Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Casrigii qaska iyo qalaanqalka!

W/Q: Hiirad Golongol
Diimaha 0
14.4k
·

4/25/2022

Casrigii qaska iyo qalaanqalka!

Inkasta oo dadku wax qori jirey waxna akhrin jirey waxa aad u koobnaa cilmiga
oo aan dadka wada gaarin, isdhexgal bulsho iyo xaddaarad wax la isugu gudbiyo
aad ayey u yarayd. Dadku waxa uu ahaa raacato iyo beeraley. Waxa badnaa
fakhriga iyo jahliga taas oo dhabbaha u xaartey in dadku isku tix geliyaan
sidaa loo kala xoog weyn yahay amaba loo kala maal badan yahay. Tani waxay
keentay in sharci loo arko kala riixashada maalka iyo mansabka tiiyoo ay sax
tahay in uu qofka labadaa haysta ama middood uu kugu xukumo qaab muruq-maamul
ah.

Qofka hantida leh ciidan u shaqeeya ayuu isku dubba ridan jirey, waxa uu ku
weerari jirey deegaamo hor leh si uu u qaniimeysto awooddiisana u fidiyo. Gar
iyo gardarroba isaga ayaa jid lahaa oo la dhegeysan jirey. Jasiiradda Carabta
ama Gobolka Bariga Dhexe waxa intaa u dheeraa rag boqorro ah oo hibo gaar ah
sheegtay, Boqornimada waxa u dheeraa in ay sheegtaan in uu Eebbe iyaga soo
wakiishay.

Waxa kamid ahaa Maxamed (570-632) oo muddo isaga oo goonni socod ah dadka u
sheegayey in uu yahay nin la weheliyo oo xagga rabbi ka socda. Waxa uu ku
dhashay oo ku koray magaalada Maka, 40 markii uu gaarey ayuu dadka u sheegay
in axad Jibriil uu ku sheegay uu dhegta wax ugu sheegay kuna yiri “waxa tahay
Nebi, mid kale oo kaa dambeeya ma jiro mana soo bixi doono, adiga ayaa dadka
ugu khayr badan ee xukun, qofkii hadalkaaga iyo xukunkaaga raaci waaya waa
kaafir gaal ah oo dhiiggiisa iyo maalkiisu kuu bannaan yihiin”

Maxamed lama iman wax caddayn ah oo sheegeysa in uu ka dhex hadlayo wax uu
isagu ula baxay “Allah” su’aalaha la weydiiyo kama jawaabi jirin. Kolkii uu
helay koox yar oo dad ah waxa uu u guurey Madina halkaas oo uu ka helay askar
fardooley ah (rakuubley) iyo taageerayaal. Waa Markaa marka uu la soo baxayo
midabkiisa runta ah ee uu qaadayo guluf uu xoog ku socodsiinayo fikradda cusub
ee uu la yimid, waxa uu bilaabay in uu burburiyo dadkii isaga ka horreeyey
aaminaaddoodii iyo iimaankoodii.

Maxamed lama iman dhaqan cusub, waxa uu ka bilaabay deegaankii ku xeernaa
muruq maamul iyo in qoorta loo dheereeyo qofkii ka hor yimaada ama aamini
waaya hadalkiisa waayo sebenkii lagu jirey ayaa ahaa ‘midkii qaska iyo
qalaanqalka’ in dad nool la addoonsado oo xero lagu xeraysto waxay ahayd wax
iska caadi ah, hantida duullaanka uu ku soo bililiqaysto waxa uu ula baxay
‘qaniimo rabbi raalli ka yahay’ dumarka dagaalka lagu soo dhaco waxay ka mid
ahaayeen hantida la qaybsado, Maxamed waxa uu ka xulan jirey intii uu doono oo
waxa uu sheegtay in Allah uu u banneeyey.

Boqorradii hore ee Bariga Dhexe waxa Maxamed ka horreeyey Muuse iyo Ciise
waxay ka sinnaayeen in ay nebiyo sheegtaan ama Ilaahyo halka boqorrada Afrika
iyo Asia ay ku ekaan jireen xayndaabka dadka caadiga ah. Boqorka Reer Bariga
Dhexe isaga waxa u dheeraa in uu diin ku dhuunto si uu ujeeddadiisa u gaaro
isaga oo sheeganaya in uu xiriir toos ah la leeyahay awood sare. Maxamed inta
badan wax cusub lama iman waxa uu sharciyada badankood ka soo min guuriyey
diimihii ka horreeyey maadaama uu ahaa nin aan waxna qorin waxna akhrin badi
waxa uu diin dadka uga dhigay cilmi dhegood iyo ku tiri ku teen uu
hareerihiisa ka maqlay.

Maxamed amarkiisii, rabitaankiisii, diidmadiisii iyo damaciisii waxa uu ula
baxay ‘Qur’aan’ oo uu ugu yeeray hadalkii Allah. Qofkii liqi waaya ama ay ka
daadegi weydo waxa uu oran jirey soo qabta oo gawraca waa murtade. Ciidankii u
fulin jirey amarrada ee uu ku shaqaysan jirey waxa uu ula baxay ‘saxaabadii
nebiga’ waxay ahaayeen koox qawleysato ah oo dhac, burbur iyo duullaan ka
shaqaysata, qayb ka mid ah ayuu ugu bishaareeyey jannada. Haa isaga ayaa ugu
bishaareeyey jannada waxay ahaayeen ciidamo daacad u ah. Kolkii uu Maxamed
dhintay meydkiisii oo aan la aasin ayey ku dul dagaalameen xukunkii iyo
maalkii oo ay birta iska asleen.

Waa sababta uu fekerka Islaamiga ahi ugu qotomo cadaawad iyo rabshado, waa
sababta meel kasta oo Muslimiintu ku badan yihiin uu dab uga baxayo waayo
diinta Islaamka ayaa soo baxday ‘casrigii qaska iyo qalaanqalka’

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...