Carruur

I nta aynaan carruurta qoraalkaan kulul lagu dhengadayn doono hoos u sii
gelin ayeynu qiraynaa in barlammaanka Soomaaliya qabiil lagu qaybsadaa ay
ahayd fidmo iyo qooq uu Ismaaciil Cumar Geelle ummadda soomaaliyeed ku
dhebidhistay oo uu ku soo sayriyey faddaro aan weligood laga mayri karin.
In aynu dhaqsahaas ugu degdegno canbaaraynta qabyaaladda waxaa keenay in ay
tolnimada iyo sinjisoocu yihiin tiirarka ugu waaweyn oo dhaqanka soomaalida u
xabaalan, isla markaas diinta sharafta leh oo aynu haysannaa dhaqankii ay ka
timid wuxuu ahaa caado ay qabyaaladdu gogol iyo guri u ahayd, oo waxay diintu
xoojisey in ay tolnimada qabyaaladda ama qabiilku tahay wax uu ilaahay dadka
ugu deeqay oo uu mubag khayr lihi ku walaaqan yahay.
Qabiilnimada soomaalidu waa wax weligeed lagu soo jirey, oo lagama yaabo in ay
dhaqso u tiranto maaddaama ay saddex kooxood oo kharribani faafiyaan oo ay isu
kaashadaan. Kooxda kowaad oo dulliga ahi waa shacabka oo uu qabiil kastaa
isugu sheekeeyo in laga gardaran yahay, waana run oo waa laga gardaran yahay
maaddaama aan loo oggolayn in uu madaxweynuhu ayaga noqdo.
Kuwa labaad waa siyaasiyiin aysan qabiilooyinkoodu dalka gudihiisa run
ahaantii ku tiro badnayn, oo degaanka iyo degmooyinka ay qoladoodu xoolaha ku
dhaqdaan cuqdad yaraaneed ka qaba sida Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cabdiqaasim
Salaad Xassan, sidaas awgeedna xamaasad qabiil ama xatooyo iyo dhac u
haliilaya in ay ku duudsiyaan oo ay ku xaqdarreeyaan qabiilooyinka soomaalida
ugu baaxadda weyn, sida beesha uu Shaatiguduud hoggaamiyo iyo agoontii uu ka
tegey Alle ha u naxariisto ee Cali-Dhuux Aadan.
Kooxda saddexaad waa wadaaddada cajaladaha duuba oo caamada u sheega daliilo
qabyaaladda ama qabiilka ku ammaanaya in uu yahay bandow uu Rabbi soomaalida
iyo carabta ku soo rogey, kuwaas oo aan ogayn in ay daliilahaasi fududaynayaan
in ay qabiilooyinka cawaanta ahi weligood is laayaan, oo aan laga horumarin
dhibaatada innaga iyo ummado kale ina naafaysay, oo metelan Afqaanistaan iyo
Yemen asaaggood ka reebtay.
Meel kasta wadaaddadu waxay la taagan yihiin fidinta qabyaaladda. Shirkii aad
u macnaha darnaa oo Carta wuxuu Cumar-Faaruuq ahaa xildhibaan ka socda
beeshiisa oo dhammaantood joogjooga gudaha jamhuuriyadda federaalka ah ee
Itoobiya, waxaana runtii in shiikhaas uu qabiil soo dirsado u dhaantey in
barlammaan kooxo ama degaan ku salaysan uu u galo kooxda ”Islaax” oo ka mid ah
boqollaalka firqo ee diinta Rabbi siyaalo kala duwan u kala rumaysan oo isugu
khilaafa, isuguna caaya.
Qoraalkaan yar waxaynu masuuliyad iyo xilkasnimo buuxda iska saaraynaa in aan
lagu arag erey been ah, sidaas awgeed waxaa ka gubtahanyoon doona kuwa
qabyaalladda caabuda, kuwa beenta jecel iyo kuwa uu madaxooda ka buuxo jeermis
ay ku reebtay been hore loogu afuufay oo aan sal ku lahayn xaqiiqada
soomaalida, waana qoraal xaq ah oo ku soo beegmay xilli ay ummaddu u baahan
yihiin in ay ka baxaan tuugada iyo kufsiga naagaha.
Horta barlammaanka waxaa fiicnayd in lagu saleeyo degaan, oo uu aag kastaa
helo xubno aan qabiil laga soo dirin ee dhulkooda metela. Aragtidaas qofka ka
soo horjeedaa oo ka naxayaa waa qof aan u dheganuglayn ama ka didaya in ay
ummadda soomaaliyeed horumaraan ama ay waddankooda iyo guryohooda jeclaadaan,
wuxuuna qofkaas baadiyaysani u dhaarsan in uu dadka isku diro ama uu raashin
dhac iyo xatooyo ah ka qufto bukaarro masaggo iyo galley oo ku duugan Bay iyo
Bakool.
Xildhibaan gob ah oo degmo uu ku soo barbaaray ka yimid iyo tuug ruugaya
tubaako uu xaday oo qabiil ku soo galay barlammaanka oo la wada og yahay in uu
xoolo uusan lahayn jeebka ku sito ama aan dalkaba ku dhalan ee uu Adisababa
ama Nayroobi walanbaysi uga soo haajirey miyaa isku mid ah? Wallaahi in aysan
isku mid ahayn!
Qabiil soomaalida oo dhan haddii la isu geeyo 50% (kala bar) ah iyo mid 50 qof
ah baa waxay Carta iyo meelo kale ku murmayeen ”Labo qabiil baynu nahay ee
inoo kala bara!”, haddana waxaaba laga yaabaa in uusan kontonkaas ruux ku
jirin qof u qalma in uu ku biiro hay’adda sharcidejinta ummadda soomaaliyeed.
Sidaas awgeed intii wax la qaban lahaa waxaan laga dhammaanayn cuqdad ciil iyo
in dalka laga adeejiyo waxmarato iyo mooryaan tuugo ah, waxaana meesha ka
baxaysa in xildhibaanka soomaaliyeed la garto meel uu ku dhashay iyo meel uu
ka yimid, oo uu dalka oo dhammi u kharribmo sidii laanta afka soomaaliga ee
BBC oo haatan noqotay fastaleeti ay Yuusuf Garaad iyo ciyaal kale qoyaanka
isaga tiraan!
Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa iscaayey Yuusuf Garaad oo ah tifaftiraha
laanta iyo hoggaamiye qabiil oo magaciisa lagu sheegay in la yiraahdo Xirsi
Moorgan. Waxaa cayda bilaabay tifaftiraha laanta BBC oo hoggaamiyaha qabiilka
ka diyaariyey hadal lala yaabay oo jabhadnimo ahaa.
Xirsi Moorgan oo Soomaaliya jooga ayaa waxaa BBC ka hadlay Yuusuf Garaad oo la
moodo in uu dili lahaa haddii uu Xirsi Moorgan goob dagaal ku qaban lahaa,
wuxuuna ku soo oogey dhawr denbi, isla markaas waa uu ku digtey. Dhawrka denbi
waxay ahaayeen in uu Xirsi Moorgan waa hore xumeeyey qabiilka Somaliland, oo
uu uga jeedey in uu isku diro qabiilka Somaliland iyo Xirsi Moorgan!
Midda labaad wuxuu Yuusuf Garaad ku xijiyey in uu Xirsi Moorgan xumeeyey
qolada ay ku abtirsadaan asaga Yuusuf Garaad ah iyo mudane Cabdiqaasim, oo aan
Xirsi Moorgan laga jeclayn Dhuusamarreeb agaggaarkeeda.
Yuusuf Garaad intaas ugama uu harin ciilka uu Xirsi Moorgan u qabo ee wuxuu ku
daray in markii ay qabiilkiisa USC rabeen in ay degaankooda (Galgaduud ilaa
Xamar) ka sifeeyaan dadka aan u dhalan siiba qabiilka Xirsi Moorgan iyo Maslax
Maxamed Siyaad uu Xirsi Moorgan ahaa wasiirka gaashaandhigga.
Asaga oo hadalkii Xirsi Moorgan wata ayuu Yuusuf wuxuu ku nuuxnuuxsaday in
Moorgan uu markaas ka dib bilaabay in uu ka mid noqdo qabqableyaasha
dagaallada qabiilooyinka, oo uu gaarey heer uu marmar qaxooti noqday markii
laga adkaaday.
Markii uu Xirsi Moorgan ku diray qabiilkiisa iyo qabiilka Somaliland ayuu uga
sii gudbey in uu ku digto, wuxuuna yiri hadal sidaan ahaa: ”Maxay kuugu taal
waxaa Xirsi Moorgan dagaal kafool kafool ah magaalada Kismaanyo subax barqadii
kaga saaray Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo raggiisa”!
Maalintii ay wiilasha BBC sidaas u caayeen Xirsi Moorgan iyo qabiilkiisa
maalintii ku xigtey waxaa isla meeshaas ka qaylinayey asagii (Xirsi Moorgan)
oo ay qabyaaladdaas isku xagxagteen Yuusuf Garaad, wuxuuna asaga oo caraysan
lahaa: ”Waryaa ma aan dhiman ee waa aan noolahay!”.
In aynu BBC ka hadalno muraadkeennu ma ahayn ee waxaynu rabney in aan ka digno
in aysan wax kastaa u kharribmin sida laanta BBC, oo qabyaaladda la iska
ilaaliyo, wuxuuna maqaalku ku saabsanaa in ay jiraan carruur soomaaliyeed,
laakiin waxaynu ku bilownay in laga qurxoonaa in barlammaanka lagu qaybiyo
qabyaalad.
Hal qabiil haddii dalka oo dhan looga guuro kuma ay heshiin karaan qabiil,
laakiin haddii maamulka iyo xulitaannadu ay u fidsanaadaan hab degmo waxaa
dadka u furmaysa maskaxda, waxaana u hagaagaya mustaqbalka. Waxaa la noqonayaa
qaran degmooyin leh oo u dhigma qarannada ay ka jiraan maamullada xalaasha ah.
