Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Casriga keli-taliska iyo midigta fog & sansaanta dib u dhalashada midigta fog ee caalamka (Qaybta 1aad)

W/Q: Maxamed Xasan (Beer-Dilaacshe)
Siyaasadda 0
9.3k
·

10/6/2021

Casriga keli-taliska iyo midigta fog & sansaanta dib u dhalashada midigta fog ee caalamka (Qaybta 1aad)

Hordhac

Ugu horeyn xagjirnimada bulsheed ee ku aadan ku dhaqanka maba'diida iyo
caqliyadaha ay aaminsantahay bulsho, waa ay ku kala duwanyihiim ummaduhu,
hadba ummadii fikirka iyo aaminaadda ay haysato ama ay aaminsanyihiin ayay ku
jaan-gooyaan nolosha guud ee ay ku suganyihiin. Oo waxaa jira bulsho ku ada-
dag oo aaminsan in dhaxalka diimeed, af, dhaqan, fikir, iyo waddaniyadda
qoomiyadnimo ay yihiin qiyamka iyo qiimaha ay tahay in ay ku dhaatan si ay
jiraalkooda ummadeed uu ilaaliyaan, oo badana ummaddaasi waa ummad xir-xiran
sida ummaddeenan soomaaliyeed. Dhanka kale waxaa jira ummado aaminsan in
isbeddelka iyo suulinta dhaxalka iyo dhaqamadoodii hore uu yahay waddo uu
taabo-xaadhaysa aayaha horumarka iyo casriga ee ay doonayaan, oo waxay badana
aaminsanyihiin in isdhexgalka dhaqamada iyo afkaarta ummaduhu uu ka qayb
qaadanayo horumarka aadamaha ee marba marka ka dambeysa waddada uu jeexaya ka
aaradnaanta qiyamka iyo ruuxda rabbaaniga ah.

Xagjirnimada bulsheed waa qaybo badantahay, xaqiiqdiina waxaa laga soo waarida
falcelinta iyo hummaagga ay ummadii uga falceliso xaaladaha nololeed ee la soo
gudboonaada. Dhanka kale aydaloojiyadaha kala duwan ee ay ummaduhu
aaminsanyihiin waxaa loo kala qaybiya midig, bidix iyo fikirka
dhexdhexaadnimada ah.

Haddaba fikradaha kala ah midig iyo bidix waa miisaan caqliyadeed lagu qiyaaso
habdhaqanada, go'aanada iyo falcelinta bulsheed ee ku aadan xaaladaha badan ee
soo foodsaara nolosha guud ee bulshooyiinka oo dhan ; Ha noqdaan kuwo
siyaasadeed, kuwo bulsho, kuwo diimeed , kuwo dhaqan, kuwo dhaqaale iyo kuwo
la hal-maala oo xaalado bulsheed ahba. Inta la xasuusanyahay sooyaalka
taariikhda aadamaha waxaa la ogsoonyahay in aadamuhu uu kala bixii jirey midig
iyo bidix oo labaduba kala aaminsan laba aragti-bulsheed oo ay bulshooyiinka
ummaduhu uu kala baxaan, oo inta la ogsoonyahay waxay asal ahaan labadan
aragti soo ifbaxeen dabayaaqadii qarnigii 18aad, intii lagu gudo-jirey
kacaankii faransiiska ee isbeddelka bulsheed lagu doonayay.

Haddaba maanta waxaynu sii gaar ah uga hadli doona sooyaalka iyo isbeddelada
xaaladaha siyaasadeed ee ay la kulmeen siyaasadaha midigta fog ee caalamiga ah
, sidoo kale waxaynu ka hadli doona dhalashooyinka taariikheed iyo kuwa
casriga ah ee awoodaha keli-taliska ah ee ay tarmisay falsafadda siyaasadeed
ee qoominimada asal-raaca ah ku saleysan ee falsafadda midigta/ fog (radical-
right/far-right/right wing). Waxaa aynu sidoo kale isbar-bardhig ku sameyn
doona kala duwanaashaha aragtiyaha qunyar socodka ah iyo kuwa xagjirka ah ee
ay aaminsanyihiin ummadaha kala duwan ee adduunka (gaar ahaan yurubiyaanka).

Haddaba inago hordhacayna , waxaan doonaya inaad fahantaan intaan ku jirno
mawduuceennan macnaha loola jeedo siyaasadda midigta/fog, kadib waxaynu
falanqeyn doona isla markaana aynu dul-tagii doona asalkeedii, taariikhda ay
soo martay, ujeeddooyinka siyaasadeed ee ay xambaarsantahay falsafaddaasi iyo
ta ugu weyn ee ah saansaanta awoodeed ee laga filan karo qarnigan 21aad in ay
yeeshaan awoodaha siyaasadda midigta fog aaminsan iyo suurtogalnimada ay ku
dhalan karto kelitalis-wadareed caalami ah, oo adduunka ku sababa tartan asal-
raac ah oo ay ummadaha caalamku ku tartaamaan. Haddaba marka aynu ka hadlayno
siyaasadda midigta ama midigta fog waa nidaam fikreedyo ku dhisan aragtiyaha
asal-raaca ah ee ay ummadd cayiman leedahay, isla markaana leh mabda', dhaqan
iyo qiyam jaan-go'an oo soo jireen ah. Aragtidanina waxay dhiirrigelisa oo ay
xoojisaa waddaniyadda ummadaha, jecleysiga qoominimada, cunsuriyadda, awoodda
ummadnimo, kala sarreynta dabaqadaha bulsho iyo isbalaarinta dhulleed ee ay
ummadii ku taamto.

Sanadkii 2019kii Warar xog ogaal ah oo laga leeyahay mid kamida warbaahinaha
yurub ayaa daboolka ka qaaday in kooxaha midigta fog ee Qaaradda yurub ay
taageerayashooda iyo bulshooyiinka tageersana ku amreen in ay is-hubeeyaan
isla markaana haystaan hubka sharciga ah iyo ka aan sharciga ahayn ee hubka
culus ee riddooyinka ah, waxaanay ku sababeeyen arrinkan in ay tahay sabab
macquul ah oo muujinaysa halganka iyo awoodeynta fikirka midigta fog ee
xagjirka ah. Tanina waa mid kamida saansaanta awoodeed ee ay muujinayaan
asxaabta midigta fog ee caalamku, waana tubta uu xaadheysa halganka ka dhanka
ah qolyaha bidixda fog (far-left, Radical left).

1. Asalka siyaasadda midigta fog iyo heererkii kala duwana ee ay soo martay

Asal ahaan siyaasadda midigta /fog waxay ka soo dhambaalmantay xilliyadii
kacdoonkii faransiiska ee dabayaaqadii qarnigii 18aad, kadib Kacaankii
Faransiiska ee 1789kii wuxuu abuuray isbeddel weyn oo xagga fikirka
siyaasadeed ah isagoo caqabad ku noqday fikradaha aasaasiga ah ee taageeraya
kala sarreynta bulshada iyo taliska xukunka boqornimo ama keligii talisnimo,
wuxuuna abuuray qolyo cusub oo uu doodaya sinnaanta guud iyo xorriyadda.
Muuqaalka dheer ee loollanka siyaasadeed ee bidix iyo midig ee casriga ah ayaa
sidoo kale soo ifbaxay xilligan. Kadib kacdoonkii faransiiska, faransiisku
wuxuu la kulmay kala jab siyaasadeed oo ku yimid barlamaankiisa oo uu kula
baxay laba qaybood oo iskugu jira qolo aagga bidix ee barlamaanka fariisan
jirtay oo ah dimuqraadiyiin, caalamiyiin (Globalist) iyo calmaaniyiin
(Secularist) oo iyagu yeeshay summadda siyaasadda bidixda iyo Qolo kale oo
asal-raac ah oo aagga midig ee barlamaanka fariisan jirtay oo ah qoommiyiin
(nationalist), waddaniyiin, keli-talis uu xagliyaal iyo asal-raacyahano
bulsheed (fundamental conservatism). Waxaa jiray dhaliilo badan oo ay soo
jeediyeen aqoonyahanada taariikhda iyo falsafadda kuwaaso sii aad ah uga soo
horjeeday xorriyadda iyo dimuqraadiyadda qarnigii 19aad dhalatay, sida Joseph
de Maistre iyo Friedrich Nietzsche, waxay aad u dhaleeceeyeen Kacaankii
Faransiiska, iyagoo tibaaxay in uu ahaa qorshe ay qolyo qarsoon oo yuhuud ihii
ka dambeeyeen, oo xaqiiqatan waa xaqiiqo jirta in kacaanka faransiiska ay ka
dambeeyen qolyaha qarsoodiga ah ee yuhuudda ku abtirsada.

