Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Daba go'a diin dhaqameedyada Afrikaanka

W/Q: Abshir Garaad Cumar
Dhaqaalaha 0
11.2k
·

4/6/2019

Daba go'a diin dhaqameedyada Afrikaanka

B adi diinaha dunida ka jiraa ma aha kuwo diiwaan gashan oo caan ah,
tusaale ahaan qaaraddeenna madow waxaa ka jira wax ka badan 5000 oo diino
dhaqameed, haddana ma aha diino u diiwaan gashan caalamka ama caan ah,
boqolkii sano ee u dambeeyey waxaa dabargo’ay boqol kun oo diinood, taas oo
macneheedu yahay in sannadkii walba ay baaba’aan boqol diinood oo Afrikaan ah.
Sababta ay sida degdegga ah ugu baaba’aan diineheennu waxaa loo aanayn karaa
iyaga oo aan asalki horeba qornayn, iyaga oo ku milan dhaqanka iyo afka
bulshada haysata. Tusaale ahaan, halka diinaha Eeshiyaanka sida Islaamka,
Buudiismka iyo Hinduusimku ay leeyihiin aqoonyahanno ku taqaqusay barashada
diintaas iyo arday si cilmi ahaan ah u barata, kuweenna Afrikaanka waxaa
aqoonteeda loogu hagaagaa odayaal dhaqameedka, oo ah aqoonyahannada diinta,
dhaqaatiirka iyo tiirarka bulsheed, iyaguna badi ma baraan aqoontaas dadka,
keliya waxaa laga yaabaa in odaygu markii uu wedkiisu in uu soo dhaw yahay
arko in uu wiilkiisa curad wax yar baro, kaasina uu sidaas oo kale yeelo, taas
macneheedu waa muddo lixdan ama todobaatan sano ku dhaw ayaan wax diinta ku
saabsani cidi baranayn, taas waa loo aaneeyaa burburka xooggan ee ku socda
diinaha Afrika, waxaana taas ka sii daran markii ay caddaanku soo galeen
qaaraddeenna wax walba waxay ka dhigeen badawnimo oo thaqaafaddoodii sanka
inaga geliyeen, teenniina waxay ka dhigeen badawnimo iyo inay tahay xaddaarad
la’aan, sidaa daraaddeed ayay Masiixiyaddu u noqotay ilbaxnimo, diimihii
deegaannada la gumaystayy ka jiray oo ay Waaqism kamid ahayd u noqdeen
badawnimo.

Islaamka iyo Masiixiyadda oo ah labada diinood ee Afrika sida xooggan u soo
galay, waxaa caawiyey faafiyayaal (missioners) dadka ugu baaqayey diintaas oo
ugu bishaaraynayey farriimaha ay xambaarsan tahay, balse diinaha Afrikaanku ma
lahayn faafiyayaal iyo dad naftooda u huray si ay diintaas xeebaha uga
tallaabin lahaayeen. Run ahaan ama been ahaanta in diintaasi ay ka timid awood
sarreysa oo ku dul dangiigta kursi ka sarreeya cirka muuqda iyo walax kale oo
carshi la yiraahdo muhiim maaha balse shayga danta weyn u soo jiidda diintaas
ayaa ah dedaalka ay geliyaan dadkeedu iyo bisaylka dadka loo geynaayo.

Diinaha Ibraahiimiyada waxay wadaagaan in ay gaashaanka ku dhuftaan dhammaan
diinaha kale ee dunida yaalla sidoo kale ay iyaguna is xejistaan oo is
weheshadaan. Tusaale ahaan Islaamku wuu rumeysan yahay jiritaanka Masiixiyadda
iyo Yuhuudda, halka Masiixiyaddu ay rumeysan tahay Yuhuudiyadda. Taas
macneheedu waa in uu jiro dabar isku xira dhammaan diinahaas ilma adeerta ah.
Dhanka kale diinaha Afrikaanku ma laha weheliyad iyo walax isku xira dhexdooda
si ay ugu yaraan iskaga weheshaydaan fallaadhaha waabayda leh ee kaga imaanaya
diinaha shisheeye ee xeebaha ka soo tallaabay.

Ugu dambayn, halkaa waxaa ka cad in xaq ahaanta iyo been ahaanta diintu aanay
ku xirnayn awood sare oo ilaashanaysa diintan iyo run ahaanteeda ee ay tahay
wax ku xiran dadaalka ay geliyaan dadka diintaas haysta iyo qaabka ay u
faafiyaan, dabcan diinta ugu waayeelsan ee ugu da’a weyn dunida waa
Hinduusamka. Hinduusimkununa arko dadka aan tooda rumaysnayn in ay yihiin dad
xaqa ka lumayoo la cadaabi doono, iskumana aysan taxalujin faafinteeda, taas
ayaa sababtay in ay diinta kale e Yuhuudiyaddu noqoto mid ka caansan oo dadku
u yaqaannaan ta ugu waayeelsan diinaha. Markaa, aan mar labaad isla
xaqiiqsanno in diintu aysan ku xirnayn awood ilaashanaysa oo inay dabargo’do
ka dhawrsanaysa ee ay ku xiran tahay hadba sida ay dadkeedu u faafiyaan oo
waqti iyo cududba u geliyaan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...