”Dabkii uu munaafaq shido miskiin baa ku gubta” oo waxaa eegga lagu gubanayaa
qabyaaladdii uu Ismaaciil Cumar Geelle jeclaa, waxaana hubaal ah in aan laga
baxayn boqollaal sannadood, oo waa sida loo galay. Debinkaas la galay
dhexdiisa ayuu shirka hadda socdaa ku jirey, wuxuuse ahaa meel la isugu keenay
raggii dalka hubka yaallaa uu gacanta ugu jirey oo haddii ay isku wax
taageeraan ay caddahay in ay nabadda Soomaaliya soo dhawaanayso.
Waanadaas aynu qabyaaladda ka digney ka gadaal waxaynu gelaynaa qaybaha ay
carruurtu u kala baxaan. Waxaa la wada og yahay in aysan carruurtu markii
nacnac loo qaybinayano kala sugi karin, ee uu mid kastaa rabo asaga horta wax
la siiyo, oo uusan dareemi karin dareenka iyo baahida carruurta kale.
QABQABLEYAASHA
Naag dumaal lagu aroosay baa waxay ogaatey in uu ninkii ka dhintay ka
cadcaddaa midkii markaas la mashquulsanaa, waxayna tiri: ”Lugtaydoy ninba mar
ku qaad”! Waagii hore markii la isu galmoonayo lug baa kor loo taagi jirey oo
ninku naagta lug buu ku dhegi jirey, ee siyaalaha habboon oo maanta la isu
jimaaco lama aqoon. Horta qabqableyaashu waa dad oo isku mid ma aha, waxaana
ku jira qaar soomaalida kuwa ugu liita ka mid ah iyo kuwa soomaalida dadka ugu
roon ka mid ah. Shanta farood ilaahay ma uu simin.
Waxaan qabqableyaasha ka wadaa raggii dalka hubka yaal qaybsaday, oo colaadda
iyo nabadduba ay gacmohooda galeen, ee kama aan wado qof ayagu intaas ay
haystaan kaga masayrsan oo ku maaga in ay dagaal huriyaan, kaas oo ka sii
liidan lahaa haddii uu xoogaa hub ah iyo mooryaan isla heli lahaa.
Hadalka haddii la soo koobo waxay xilli xoogaa dheer ku guuldarraysteen in ay
hubka ay hayaan isku keenaan oo ay dalka gacan dawladeed geliyaan, waxaana
taas keentay in aysan ahayn dad isfahmi kara ama isku taariikh nololeed ah, oo
markii ay isu yimaadaan wuxuu midba ka hadlaa wax aan kan kale heerkiisa
ahayn. Waxaa kale oo kala fogeeyey in uu mid kastaa qabyaalad ku xisaabtamo ee
uusan aqoontiisa iyo kartidiisa ku fiirin hawsha meesha taal.
Waxaa jira kuwo yar oo markii ay hadlayaan uu qofku fahmayo waxyaalihii ay
sheegeen oo qofkii neceb iyo midkii jeceliba ay hadal iyo hawlba ogaan karaan
dhaqdhaqaaqooda, isla markaas waxaa jira kuwo uu qofkii dhegaystaa is oranayo
”Sidee bay ku dhici kartaa in uu qofkaani dad metelayo?”.
Intaas waxaa dheer in aysan qaarkood rabin in dalka dawlad laga dhiso, oo ay
ugu wacan yihiin labo arrimood. Midda kowaad waa in ay beeshoodu haystaan
hanti ay qolyo kale lahaayeen, midda labaadna waa in ay rabaan in ay tacab
xoolaad oo sharci darro ah ka unuunufaan inta uu dalku kharriban yahay, isla
markaas ay dawlad la’aantu sii dheeraato si loo illaawo hantida ummadda ku
kala maqan. Kooxdaan waxaa ka mid ah Cabdiqaasim iyo Cismaan-Caato.
Kuwa sidaas u fakaraya waxaa lagu garan karaa dhawr arrimood, oo ay ka mid
yihiin in ay xoolaha aad u raadiyaan oo ay dhac, baryo iyo tuugo si kasta oo
ay hanti ku hanan karaan u qamaamaan. Haddii ay dhoofaan dan aan lacag ahayn
dalka ugama ay maqna, haddii ay joogaanna boob iyo beero daroogo ah iyo xoolo
dhaddig oo la dhoofiyo iyo dhirta oo dhuxul laga dhigo ayey ku hawlan yihiin.
Calaamadda labaad oo kuwa nabadda iyo dawladnimada Soomaaliya fogeeya lagu
garan karaa waa in ay ka naxaan in meel dalka ka mid ah laga sameeyo maamul
iyo kala danbayn, waayo waxay rabaan in uusan waddanku wax boolis ah yeelan oo
ay meel kasta ka soo xadi karaan alaabta taal iyo in ay durugto rajada laga
qabo dawlad ka shaqaysa Soomaaliya oo leh askar ammaanka sugta.
Hal degmo oo waddanka ka mid ah haddii maamul laga asaaso waxay u yeelaan
magacyo iyo eedaymo ay ka mid tahay in uu qofkii meel wax ka qabtaa ku xiran
yahay Itoobiya iyo Keenya, ayaguna ay jecel yihiin walaalaha carbeed! Haddii
uu qof tuug ahi carab jeclaado ama uu lacag u doonto maxay macne ah oo
leedahay?! Aragtidaan liidata oo dalka nabaddiisa lagu jillaafeeyo waxaa
xanbaara kooxo makas ah oo aan ogayn sida looga soo horjeedo nabadda
Soomaaliya iyo shakhsiyaadka ka soo horjeeda, isla markaas aan oran karin
qofka tuugga ah oo waxaas ku hadlaya ”Adigu kumaad ahayd?”.
Haddii shir qaran la isugu yimaado waxay kuwa nabadda Soomaaliya fogaynayaa ku
dadaalaan labo arrimood. Midda kowaad waa in uu shirku fashilmo si in shir
kale loo abaabulaa ay u qaadato muddo sannaddo ah, taasina ayaga waa u guul,
maxaa yeelay waxay awalba rabeen in dawladnimada Soomaaliya xilli dheer la
moogaado si ay danihii aynu soo sheegnay ugu meelmaraan.
Midda labaad oo ay shirarka ka raajiciyaan waa in ay ka soo baxdo dawlad aan
haba yaraato ee dalka ka shaqayn oo lagu baryo adduunka, taas oo uu shakhsi
ayaga ka mid ahi iska leeyahay. Dawladda noocaas ahi marka kowaad xagga
dhaqaalaha ka ay dari mayso oo risaaqaddii la raadinayey baa ka qoyan, waxaana
mushaar looga helayaa mooryaan qabiil oo lagu weeraro qabiilooyinkii uu dhaco
ku socdey, marka labaadna waxay dawladdu la diriraysa qof kasta oo isku daya
in uu meel Soomaaliya ka mid ah ka sameeyo maamul ay shacabku ku nastaan,
marka saddexaadna waxay adkaynaysaa in shir qaran la isugu yimaado oo waxay
difaac u tahay danihii ahaa in aysan Soomaaliya yeelan dawlad boolis iyo
shanshuuro leh.
Ganacsiga iyo danaha noocaan ah waxaa garab lagaga helaa cadow soomaliyeed oo
isugu jira soomaali damiirlaaweyaal ah sida madaxda Jibuuti iyo ajaanib ay ka
mid yihiin tuugo caalami ahi. Danaysato shisheeye ah baa rabta in ay
Soomaaliya ku raagto sida ay tahay, waxaana u fududeeya dad soomaaliyeed oo
moodaya in ay dantooda shakhsiyeed ama qabiil ku jirto in la fogeeyo dawlad
shacabka hubka ka dhigta oo nabaddii soo celisa.
Qabqableyaasha qaarkood waxay intii uu dalku kala daadsanaa galeen ceeb ah in
ay ku dhawaaqeen in ay qaar Soomaaliya ka mid ah goosanayaan, waxayna sabab
uga dhigeen ”Reer hebel baannu ka caroonnay!”. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa
”Nin magaalo ka caroodow yaa ku og?!”, sidaas awgeed kuwaas waxmagarata ah oo
dalka Soomaaliya iyo ummadda soomaaliyeed moodey labo dhoocilood oo habuub
caano ah kala shubanayaa waa kuwa ugu aragti xun qabqableyaasha, waana kuwo ay
taariikhdu nacaladi doonto, waayo waxay najaasaynayaan midnimada qaranka
Soomaaliya oo suubban.
Qabqablaha waxaa fiican in uusan ku dhawaaqin in uu dalka qaar goosanayo, oo
uusan isla soo taagin cuqdad uu leeyahay ”Reer hebel baan ka cararayaa!” iyo
in uusan meesha uu joogo daroogo ku beerin iyo in uusan la heshiin tuugo cadow
ah oo dalka sun ku duugaya, isla markaasna uusan xaaraan ku qaadanaya miraha
dalka ka soo go’a.
WADAADDADA
Wadaaddadu ma ay laha siyaasiyiin ay kaga samatobaxaan mugdiyada adduunka,
waxayna xagga siyaasadda ka fahamsan yihiin labo erey, oo kala ah ”Carab” iyo
”Itoobiya”! Wax ay danta soomaalida guud tahay iyo wax ay ayaga dantoodu tahay
midna ma ay garanayaan, waxayna isugu sheekeeyaan in uu jiro nin fiican oo
Usaama Laaddin la yiraahdo iyo dal xun oo Maraykan la yiraahdo iyo in ay
soomaalidu la dan tahay Usaama iyo qoladiisa!
Sidii Usaama loola midoobi lahaa oo Maraykan loola diriri lahaa ma ay
fahamsana, isla markaas sidii siyaasadda carabta, midda talyaaniga iyo midda
Itoobiya ay uga garan lahaayeen kooxaha soomaalida ma ay oga. Waxay ku socdaan
mugdi! Xawilaadda lacagta kuma ay xuma marka loo eego dadka kale, waayo xagga
ammaanada iyo xagga in xaafadaha lacag la geeyo waxaa la hubaa in ay ku
wanaagsan yihiin.
Haddii ay arkaan qabqable mid kale ku xifaalaynaya ama ku dacaayadaynaya in uu
Yuhuud ama Zanbia xariir la yeelahay uuna carabta ka fog yahay waxay moodayaan
in uu midkii warkaas sheegay rasuulkii oo kale yahay midka kalena uu Abuujahal
oo kale yahay.
Kuwa cajaladaha laga duubo qaarkood waxay ku dhaqmaan qabyaaladda, waxayna hab
qabyaaladeed ugu kala eexdaan qabqableyaasha, dabadeedna kuwo caamo ah oo
cajaladaha kala duubta ayaa waxay moodaan in midkii uu shiikhu caayaa uu gaal
yahay, midkii uu qabiil ahaan u raaco ama uu lacag ka rabaana uu ilaahay u
dhow yahay, ka dibna waxaa abuurmay aragtiyo dafiic ah oo ay diintu u kala
eexato qabqableyaasha qabiilooyinka, oo ay weliba u eexato kuwa ugu xaaraan
cun badan.
Dhacii badnaa iyo tuugadii koofurta Soomaaliya ka dhacay kama ay hadlaan, ee
waxay ka doodaan in uu Maxamed-Dheere dad wajigooda qarsada uga shakiyey
arrimo nabadgelo awgood! Magaalooyinka Marka, Xamar iyo Baraawe waxaa la
deggan yahay boqol kun oo guri oo dadkii lahaa la laayey ama laga qaxiyey,
waxaana la moodaa in ay diintu xalaalaysay marka la eego sida ay wadaaddadu
uga aamuseen!
Diintu xilligaan waa dukaan lagu ganacsado ama waa geedo ay qabiilooyinku
isugu soo gabbadaan markii ay murmayaan, ee ma aha wax ummadda si xaq ah oo
caafimaad ah loogu sheego. Qof ku nool hoyaad uusan lahayn oo cuna hanti uusan
lahayn baa wuxuu ku doodayaa ”Axdi qarameedka meel baan diinta waafaqsanayn!”.
Wuxuu rabaa in uu dawlad la soo dhiso kaga hortago ereyadaas caaqnimada ah si
aan inta hubka laga dhigo looga saarin beeraha uu ka qaaday dadkii lahaa, oo
aysan carruurtiisu uga bixin guriga ay u degganaayeen dhawr iyo tobankii
sannadood ee la soo dhaafay.
Wadaaddada qaarkood qabiilkii ama qofkii ay shuufaan waxay caydooda u
ekaysiiyaan diin, waxaana isaga khaldan carabta oo aysan ka dabaalan karin
siyaasad ahaan oo aysan kala aqoon boqorrada faasiqiinta ah iyo asaxaabtii
rasuulka iyo siyaasadda soomaalida oo aysan waxba ka ogayn meel loo wado iyo
meel laga wado.
Siyaasad ahaan waxaa ugu roon kuwii aynu soo sheegnay oo isku wada qabyaalad
iyo diin, taasna macneheedu ma aha in ay shakhsiyaad fiican yihiin, ee
soomaalida ayaa ku maahmahda ”Waxba wax bay dhaamaan”. Haddii uu qofku
qabiillada qaar ka soo horjeedo, uuna yahay shiikh tafsiirka yaqaan wuxuu mari
karaa waddo siyaasadeed oo aysan dadka caaqyada ahi fahmi karin, waxaana
waddadaas maray oo ku barwaaqoobey shiikh Cumar-Faaruuq iyo rag kale!
Horta waa in ay dad badani ogaadaan in aad diinta ilaahay fidisid, oo lagaa
duubo cajalado badan, ka dibna waa in aad xariir la lahaatid qabqableyaasha
aad xulufaysan kartid xagga qabiilka oo kuu waafaqi kara caaddifaddaada
qabyaaladeed. Labo faa’iido ayaad ka helaysaa qabqablahaas, waana in uu lacag
ku siiyo iyo in uu qabiilkaaga iyo kiisa mideeyo. Adigu markaas dadka caamada
ah oo qabiil kasta ka kooban waa in aad labo arrimood ka fulisid. Midda kowaad
in qabqablaha aad jeceshahay kuwa ka soo horjeeda aad diin ahaan ugu dirtid,
iyo in aad laftooda sida xoolihii u maashid oo aad maalkooda jeebabka ku
uruursatid.
Xagga dhaqaalaha waxay farsamada noocaan ahi ku fiican tahay in labo ilood oo
dhaqaale u irmaan yihiin ninkii fahma, waxayna kala yihiin lacag uga imanaysa
qabqablaha uu u shaqeeyo iyo lacagta dadweynaha ka soo uruuraysa, oo aan
qabiil loo eegayn ee xataa qabiilka uu shiikhu neceb yahay ay bixinayaan.
Waddadaasi waxay ka mid tahay siyaasadaha ugu waaweyn oo ay wadaaddada
soomaalidu ilaa maanta dalka ka muujiyeen, waaana arrin muddooyinkaan danbe
soo fashilmaysa oo keentay in uusan qofka soomaaliga ahi aamminin qof diin
fidinaya, oo la sugayo inta xukuumad laga helayo si ay u kala soocmaan
qabyaaladda iyo diinta islaamku.
CALOOSHOOD U SHAQAYSTEYAASHA
Dadka soomaalida ahi waxay wada og yihiin in ay shacabka badankiisu la
xadraynayaan jacayl ay u qabaan qabyaalad iyo caaddifad reer-reer loo kala
dudo, waxaase yaab leh in ay jiraan dad aan qabiil jeclayn oo laga yaabo in ay
xataa qabiilkooda wax ka laayaan oo markii ay beeluhi isxasuuqayaan ay
xabbadoodu u dhacdo dhanka qoladooda!
In uu qofku qabyaalad iyo xamaasad ka fogaadaa waa arrin wanaagsan, waxaana
loo qabaa baahi weyn si looga baxo dhibaatada, laakiin taas macneheedu ma aha
in aad qabiilkaaga ama mid kale nebcaatid, isla markaas ma aha in aad
cuntodoon tahay.
Qofka damiirkiisa iyo aragtidiisu haddii ay qado iyo quraac ku xirmaan laguma
tilmaami karo in uu ka xoroobey qabiil, lagumana sheegi karo qof soomaali ah,
waayo barri ka maalin buu wuxuu cunto u doonanayaa dalka Itoobiya asaga oo
jaajuusaya ummadda soomaaliyeed.
Dad badan oo weliba u badan dad wax bartay baa waxaa ku dhacay jirro aydhiska
ka xun oo ah in uu risaaqad xun keli ah baadigoobo, oo uusan dalka Soomaaliya
dhibta haysata ka xanuunsan ee uu noloshiisa uruursado shilimo ceebeed.
Kuwa sidaan ahi haddii ay shir gobol ama soomaaliyeed aadayaan waxay dantoodu
tahay sidii ay inta shirka la joogo u heli lahaayeen khamro iyo jeebgashi,
dabadeedna aysan uga qadeen wixii risaaqad ah oo ka yimaadda hawsha ka dhalan
doonta shirka.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin walba tankiisa ayey qodaxdu u tagtaa” oo
laga wado qofkii qodax ku joogsada waxay mudaysaa hadba inta uu culayskiisu
yahay, oo haddii uu culus yahay aad bay u mudaysaa. Haddaba kooxda noocaan ahi
isku miisaan ma aha, oo qaar baa waxay cayrsadaan qaad ay ayaamo cunaan,
qaarna waxay ku xisaabtamaan malaayiin lacag ah oo ku shubanta lanbar ay bank
ku leeyihiin.
Culayska caloosha loogu shaqaystaa wuxuu ku kala xiran yahay saddex arrimood,
oo midda kowaad waa in uu qofku dalka ka soo qabtay jago sare oo uu heli karo
magac aan laga eegin meel hoose oo qado wanaagsan loogu oggolaan karo. Midda
labaad waa in uu aqoon leeyahay, siiba waa in uu leeyahay aqoon xiriirrada
caalamiga ah iyo dhaqaalaha ku saabsan. Midda saddexaad waa in uu yahay qof u
abuuran turufo iyo khiyaamo, oo ku habboon in uu si damiir la’aan ah u gali
karo waddooyinka noocaan ah.
Saddexdaas calaamo haddii uu qof isku darsado wuxuu ka mid noqonayaa kuwa ugu
nasiib badan uguna dheereeya tartanka caloosha lala cayaaro, isla markaas
haddii labo ama mid ku sifoobo wuxuu feenanayaa lafo badan oo xaaraan ah.
Dadka dabeecadahaan lihi waa cadowga ummadda soomaaliyeed, waana manaxeyaal
aan dalka iyo dadka midna rabin, oo sidii ay lacag ku heli lahaayeen baa kala
weyn soomaalida oo dhan, qabiilkooda, waalidkood iyo walaalohood.
Haddii ay shir aadaan kama aha in la gaaro xukuumad dalkooda nabad ku soo
dabbaasha, ee waxay rabaan in ay indhaha la raacaan cuntada iyo xoolaha uu
shirku riman yahay, waxayna la xulufoobaan hadba meesha ugu dhow oo ay
coloosha wax uga heli karaan. Waa dad aad u caqiido xun oo aan sheegi karin
xal ummadeed, waxayna ku meeraystaan in ay ammaanaan qofkii ku fura jid yar oo
qayilaadeed.
Cadowgoodu waa qofkii laga dareemo in uu samaynayo siyaasad iyo maamul
hirgelaya oo sharci ah, oo ugu horrayn tillaabo ka qaadaya hubka iyo nabadda,
ugana sii gudbaya in aysan hay’aduhu noqon wax uu qof meel iska joogaa cunto
nin kaga cuno, ee ay noqdaan wax laga shaqeeyo oo u taagan danaha ummadda.
Kuwa calooshooda u shaqeeyaa wax dan ah kama ay laha kala googo’a dalka ka
jira, hubka waddanka ku faafay oo aafeeyey, isbaarooyinka iyo tuugada koofurta
Soomaaliya muddada dheer ka buuxey iyo sida loo dulmiyo qofkii laga xoog roon
yahay. Maatadii iyo dalkii oo cadow shisheeye iyo mooryaan u dayacan bay waxay
cayrsadaan shilimo aan ku soo gelayn hab asluub iyo iimaan ku dhisan.
Gorayadu markii ay roob ku ordayso raadkeeda lama arko, oo tillaabadeedu waa
boqol mitir, kuwaanuna markii ay meel shilimo looga sheegay ku yaacaan waa ay
tillaabo dheer yihiin, laakiin markii shaqo xalaal ah loo kallaho ama talo
dhab ah wax laga weydiiyo waa dadka kuwa ugu tayo liita, uguna dood ku nuxur
daran.
Markii ay ogaadaan in uu waxqabad dhab ahi meel ka unkamay waxaa ku dhaca
jirro ay moodayaan in uu calafkoodu dhadayo, waxayna la meehannaabaan fidmo
aan yool lahayn, oo calooshooda keli ah ka turjumaysa, weligoodna lama arag
wax ay qabteen oo aan ahayn in lagu maadaysto xoolo ay si foolxun jeebkooda
ugu leexiyeen iyo in ay meelo ihaanaysan ka soo lafaysteen.
Calooshoodu ma ay buuxsanto oo wax ay qaadaan dib looma arko, markii hawl
gobol ama ummadeed la hayona lama arko, oo xan nacasnimo ah bay la nuxnux
leeyaan, markii ay shilimo uriyaanna waxay dadka jiirayaan ayaga oo
malabsanaya.
Haddii inta marduuf qaad ah loo dhiibo loo diro in ay hooyadood soo gawracaan
waxay la ordaan mindi saawir ah, mana ay eegaan barri iyo aayaha carruurtooda,
ee waxay ujeedaan cuntada markaas u muuqata, mana ay laha karti ay runta ugu
bareeraan oo waxaa sidii uu rabo ka yeeli kara qof aan jeclayn oo dullaynaya.
Magac iyo ammaan haddii ay doonayaan waxay ka raadiyaan xas cidlo ah oo ay ku
hungoobayaan, waxayna weligood ka muuqdaan meel ihaano, oo ma ay leh burji iyo
awood ay ku qanciyaan waxgaradka ummadda iyo dadka jecel in shacabka
soomaaliyeed laga soo uruuriyo qoryaha ay isku dulminayaan, oo shaqooyin loo
abuuro.
Ammaan aysan u qalmin bay si aan habboonayn ugu raadjoogaan ayaga oo loo jeedo
in ay yihiin maangaabyo aan xishoon oo aan lahayn damiir fayow, caqiido fiican
iyo dadnimo ay u dhasheen oo tusa in ay ummaddooda la jeclaadaan nabad iyo in
laga saaro halaagga ay quusayaan.
Kuwaani adduunka waxay ka cunayaan oon aan sharaf lahayn, waxayna ka
huwanayaan maryo ceebeed, waxay u hoyanayaan aqallo fadeexadeed, waxayna u
dhimanayaan fulenimo iyo cuqdad aan ku habboonayn qof dal iyo dad leh.
TALO
Labo arrimood oo aynu hore u soo taabannay baa muhiim ah, waana in qabiilkii
jamhuuriyadda in uu qaar goosto damca laga diido iyo in shacabka hubka laga
uruuriyo. Labadaas arrimood midda hore wax culays ah ma ay laha oo ummadda
soomaaliyeed oo dhan baa taageersan, waana lagu guulaystey oo maanta wax
shiddo ahi kama ay taagna.
Arrinta ah in waddanka gacan dawladeed la geliyo waxaa sidii aynu soo sheegnay
hortaagan dad raba in ay mugdiga uu dalku ku jiro kaga danaystaan oo aan
dhawaan la helin nabad iyo xasillooni. Waxaa keenay in aynu nabadda iyo hubka
gaar u taabanno in aynu og nahay waxa ugu darani in ay tahay in ay shacabku
shacab noqdaan, oo ay hubka iska dhiibaan, waayo in dalka la nabadeeyo wax aan
ahayn laguma gaari karo waxyaalaha la tebayo.
Waxaa hubaal ah haddii ay beelaha qaarkood diidaan in jamhuuriyadda la
nabadeeyo oo ay ku adkaystaan in ay ka cagojiidaan in la helo siyaasad
midaysan iyo maamul shaqeeya aysan suurtoobayn in la helo soomaali nabad ah,
maxaa yeelay qabiilna mid kale kuma uu khasbi karo danta guud, oo sababaha
arrinta Soomaaliya daahiyey waxaa ka mid ah middaas.
Waxyaalaha beenta ah oo in ay qabqableyaashu maskaxdooda ka saaraan ay ayaga
iyo ummaddaba u fiican tahay waxaa ka mid ah in ay nabadaynta dalku beel gaar
ah ama shakhsi soomaali ah ku tahay dhibaato. Qabiil hubaysan oo ay haddii la
xisaabiyo maalin kasta ka dhintaan labaataneeye qof oo aan habeenkii nabad ku
seexan, oo suuqa nabad ku mari karini maxay faa’iido ah oo haystaan?!