Kuwii uu ololeeyey in lagu soo noqdo nidaamyadii boqortooyadnimada badhaxa-
tiran (Oligarchical-monarchy) intii lagu jiray qarnigii 19aad waxay isku
magacaabeen "ultra-monarchists" oo ah laan kamida aragtiyaha ay ku dhisantahay
siyaasadda midigta fog, sido kale waxay qaateen aragtiyaha "mystic" iyo
"providentialist" oo tibaaxaya in maamuulka guud ee noloshu uu yahay hawlo
rabbaani ah oo ilaahay unkay, kana turjumaysa baahida aadamuhu uu qabo nolosha
iyo dabeecadda guud ahaan. Kadib waqtiyadaas, qolyihii midigta fogi waxay
bilaabeen in ay galaan halgan ka dhan ah bidixda fog oo uu aaminsanyihiin inay
yihiin cadawga doonaya in ay qiimaha iyo qiyamka aadamaha suuliyaan. Ka soo
horjeedka liddinimo ee ay midigtu uu muujisay bidixda waxay sababeen qalaalase
caalami ah oo ay ka mid yihiin dagaaladii sokeeye ee ka dhex aloosamay
qaaradaha ameerika iyo yurub, kuwaaso dhabada uu xaadhay labadii dagaal weyne
adduunka iyo burburkii waayihii boqortooyanimada adduunka, taaso sababi doonta
burbur ku iman doona cahdigii midigta fog ee caalamka.

Cadawtinimada ama ku liddinimada bidixda casriga ah ee ay midigtu uga soo
horjeedday wuxuu ku salaysnaa aaminsanaanta ah in kala saraynta iyo
xididnimada ama qoomiyadnimadu ay ka muhiimsan tahay sinnaanta iyo xorriyadda
bulsheed ee bidixda, iyadoo labada dambe ay yihiin kuwo bani-aadamka uu
sababaya inuu dhaafo xayndaabka aadamnimada taa liddigeedna uu noqdo xayawaan
shahwaddiisa iyo yeermadiisa raacda.

Dooddo ka dhex dhacay faransiiska ka dib Kacaankii Balaashifada shuucigii ku
qabsadeen ruushka sanaddi 1917kii, waxay sheegeen in midigta fog ee yurub ay
noqon doonto liddiga cadaawe ee ugu weyn ee ay la kulmi doonaan balaashifada
shuuciga ah ee isla markaana ah bidixda fog.

Tiro ka mid ah mufakiriinta dhinaca midigta fog ayaa si kastaba ha ahaatee
sheegay in ay saameyn kala kulmeen qeexitaanada liddiga ah ee ka dhanka ah
maarkisiyadda iyo xorriyadda sinaanta ee qeexitaanada hantiwadaagga iyadoo
lagu saleynayo iskaashiga millatari ee kasoo horjeeda aragtiyaha kaaral markis
ee dabaqadaha , ama waxaa uu Oswald Spengler ugu yeeray "hantiwadaagga
dhiigga", taas oo mararka qaarkood ay aqoonyahannadu ku tilmaamaan qaab ah
"dib u eegistii qaldanayd ee hantiwadaagga (The false reform of socialism) ".
Balse sida la ogsoonyahay asalka hantiwadaagga asal-raaca ihii waa mid ka
yimid qolyaha midigta fog, oo qaar kamida aqoonyahanada iyo siyaasiyiinti
midigta fog waxay uu arkaan in ay tahay falsafadd ka soo jeedda afkaarta
midigta fog, oo waxaa kamida shaqsiyaadkaas, Charles Maurras, Benito
Mussolini, Arthur Moeller Van den Bruck iyo Ernst Niekisch , Laakiin
Mufakiriintaas ayaa aakhirkii ku kala jabay khadadkii waddaniyadeed ee ka soo
horjeeday dhaqdhaqaaqyadii shuuciga aha ee asalka ahaa.

Karl Marx iyo Friedrich Engels oo ka hor imanaya aragtiyaha wadaniyiinta
midigta fog ayaa yirri fikrad ah "ragga ama dabaqadaha shaqeeya ma laha waddan
iyo xuquuq ay ku helaan dagganaansho.", taas oo markii dambe ka careysisay
kooxaha midigta fog ee ka dhisna jarmalka. Sababta ugu weyn ee jahwareerkaas
xagga fikirka ah dhalisay waxaa lagu ogaan karaa cawaaqib xumadii ka dhalatay
Dagaalkii Franco-Prussian ee 1870kii , kaas oo sida uu sheegayo
taariikhyahankii reer Switzerland ee Philippe Burrin ku sheegay in dagaalkaasi
uu gabi ahaanba dib u habeyn ku sameeyay muuqaalkii siyaasadeed ee Yurub ee
xilligaas, isla markaana uu sababay faafidda fikirka shaqsiyad-diidka (Anti-
individualistic) ah ee ku aadan midnimada qaranimo.

Waqti kadib waxaa aad uu sare kacay kala qaybsanaanta labada mad-hab ee midig
iyo bidix oo marka kadib geli doona halgan dheer oo midba midka kale ka dhan
ah. Waqtigaas kadib waxaa dhashay fikradihii ugu xagjirsana midigta fog
,kuwaaso la kala oran jirey faashiyadda (Fascio) iyo naasiyaddii jarmalka
(Nationalie zocialismus). Waxaana jira sidoo kale hogaamiyaal islaami ah oo
aragtidan asal-raacnimada dhiirigelinaysa ee midigta fog aaminsana isla
markaana ku dhaatay halgan dib uu soo celin ah. Waxaana kamid ahaa labadii
hogaamiye ee islaamiga ahaa ee ruuxulaah khomeyniigii iiraanta islaamiga ah
iyo osaama binu laden oo iyaguu ahaa islaamiyiin asal-raac ah oo midigta fog
ah, waayo waxay ahaayeen dhaxal ilaaliyaal guntida uu xirtay in ay ilaaliyaan
qiyamka iyo aragtida ay aaminsanayeen bulshooyinkoodu ee awoow ka awoow.

2. Taariikhda Midigta fog iyo kacdoonkii midig ee caalamiga ahaa

Kooxaha Midigta Fog ee Qaaradda Ameerika

• BRAZIL :- Intii lagu gudo jirey dagaalkii labaad ee adduunka,
naasiyiintii jarmalku waxay sameyn jireen oo ay faafin jireen borobagaandooyin
iyo been abuuro ku wajahan dhaladka iyo isirka aariga jarmalka ah ee ku noola
brazil iyagoo marka uga gonlaha inay fikirka iyo aragtida naasiyadda ku dhex
faafiyaan dadyowgaas asal ahaan ah ka soo jeeda jarmalka. Taliskii Naasiyiintu
wuxuu xilligaas xiriir dhow la dhisay dalka Brazil isagoo u maraya qiyaastii
100 kun oo Jarmal asal ah oo ku dhashay jarmalka iyo 1 milyan oo isir ahaan
Jarmal ah oo ku noolaa Brazil waqtigaas. Sanaddii 1928kii, xaruntii reer
Brazil ee Xisbiga Naziga ayaa laga aasaasay magaalada Timbó, Santa Catarina.
Xaruntani waxay yeelatay oo ay gaadhay 2,822 xubnood oo siyaasiyiin iyo
tageeraba iskugu jira, waxayna ahayd qaybta ama xarunta ugu weyn ee Xisbiga
Naziga ee ka baxsan gudaha Jarmalka. Intii lagu guda jiray 1920-meeyadii iyo
1930-yadii, summado maxalli ah oo faashiisnimo diimeed ah ayaa ka soo ifbaxay
gudaha brazil, kuwaas oo loo yaqaanay " integralism " ama intaqraaliyiintii
brazil kuwaas oo iskugu jiray kacdoonyahano iyo urur ciidan ah oo aaminsanaa
aragtida dagaaleeed ee ku dhufo oo ka dhaqaaq, waxaanay lahayeen darays ama
shaati midab cagaaran leh oo darajooyiinkii naasigii jarmalku ku taxnaayeen.
Ururkaas faashiga ihii wuxuu abuuray kacdoono iyo nooca mudaharaadyada ee
jidadka sida aadka ah loo buuxiyo, sido kale waxay isla markaana abuureen
hadaaqyo iyo hadalo ka dhan ah Maarkisiyaddii shuuciga ahayd iyo
libraaliyaddii reer galbeed. Kadib jabkii Jarmalka ee Dagaalkii Labaad ee
Adduunka, in badan oo ahaa dambiilayaal dagaal oo Naasi ah waxay u qaxeen
Brazil waxayna ku dhex dhuunteen bulshooyinkii Jarmalka ahaa ama curuuqdii
asalka jarmaliga lahayd ee Brazil. Waxaana kamid ahaa shaqsiyaadkii ama
Kiiskii ugu caansanaa wuxuu ahaa Josef Mengele, oo ahaa dhakhtar ku caanbaxay
"Malaa'igtii Dhimashada", magacan oo loogu bixiyay falalkii aragagaxa lahaa ee
uu ka geysan jiray xeradii urursiga ahayd ee Auschwitz ee yuhuuddi yurub lagu
xareyn jiray. Josef Mengele wuxuu sameyn jiray tijaabooyin caafimaad oo naxdin
leh, kuwaas oo uu ku sameyn jiray dadyowgii xerada ku jiray, isagoo marka ugu
gonlaha inuu soo saaro cilmi-baarisyo caafimaad oo ay xilligaas naasiyiintu
wadeen. Mengele oo sida aanu sheegnay baxsad ahaa, isagoo aan gaarin xeebaha
bari ee brazil, wuxuu ku haftay deegan xeebedka Bertioga, oo ku taal xeebta
gobolka São Paulo, isagoon weligiis la aqoonsan ama aan meydkiisi la aqoonsan
ayuu dhintay. Waxaana waqtiyo badan la baadi goobayay isaga iyo dambiilayaal
kale oo baxsad noqday markii naasigii jarmalku jabay. Fikirka Midigta fogii
waa sal-balaartay, waxaana uu sii waday inuu ku faafo Brazil oo dhan, waxaana
xusid mudan in xisbiyo midigta-fog ay jireen xilligan casriga ah oo ay ka mid
yihiin xisbiga Patriota, Xisbiga Dib u Cusboonaysiinta Shaqaalaha Brazil,
Xisbiga midigta Qaranka, xisbiga Isbahaysiga Cusbooneysiinta Qaranka iyo
Xisbiga Liberal-ka. iyo sidoo kale waxaa aad uga soo ifbaxay brazil, kooxaha
midigta fog ee burcadda iyo gangistarayaasha dilaayada ah, sida Taliskii
waddaniyiinta ee " El caudillo " oo qaabilsana burcadnimada iyo boobka hantida
shisheeyaha iyo waddamada kale. waana kooxo uu maraykanku ila haatan uu ku
daray kooxaha halista ah ee qaarrada ameerika ka dhex shaqeeya. Wuxuuna bar-
bardhigay kooxihii burcadda ahaa ee ay hogaamin jireen labadii
mandooriyaaliste ee Pablo Escobar iyo Joaquin "El Chappo ". Muuqaal ahaan,
maanta brazil waxaa talada dalka haya xisbiga midigta fog ee waddaniyiinta
midowday ee " Alliance for Brazil ", kaaso oo uu hoggaamiyo madaxweynaha
haatan ee brazil ee Jair Bolsonaro.

• MEXICO :- Xisbiga ugu weyn ee midigta-fog ah ee Mexico waa Ururka
Isbahaysiga Qaranka (National Synarchist Union). Waxaa uu taariikh ahaan ahaa
dhaqdhaqaaq Katooliga midig ah oo xagjirka ah. Xisbigan haddi siyaabihiisa ama
astaamihiisa qaarkood marka la eego waxay la mid yihiin faashiistinimadii
yurub iyo Falangism'ka oo ah aragti faashiste ah oo asal ahaan ka timid
taliskii francisco franco ee spain. Xisbigani waxaa uu si adag uga soo
horjeeday garabyada bidix iyo siyaasadaha calmaaniyiinta ee ay wadaan
Xisbiyadii Kacaanka ahaa ee "Institutionale" iyo kuwii ka horreeyay ee
xukumayay Mexico laga soo bilaabo 1929kii ilaa 2000kii iyo 2012kii ilaa laga
soo gaarayey 2018kii.

• MARAYKANKA :- " Midigta Xagjirka ah ", Midigta Fog ", " " Midigta
Durugsan " waa astaamaha iyo magacyada loo yaqaan ama loo adeegsado in lagu
sharaxo "noocyada kooxeed ee xagjirka ah ee fikirka midigta-fog aaminsan ee
maraykanka. Waana kooxo kacdoonyahano ah isla markaana ah qoomiyad-doon gooni
goosad ah ", kuwaas kala ah ururka katooliga fog, Ururka xagjirka ah ee
Antifa, ururka Ku Klux Klan iyo kooxda " Red Scares ". Kooxahani waxay
wadaagaan fikradaha shirqoolka ah ee awoodda, waxay si weyn uga soo horjeedaan
yuhuudda, waxay isla markaana diidaan dimuqraaddiyadda ku saleysan wadajirka
iyagoo doorbidaya nidaamka taliska kooxeed ku dhisan ee oligarchy-ka dabiiciga
ah ee mideeya dadka loo arko inay isku midab-yihiin ama cirqiga goonida ah ka
soo jeeda, tusaale ahaan cirqiga foolkishka ama aariga jarmalka. Laga soo
bilaabo 1870-yadii ilaa dabayaaqadii dambe ee qarnigii 19aad, kooxo badan oo u
ololeeya cadaaladda Midigta xagjirka ah ayaa ka hawlgalay Koonfurta
maraykanka, iyada oo ujeedadoodu ahayd abaabul ka dhan ah ama cabsi gelinta
taageerayaasha Xisbiyada liberaaliga ah ama xisbiyada uu janjeera fikirka
bidixda. Hogaamiyihii caanka ahaa ee xisbiga midigta ah ee " KKK " ee Dwight
C. Stephenson wuxuu aaminsana oo uu ku andacooday in ay yuhuuddu maamusho
hantida iyo lacagaha bangiyada taal ee ay shacabweynaha maraykanku leeyahay,
waxaana uu sidoo kale ku andacooday in ay jeeb-weynta yuhuuddu ka dambeysay
aloosankii iyo ololkii ka kacay dagaal-weynihii 1aad ee adduunka, waxaana uu
sheegay in ay lahayeen qorshe ay ku doonayeen inay ku burburiyaan ilaha
dhaqaale ee masiixiyiinta yurub iyo jiritaanka dawladda cusmaaniga ah ee
islaamku dhistay lix qarni ka hor. Sidoo kale Stephenson wuxuu aaminsana
aragtida shirqoolleed ee sheegaysay in yuhuuddu ay ka dambeysay aloosankii
kacaankii balaashifadii shuuciga ahayd, aragtidan oo magaceeda la yiraa "
Jewish Bolshevism ", oo wuxuu Dwight Stephenson ku andacoonaya in markii uu
bilaabmayay kacdoonkaasii la maqlayay borobagaandooyiin lagu dhex faafinayay
saxaafadaha reer-galbeed, kuwaaso soo tebinayay in yuhuuddi zionismka ahayd ay
abaabuleen kacdoon wata fikirka shuuciyadda iyo markiisiyadda alle-koodka ah.
Waqtiyo badan Stephenson wuxuu ku dadaalay in uu fashiliyo shirqoolada iyo
xogaha yuhuudda, isagoo rajadiisaas tixraacaya wuxuu guntida uu xirtay
daabicidda waraaqihii iyo dukumentiyadii ka hadlayey " Borotookolladii
Zionismka " ee ay ku qorneyd qorshihii yuhuudeed ee Qabsashada awoodda
caalamka. Waxaana uu dwight uu halgamey si uu shaki iyo qal-qal geliyo
bulshooyinkii masiixiga ahaa ee reer galbeed. Intii lagu gudo jiray "
Murugadii Dhaqaale ee weyneyd ee adduunka ama " World Great Depression " waxaa
jiray tiro aad u tiro yar oo ka mid ah kooxaha yar yar ee Asal-raaca ah,
kuwaas oo fikradahooda iyo saldhigyadooda taageerada ay la mid ahaayeen kuwii
asal-raacyada hore ahaa. Si kastaba ha noqotee, dhaqdhaqaaqyo lagu magacaabo
'proto-fascist' ayaa soo ifbaxay, waxaana kamid ahaa ururka" Huey Long's Share
Our Wealth " iyo Charles Coughlin's National Union for Social Justice ",
kuwaas oo ka duwan kooxaha kale ee garabka midig iyagoo kuwani marka weeraraya
ganacsiyada waaweyn, isla markaana ku baaqaya dib u habeyn dhaqaale iyo
diidmada soo galootiga iyo xaq-siinta dhaladka cad-cad ah. Ururka Coughlin
ayaa markii dambe la soo baxay fikrad cunsurinimo oo argagax ku abuurtay
dadyowga cirqaha kale ah ee maraykanka xilligaas ku noola, waxaanay la
amakaageen xasuuqa ay geysanayaan kooxaha cad-cadka ah ee midigta fog. Intii
lagu gudajiray Dagaalkii Qaboobaa, " Red Scares " oo ah kooxdii ugu tunka
weyneyd ee axsaabta midigta fog ayaa waxay arkoodeen ama arkeen jaajuusiin iyo
shuuciyiin saameyn ku yeelanaya nidaamkii dowladda maraykanka ee xilligaas iyo
sidoo kale warbaahinta iyo madadaalada maraykanka, in kasta oo labada xisbi ee
maraykanku (jamhuuriga iyo dimuqraadiga) ka soo horjeedeen shuuciyadda ku soo
socotay Mareykanka, haddana waxay ahayd dagaal kaliya oo uu dhaxeeyay
xisbiyada midigta iyo xisbiyada shuuciga ah ee caalamka kuwaas oo ah bidixda-
fog, inta badan waxay uu la dagaallameen dagaal weyn oo xagga fikirka ah oo ka
dhan ah shuuciyaddaas adduunka ku faafeysay.

Kooxaha Midigta-Fog ee Qaaradda Eeshiya

• JABBAAN :- Sannadkii 1996-kii, Wakaaladda Bilayska Qaranka Jabbaan ayaa
ku qiyaastay inay jiraan in ka badan 1,000 kooxood oo xagjirka ah oo garabka
midig ee Japan ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin qiyaastii 100,000 oo xubnood
wadar ahaan. Kooxahan waxaa Jabbaan looga yaqaana " Uyoku dantai ". In kasta
oo ay jiraan kala duwanaansho siyaasadeed oo udhaxeeya kooxahan, haddana guud
ahaan waxay wataan falsafadda ah bidix-nacaybka, cadaawad uu muujinta
siyaasadaha bidix ee Shiinaha, Waqooyiga Kuuriya iyo Kuuriyada Koonfureed.
Sidoo kale waxay ay buunbuuniyaan oo ay qiil uu sameeyaan riddooyinkii
nukliyeerka ee magaalooyinkii jabbaan ee hiroshima iyo nagazaki lagu qarxiyey
iyo doorkii halyeeynimada ahaa ee ay jabbaan ku lahayd Dagaalkii Labaad ee
Adduunka. Kooxaha Uyoku dantai ayaa caan ku ahaa gawaaridoodii borobagaandada
faafin jirtey, taas oo lagu rakibi jiray sameecado aad uu waaweyn iyagoo
magaalooyinka jabbaan kula wareegii jirey hadalada dacaayadaha ah, isla
markaana si weyn loogu calaamadeeyay magaca kooxda iyo halku dhigyo qurxoon oo
dacaayad ah. Gawaaridan waxaa laga daari jirey heesaha waddaniga ah iyo kuwa
gubaabada xilliyadii dagaalka. Dhaqdhaqaaqayaasha ku xiran kooxaha noocaas ah
waxay isticmaali jireen bambooyinkii ruushka ee Molotov iyo bambooyinka
waqtiga ku shaqeeya, waxaanay ku qaraaci jireen gawaarida iyo xarumaha ay
calaamadsadaan sii ay uu cabsi geliyaan siyaasiyiinta qunyar socodka ah iyo
dadyoowga caanka ah, oo ay kujiraan wasiir kuxigeenkii hore ee arrimaha
dibadda ee jabbaan Hitoshi Tanaka iyo guddoomiyihii xisbiga liberaalka bidixda
ahaa ee Fuji Xerox Yotaro Kobayashi. Sida la sheegay Nin hore uga tirsanaan
jiray kooxaha garabka midigta-fog ee jabbaan ayaa dab qabad siiyay guriga
siyaasigii ugu weyna ee hogaamin jirey xisbiga " Liberal Democratic Party " ee
Koichi Kato. Koichi Kato iyo Yotaro Kobayashi ayaa dhiilo ka muujiyay xaaladda
siyaasadeed ee uu dhaxeysa kooxaha garabka-midigta fog iyo kooxaha xag-jirka
ah ee bidixda-fog. Waxaanay walaac ka muujiyeen argagaxisnimada ay wadaan
wadaaddada asal-raaca ah ee jabbaan kuwaaso lagu tiriyo inay yihiin
hogaamiyaasha diimeed ee kooxaha midigta fog. Xisbiga midigta fog ee Nippon
Kaigi waxaa loo arkaa inuu yahay "ururka ugu weyn ee garabka midigta fog ee
Japan."

La soco qaybta dambe ee aynu kaga hadli doono sooyaalka midigta fog ee afrika,
yurub iyo Aydaloojiyadaha ay ku dhisantahay siyaasadda Midigta-Fogii, iyo
sidoo kale waxaynu ka hadli doona saansaanta awoodeed ee casrigan yeelan
doonaan kooxaha midigta fog ee caalamiga ah.

DHAMMAADKA QAYBTA 1AAD.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...