Cilmaaniyaddu waa badbaado

Cilmaaniyaddu waa falsafad siyaasadeed oo ay saldhig u tahay cadaaladda iyo
xorriyaddu. kala soocidda diinta iyo maamulkuna waa mid kamida tiirarka ay ku
taagan tahay, waxay dhigaysaa in diinta laga ilaaliyo inay ku milanto
dawladda maadaama ay yihiin laba arrimood oo aan waxba iska gelin. Kala
guriddaasi waxay diinta ka bad-baadinaysa in siyaasigu nijaaseeyo oo uu
danihiisa ku fushado sidoo kalena waxay meesha ka saaraysaa in nin wadaad
sheeganaya laakiin siyaasi ahi uu muuqiisa iyo derejada diimeed ee uu huwan
yahay ku fushado danihiisa siyaasadeed, taaso diinta wax wayn u dhimaysa.
Diintu waa xidhiidh gaar ah oo ka dhexeeya qofka iyo Eebbaha uu aaminsan
yahay, xidhiidhkaasi inuu sii jiro oo adkaado ama inuu meesha ka baxo gebi
ahaanba waa wax u yaal qofka oo aanay jirin cid ku qasbi karta sii adkaynta
xidhiidhkaas ama kala goyntiisa, mana jirto cid xaq u leh inay ku ciqaabto
jebinta xeerarka u dhexeeya isaga iyo Eebbaha uu aaminsan yahay, sidoo kale
ma jirto cid ku abaal marinaysa ama uu kaga sugeyo abaal marin iimaankiisa
kordhay iyo cibaadadisa badatay oo aan ka ahayn Eebbaha uu aaminsan yahay.
Kala gurka dawladda iyo Kaniisaddu wuxuu kasoo bilaabmay qaaradda Yurub
xilligii maan-furka, waxaana dhaliyey herdankii ka dhexeeyey Kaniisadaha
dhexdooda oo dagaal iskula jirey iyo dhibkii iyo dib u dhacii laga mutay
markay isku milmeen awoodihii maamul ama siyaasadeed iyo arimihii diintu.
Diinta iyo dawladda oo la isku badhxo waxaa ka dhalanaya dhibaatooyin dhan
walba ah oo dadka iyo dalkaba ku habsan kara sida taariikhda waddamo badan oo
adduunka ahna ku sumadan, waxayna keentaa in diinta iyo dawladuba qiime
dhacaan dadkuna ka tala baxaan labadaba.
Cilmaaniyaddu waa hab maamul oo muwaadiniinta xuquuqdooda simaya isaga oo aan
eegayn qabiilkooda, rumayntooda, xisbiga siyaasi ay taageeraan ama fikirrada
ay aaminsan yiiin. Dal laguma yeesho diin iyo midab, dhalashana laguma bixiyo
inaad diin hebel ka tirsan tahay sidaa darteed nidaamka cilmaaniga ah waa
nidaamka keliya ee dhex u ahaanaya dadka dalka wada leh ee kala afkaarta,
muuqa, diinta iyo xaaladda duwan.
Cilmaaniyaddu maaha diin ama madhab, kumana qasbeyso dadka inay diin hebel ka
tagaan oo qaataan diin kale, cilmaaniyaddu ma diidayso mana xadaynayso in
dadku ku cibaadaystaan masaajid ama kaniisado dhistaan. Madaxda dalka kuma
xidhayso inay diin/qabiil hebel ka tirsanaadaan balse waa inay ahaadaan
muwaadiniin u hoggaansan sharciga denbina aan ka gelin dalka.
Cilmaaniyaddu waxay xaq-dhawraysaa dhammaan xisibyada mucaaradka siyaasiga ah
ee waddanka ka jira. waxay ugu deeqaysaa saxaafadda iyo shakhsiyaadkaba
xorriyadda hadalka. waxay garab istaagaysaa dadka tirada yar oo ay ka
ilaalinaysaa xadgubta bulsho waynta ay ku dhex nool yihiin.
Dadka Soomaaliyeed weligoodba waxay ahaayeen dad ku dhaqma iskuna maamula
nidaam cilmaani ah oo aan isku qasin diinta iyo maamulka. Xeer Soomaali ayaa
la isku maamuli jirey, dadku waxay u qaybsanaayeen Waranle, Ugaas iyo Wadaad,
koox waliba shaqadeeda ayay qabsan jirtey kumana xad-gudbi jirin shaqada
kooxda kale.
Nidaamka cilmaaniga ahi maaha mid diideya ama ka hor imanaya diinta balse
diinta ayuu ka ilaalinaya inay ku adeegtaan siyaasiyiin iyo dad dano gaar ah
leh. Waxaa kale oo muhiim ah inaan ogaanno inaan dal lagu maamulin iimaanka
dadka oo maaha iimaanku wax la qiyaasi karo. Dadka dalka maamulayaa haday
yihiin kuwo cibaado badan taa micneheedu maaha inay yihiin dad ku habboon
hagidda iyo dhisidda maamul suuban. waxaana tusaale ku filan in nabi Maxamed
xilliyada uu duullaanada ku jiro talada iyo jeexidda khidadaha dagaalka u dabo
fariisan jiray dadkii uga xeel-dheeraa khibraddana u lahaa dagaalada.
Wadaadku wuxuu dadka ku boorriyaa inay xoogga saaraan aakhiro oo ayna isku
hawlin tan dhamaanaysa. Wadaadka noocaas ah haddii uu talada wadanka qabto
dadka waxa uu u harayaa aakhiro iyo mugdiyaal. Ciddii ku dhiirrata inay ka
hortimaaddo nidaam xumadiisa oo cambaaraysana waxa uu bannaysanayaa dhiigooda
isaga oo soo qufaya axaadiista faraysa in loo dhago nuglaado madaxda si walba
oo ay xun yihiin sida immikaba ka jirto waddamo badan oo Islaam ah, waxaana
meeshaa ka baxaysa gebi ahaanba isla xisaabtankii. Wadaadku waa denbaabi
karaa, tuug buu noqon karaa, balse inuu shaadh diimeed ku qariyo oo dharkiisa
iyo gadhkiisa ku beer laxawsado quluubta dhagwaynta aan ogayn xarkaha uu
maleegayo ayaa ah midaan la aqbali karin.
Dawladdu maaha qof oo diin ma yeelan karto balse waa nidaam u adeega danaha
dadka samaystay si siman, nidaamkaas dadka ku shaqaynaya waa dad u dhashay
dalka oo kala aragti iyo afkaar duwan lagulana xisaabtamayo shaqadii loo
dirtay balse aan lagula xisaabtamayn inay tukadeen ama sadaqo bixiyeen,
iimaankooda diiniga ahna aan miisaan la saarayn. Dawladdu waxay la mid tahay
shirkad ay ka shaqaynaayn dad kala duwan oo aan isku diin, af, midab, aqoon
iyo aragti ahayn mid walbana lagula xisaabtamayo shaqada loo igmaday ee uu
aqoonteeda leeyahay. Haddii aanu qofku tukan ama aanu gadh dheer lahayn amaba
uu khamriga cabbo hadii kuwaasi dadku denbiya u aqoonsan yihiin waa inaan
qirnaa in qofka waxaa sameeya aanu dadka iyo dalka ama dawladda denbiyadaas ka
gelin balse uu Illaahiisa ka galay isaguna uu kula xisaabtamayo haddiise uu ka
dhuunto shaqo qaran, canshuurta bixin waayo, dad dhibaateyo xeerarka lagu
heshiiyey ayuu ku tuntay sidaa darteed si waafaqsan xeerka dadku u dejistaan
in lagu kala baxo ayaa lala tiigsan.
Nidaamka cilmaaniga ahi ma fara geliyo diinta kumana adeegto, dadkana kuma
kiciyo umana diido inay cibaadaystaan. Nidaamka cilmaaniga ahi wuxuu
ilaalinayaa oo dhex u yahay dhammaan muwaadiniinta dalka u wada dhashay ee wax
walba ku kala duwan. Cilmaaniyadu waxay ilaalinaysaa si siman xuquuda
Wadaadka, Waranlaha iyo Ugaaska wayna u dhexeysaa kamana shaqayso kumana
mashquulayso lebiskaaga iyo iimaankaaga balse waxay u taagan tahay siday kuugu
adeegi lahayd oo dhammaan xorriyadaha shakhsiga ee aad xaqqa u leedahay u
ilaalin lahayd, dadkana ay kaaga ilaalin lahayd inaad ku xad-gudubto ama ay
kugu xad-gudbaan.
Haddii ay isku milmaan siyaasadda iyo diintu waxaa dhalanaya mugdi, burbur,
colaad iyo dib udhac dhan walba ah, natiijada u danbaysa ee isku milankaas
nijaasta ahi waxay noqonaysaa inay soo baxaan kooxaha Daacish, Al-shabaab,
Daalibaan iyo Al-Qaacida kuwaasoo dadka ku dhiba magaca diinta balse
ujeedkoodu yahay inay talada iyo hantida dalka gacanta ku dhigaan diintana ka
dhigta jid ay u maraan yoolkaa habaaran.
Nebi Maxamed wuxuu sheegay in ujeedada kaliya ee loo soo diray ay ahayd inuu
farriinta dadka gaarsiiyo sida quraankuba ka marag kacayo – Al-Maaida:99 (ما
على الرسول الا البلاغ).
Nidaamka cilmaaniga ahi waa nidaamka keliya ee maanta dadka u damaanad qaadi
kara inay nabad, sharaf, xorriyad iyo karaamo ku wada noolaadaan. Xidhiidhka
qofka kala dhexeeya eebbihiisa iyo ka kala dhexeeya dawladdiisa waa laba aad u
kala duwan una kala fog oo aan la isku mili karin. Dawlad xaq uma laha inay
muwaadinka waydiiso sababta uu u tukan waayay, khamriga u cabbay? Balse waxay
ku waydiin kartaa oo kaliya sababta aad xeer dadku ku heshiiyay u jabisay?
Cilmaaniyaddu waa ta suuragalisay in muslimiin badan oo wadamada yurub iyo
waqooyiga Ameerika jooga masaajiddo dhistaan ama diintooda dadka ugu yeeraan
oo dacwada ka fidiyaan waddooyinka iyo goob walba. haddii ayna cilmaaniyadi
jiri lahayn dadkaas looma ogolaadeen xuquuqdooda aasaasiga ah sida maantaba ka
jirta waddamada Islaamka badankooda oo qofka diintiisa bedelaa u halis ugu
jiro in la dilo.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida