nahay, koley arintaas anigu waxba kama
geli karo oo weligey ma maqal meel ay ka dhacday ee bal saaxiibkay Cabdullaahi
ayaan ku wareejiyey hadduu wax ka oranayo isagaa Reer Keynadiidkii talada goyn
jirey ka soo jeedee.
Cabdullaahi indhihiibaa kor u taagmay, wuxuu yiri waa run oo annagu weligeen
Gartaan oo kale ma aanaan maqal, waxna idinkuma kordhin karno oo idinkaa
odayaal waayeel ahi idinku jiraan oo waayo arag ah, ee odeerayaalow naga
wareejiya hawsha martina waan nahaye.
Oday odayadii ka mid ah ayaa Cabdullahi ku yiri ugu yaraan figrad uun ku
darsada oo siday idinla tahay nala wadaaga figradaha ayaanu u badsanaynaaye.
Odaygii Cabdulaahi ahaa Jiq bay ku noqotay, saaxiibkiis ayuu dhinac u fiiriyey
isagoo uga dan leh war arrinta wax ka dheh, saaxiibkiina intuusan Cabdullaahi
garta ku soo wareejin ayuu iska af-jigey oo yiri Cabdullahi cidi kuugu tagi
mayso ee ha isoo fiirin.
Cabdulaahi wuxuu yiri niman yahow anigu gar ma goyn jirin, xaaladaanina gar
wayba dhaaftay oo anigu waxaan maqli jirey nin nin dilay, xoolo lakala dhacay,
gabar la faro xumeeyey iyo wax la mid ah laakiin arintaani waxaas oo dhan way
ka weyn tahay, laakiin haddaad nin reer Xamar ah gartiisa ku qancaysaan waxaan
idin oran lahaa.
Xoolaha iyo magta iyo xumaynta aad sheegaysiin oo dhan wax micno ah ma lahan
oo xoolo ama geel kasta oo gabadha la siiyo iyaddaa ka qiimo badan, haddii
xataa kun neef oo geela ninkaan lagu xukumo tolkiis ayaa bixinaya oo isaga
laba neef iyo wax la mid ah ayaa ku soo aadaysa.
Marka inta xoolahaas iyo xaal marintaas la iska daayo oo Ninkaan la wado oo la
geeyo meeshii uu gabdha ku silciyey iyo geedkii uu Gabadha ku xirxirtay oo
isaga na la qaawiyo oo Gacana geedkaas looga xiro Gacanta kalena geed kale
loogu xiro, oo Lugna geedkaas loogu xiro lugta kalena geed kale loogu xiro oo
si aan qayladiisa loo maqal cimaamadiisa afka looga gufeeyo, macawistiisa
dabada halooga guro oo weliba inta bakooradiisa la qaato macawista horey
dabadiisa haloogu sii riixo.
Oo maalin iyo habeyn bay Gabadhu meesha ku xirnayde isaga Laba maalmood iyo
laba habeyn inta lagu soo xiro halooga soo tago,
Maadaama raggu dumarka laba jibaar ka badan yihiin marka la fiiriyo xagga
diyada, xagga awoodda iyo xoogga, xagga markhaatiga iyo xataa xagga dhaxalka.
marka isaga waa in loo laba laabaa mudaday gabdhu meesha ku xirnayd, kadibna
inta isla baabuurkii gabadha lagu qaaday isagana lagu qaado dhakhtarka
Kismaayo ee Gabadha la geeyey qolkay ku jirto qolka ku xiga isna hala jiifiyo.
Odayaashii meesha fadhiyey yaab baa kasoo haray, qaar qosol ayey la jeesteen
kuwana waxay la haayeen war wuxu muxuu ahaa Gar xumaa oo waxay ugu muuqatay
gar la gooyo midii ugu foosha xumayd, laakiin Cabdullahi saaxiibkiis waxay ugu
muuqatay gar la gooyo middii ugu wanaagsanayd.
Ninkii dambiilaha ahaa walaalkiis oo meesha fadhiyey oo aaminsanaa
Tix uu nin hore oo reerkiisa ahi waa hore tiriyey intuu reero dhan laayey
gabay kibir ah ku yiri.
Dadkuna dhuuxa waa iga yaqaan dhaladka Daaroode.
Dhayal iyo cayaar reer Ugaas dhagaha maw gooyey
Awal hore intaan dhowr ka dilay oon wax laga dhiibin.
Maantana mid dhabarkood ku Jabay Dhidarka maw loogay.
Dhici Faraska kuma koobanine dhiig ma soo hoyiyey.
Ragg dharaarin uun buu murmaa dhalasho maw sheegatay.
Oo Geel iyo xoolo hodan ka ah afartan wiil iyo waalo ahina la joogaan ayaa
qaadan waayey talada Cabdulaahi ee oranaysa gabar uu walaalkaa faro xumeeyey
halooga gooyo macawis dabada looga guray,
Intuu Tooreey iska soo gooyey ayuu Cabdulaahi kula soo orday ka qabtooy iyo
waawareey ayaa meeshii ka dhacday, odayashii inay gar gooyaan ayey ahayde
inuusan dhiig kale daadan ayey ku hagoogteen.
Cabdullaahi iyo saaxiibkiis si degdeg ah ayaa looga saaray shirkii oo inta nin
dhulka kala yaqaan lagu daray lagu yiri nimankaan magaalo hebla gee yaan
nalagu diline.,
Cabdulaahi saaxiibkiis qosol afka waa isku dari waayey oo marna wuxuu leeyahay
Cabdullahiyow ogow gar-xumaantaadii waan ku siganay oo marbay na malgi
lahayde, marna wuxuu leeyahay gar ka wanaagsan waligey ma maqal, laakiin
ilaahayow aan ninkaas dabadiisii madowga badnayd aan macawis geli lay oran.
Bal hadda Cabdullaahiyow yaa hawshaas dabo-macawisaynta qaban lahaa haddii
taladaada la yeeli Lahaa.
Cabdullahina wuxuu leeyahay, adeer dabo haleeye dabo la haleeyuu leeyahay.
Hawshuna waa sahal oo gabadha walaalkeed ayaa fulin lahaa.
Waxaan uga danleeyahay beryahaan kufsiiga dumarka ku dhacayey wuu soo
badanayaa waxaana sabab u ah qofka wax kufsaday wuxuu og yahay in geel lagu
xukumayo iyo xaal, tolkiisuna ka bixinayaan, marka waa in xoolahaan la kala
qaadanayo la joojiyaa oo ninka gabadha inta kufsaday dilay waa in isagana la
kufsadaa xabbadna madaxaooga dhuftaa (Eye for an Eye).
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida