Ciilka Soomaalida

Q of kasta oo soomaali ahi ciil buu qabaa oo waxa uu jeclaan lahaa in uu
ciilbeelo. Waxa aynu aragnay kuwii qur’aanka xafiday oo da’ yar u badnaa in ay
gebi ahaanba soomaalida ku xukumeen murtaddiin maaddaama looga haray jihaad uu
islaamku ku furan lahaa dhulalka gaalada oo dhan, oo lagu addoomin lahaa
cadowga Eebbe. Dhallinyaradaas xufaadda ah oo ay ummaddoodu gaalada ka
raacday, sidaasna ay ku riddowdey waxa ay ku ciilbeelaan in si kasta oo
soomaalida loo gumaadi karo u gumaadaan. Iyaga oo aan dowlad ahayn bay dad
shacab ah dhagax ku dilaan, addimmada ka jiraan, tiir geeriyeed suraan si ay
ugu nefisaan dhiig daata. Haddii ay hayaan hubka sunta culus ah oo wax
gumaada, aayo xumidana dhulka ku reeba geesaha oo dhan bay u ridi lahaayeen,
waayo dadka ay ku ridayaan xushmad ma leh oo waa murtaddiin iyo gaalo. Kuwa
sidaas u xanaaqsan keli ahi ma ciillana ee ciilku waa ciil bulsho oo ay iyagu
soo dedejiyeen.
Waxa aad arkaysaa soomaali badan oo ku sheekaysanaya oraaho ay ka mid yihiin
”Xataa gaalka in aad dishid laguu ma bannayn haddii uusan diintaada kugu soo
farogelin”. Horta gaalka dil soomaaliyeed ka baqaya oo laga hakinayaa halkee
buu joogaa? Gaalka uu soomaalidu isku dhererinayo oo uu dilka ka la ajoonayaa
waa kuma? Muxuu yahay dilka aad afkaaga ka saari la’ dahay adiga oo dunida ugu
hooseeya dhan kasta? Yaad u raran tahay oo adiga oo liita kugu salliday dad
aadan garan karin meel ay marayaan? Ma og tahay in hal guri oo ku yaal
dhulalka dadka aad u hanjabaysaa uu ka qaalisan yahay waxa soomaalida
dhulkeeda yaal oo dhan? Markii waxyaalaha sidaas u horumarsan la samaysanayey
dhulka ayaad joogtey ee maxaad ka qabanaysey? Ma og tahay cid kaa dhib dhacsan
oo kaa saboolsani in aysan dhulka joogin? Xaggee bay jiraan dadka aad adiga oo
cago-cad nacaybka tusaysaa? Dhankee bay kaa xigaan maxay se ka fakarayaan? Ma
carabi waa hore lagu haasaaway baa wax maskaxdooda ku jira kuu sheegay? Yaad u
raran tahay oo cadownimada aadan u baahnayn ku geliyey?
Haddii ereyo carabi ahi ay colaad kugu beereen boqorka sucuudigu waxa uu
maraykan siiyey 400 oo bilyan, maraykanna ma aha dalalka deeqaha la siiyo ee
Soomaaliya ayaa ugu liidata dalalka aan jiri karin deeq la’aan. Waxa
Soomaaliya halkaas dhigay waa maskaxdaada ay horumarka ugu sarreeya oo ay
gaartaa uu yahay in gaalada cayr loo soo doonto iyada oo carabi lagu caayayo!
Ereyada carabiga ah oo sida lagu fahmaa ay fududdahay cudur ay ku geliyeen
miyaad kaga wahsatey in aad fakartid? Ereyadaas carabtiiba haddii ay nuxur ka
waayeen adiga maxaa dux ah oo kuugu haray? Dadka oo dhammi ereyadaas waa ay
arkeen oo haddii aad moodaysid khayr dadka qaar seegay in ay yihiin dad baa u
nool in ay wax akhriyaan, adigana waa aynu is garanaynaa oo wax ma aad
akhridid. Waxa aad tahay wax isagu cadow isu ah, dadnimadana cadow u ah, oo
aan afkiisa iyo carabi midna wax ku kordhin karin!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida