Covid-19 wuxuu si dhaba u karbaashay diimihii dunida

Tan iyo bilowgii xaddaaradda, dadku waxay caabudi jireen ilaahyo ay qaarna
gacmahooda ku samaysteen qaarna afkooda ku samaysteen oo ay “samada” ku
sheegeen.
Tuulo kasta oo dunida ka mid ahi Diin iyo illaah ayay samaysteen, waxayna
sheegeen in ilaahaasi yahay awood badane wax walba awooda, waxyaabaha ay
jawaabaha u waayeen siday ku yimaadeena waxay odhan jireen ilaahyada ayaa
sababa, sida hillaaca, onkodka iyo roobka, amaba in ilaahyadu qorraxda iyo
dayaxa dabada ka riixayaan oo ilaah la’aantii cadceedda iyo dayuxu istaagi
lahaayeen.
Dabcan waqtigan casriga ah waxayaabaha aan kor ku xusay oo dhan siday u
shaqeeyaan waa la sharixi karaa, ilaahyo ka shaqaysiiya ama gacmaha kula
jirana looma baahna.
Dadkii hadaba waxa kale oo ay aamineen in ilaahyadaasi ay ka celin karaan
waxyaabaha dhibka u gaysanaya sida abaaraha iyo xanuunada.
Ducooyin aan waligood la aqbalin ayay kumanaan sano gacmaha kor u taagayeen oo
ay ilaahayadaasi baryayeen.
Hadaba cudurka safmarka ah ee Covid-19 waxa uu kusoo beegmay dadkii oo wali
qaarkood ilaahyadii ay haysteen caabudayaan.
Dawladahoodii iyaga oo og in cudurkan duco wax ka tarayn ayaa waxa albaabada
la isugu dhuftay meelihii ilaahayada lagu baryi jiray sida kacbada iyo
kaniisadihii waaweynaa.
Dawladuhuna iyaga oonan ilaahayada wax ka sugayn ayaa waxa ay bilaabeen
raadinta dawadii cudurka, dawadaasina maanta diin iyo kitaab keeni karaayi ma
jiraan.
Hadaba su’aalahan ayaa isweydiin mudan,
Aaway ilaahyadii dunidu? Kuwii aaminsanaayi maxay sidan oo dhan uga kalsooni
baxeen?
Balaayiin qof ayaa maanta jilbaha iyo wajiga dhulka ku haya oo ilaahayadoodii
baryaya maxaa looga aqbali waayay oo duco iyo mucjiso wax dawaysa loo waayay?
Hadii uu nabi Maxamed sheegay in xabasuudu(xabatu sawda) wax walba dawo u
tahay marka laga reebo geerida, maxaa loo arki waayay nin maanta xabasuuda
dawo u haysta oo aan dan ka lahayn tallaalka khubarada saynisku soo saari
doonaan?
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida