Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Cibaadoo iyo caqiido maxay yihiin?

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Diimaha 0
3.5k
·

2/4/2019

Cibaadoo iyo caqiido maxay yihiin?

C ibaadadu waa maamul iyo siyaasad la sameeyey xilliyo hore oo ay dadku
aad uga garasho iyo aqoon yaraayeen heerka ay maanta joogaan. Dadkii cibaadada
soo rogey ujeeddadooda ugu weyni waxa ay ahayd in dadka shaqo la’aanta ah loo
sameeyo waxyaalo ay ku mashquulaan, dadkuna xilliyadii hore bilaa camal buu u
badnaan jirey. Maanta sida badan cibaado loo ma baahna oo dadku shaqooyin ama
waxbarashooyin bay ku mashquulsan yihiin, xilliyada ay firaaqada yihiinna waxa
ay daawan karaan filimo iyo ciyaaro ama buugaag bay akhrisan karaan. Waddamada
ay shaqo la’aanta ba’ani ka jirto, isla markaas aysan dadku filimo iyo buugaag
fahmi karin sida Soomaaliya waxaa laga yaabaa marmar in cibaado looga baahan
yahay si muranka dadka loo yareeyo oo loo ka la jiheeyo.

Caqiidadu waa siyaasad ay shakhsiyaad ku raadinayeen in ay dadku taageeraan.
Dadku waxa ay u ka la baxaan qaar dadka kale lagu salliday oo jecel in ay sida
dadku u fakarayaan xukumaan oo in iyaga lagu xirmo jecel iyo qaar aan dadka
kale dareenkooda dan ka lahayn oo iskood isaga nool. Dadkii caqiidada soo
rogey waxa ay ahaayeen dad jeclaa in iyaga la taageero oo niyadda lagu hayo,
waxa ayna sida badan caqiidada ku saleeyeen in ay dadka bajiyaan ama hunguri
geliyaan si iyaga loo raaco. Taageerada dadkaas loo hayo oo ah caqiidada ayey
cibaadada lafteedu ku xiran tahay oo waa siyaasad loo degey xilli ay dadku aad
u wacyi hooseeyeen.

Meelaha cibaadada oo la isugu yimaado waxaa fiican in aan la dumin si dadku
markii ay ilbaxaan ay qarniyada danbe u arkaan waxyaalihii ay dadkii ka
horreeyey samayn jireen iyo meelihii ay ku samayn jireen. Xilliga aynu joognaa
weli waa casri jaahili oo dadku ma wada ilbixin, waxaana taas caddaynaya in ay
weli cibaado iyo caqiido jiraan. Cibaadada iyo caqiidadu waxa ay curyaamiyaan
shaqada iyo waxbarashada oo waddankii ay ku badan yihiin laga ma yaabo in uu
horemaro, waayo shaqada iyo waxbarashada ayaa lafdhabar u ah horemarka oo
dhan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...