Qabqablaha ay xerada ugu jiraan kooxda dhallinyarada ah oo aan mid magaciisa
qori kara lagu arag, oo shacabka intooda taagta daran ku dulmiyaa muxuu waxaas
ku gaarayaa?!
Waddada uu u sii macaansanayo oo ah in uu soomaalida iyo dalkoodaba si khaldan
shilimo xaaraan ah uga raadsado iyo in uusan cidna ka haybaysan oo uu hameen
iyo maalin duullaan ku jiro waxaa asaga iyo ummaddaba u dhaanta in uu la
midoodo kuwa kale oo hubka haysta, dabadeedna uu ka qaybqaato nabadaynta iyo
hawlaha lagu soo celinayo midninmadii ummadda. Haddii uu ganacsanayo waxaa u
fiican in dalka oo nabad ah oo ay carruurta soomaaliyeed iskoollo dhigtaan uu
canshuur iska bixiyo oo uu noqdo ganacsade soomaaliyeed oo ku faraxsan in uu
leeyahay dal nabad ah iyo dad ay wax u kala socdaan, asaguna uu adduunka
sharaf ku lahaado oo aan meeshii uu tagaba lagu xadgudbin.
Qabiilkiisa iyo asaga ma wuusan Rabbi siin karin risaaqad aan ahayn in ay
isbaaro waddooyinka dhigtaan iyo in ay hindise madow u maraan calafkii uu
ilaahay u qoray? Dhallinyarada lagu wacyigelinayo in tuugo iyo dhac uu
mustaqbalkoodu yahay waxaa u fiican in loogu beddelo in ay soomaalidu yihiin
dad walaalo ah, dalkuna uu yahay dal soomaaliyeed, oo haddii uu nabadoodo ay
furmayaan jidadkii nolosha loo mari lahaa.
Guri dundunsan oo xaaraan ah iyo beer uu qofkii lahaa diley qofka soomaaliga
ah ilaahay risaaqaddiisa kuma uu xirin, oo waxaa furmi doona mashruucyo dalka
oo dhan lagu guryeeya si uu qof kastaa u helo hoy uusan cidna ka qaadin, isla
markaas waxaa abuurmaya shaqooyin uu nabad ugu jarmaado oo uu lagac ku helo
asaga oo aan qof soomaali ah dilin.
Magaalada Muqdisho isku celcelis waxaa maalin kasta lagu kufsadaa 500 ilaa 600
oo dumar ah, waxaana haddii ay nabadowdo furmaya shukaansi caadi ah oo uu nin
kastaa middii uu ka helo la saaxiibo iyo guur xalaal ah, ninkii danbe oo gabar
xoogana waxaa loo dhiibayaa boolis soomaaliyeed.
Dekadihii hore haddii la furo kuwo cusubna la dhiso, isla markaas ay goobaha
duullimaadku si caadi ah u shaqeeyaan wuxuu qofka soomaaliga ahi helayaa
shirkado badan oo uu middii uu rabo u shaqeeyo. Waxaa kale oo shaqooyin badan
laga heli doonaa ciidamada qaranka iyo hay’adaha kala duwan.
Meel kasta wuxuu qofka soomaaliga ahi ku mari doonaa nabad, wuxuuna helayaa
dukument sharciyaysan oo uu soomaali kastaa xaq u leeyahay ayada oo aan la
dhibin, oo aan lagu xadgudbin. Wuxuu qofku illaawayaa shirkadaha xawilaadda
iyo shaxaadka, oo wuxuu ku mashquulayaa shaqadiisa, waxayna carruurtiisu
helayaan waxbarasho fiican, waayo waxaa dalka nabadda ah ku soo laabanaya oo
hawlgelaya dadkii soomaaliyeed oo bannaannada ku kala firiqsanaa.
Waxa ugu xun oo uu qofku noqdaa waa “tuug”, waxa ugu fiican oo uu noqdaana waa
shaqaale. Waxa ugu weyn oo maanta loo baahan yahay waa nabad, waxaana loo mari
karaa in ay qabqableyaashu isu keenaan hubka, isla markaas la qorsheeyo sidii
hubka oo dhan isku maamul loogu gacangelin lahaa.
Ha ku mashquulin in aad nin madaxweyne loo doortay fiirsatid ee niyadda ku hay
sidii nabad lagu heli lahaa, waxaadna ogaataa in qofkii nabadda iyo hubka wax
ka qabtaa uu ku taagan yahay waddadii nolosha loo mari lahaa. “Yaa wasiir ah!”
maskaxdaada ha ku daalin ee waxay wasaaraddu qabatay ku xisaabtan. Taliyaha
saldhiga booliska ha ku farxin in uu kuu eexdo, ee ku farax in uu boolisku
xaqaaqa kuu waardiyeeyo oo aan lagu dulmiyin.
In aad adigu qori isku waardiyaysid waxaa ka fiican in uusan jirin qof qori
sita oo aad iska waardiyaysaa, oo uu hubka oo dhammi ku jiro gacanta
ciidammada qaranka, isla markaas aysan ciidamada qaranku ku dulmiyin, oo ay
ahaadaan waardiye adiga kuu shaqeeya oo aad muuqaalkooda ku faraxdid.
Debedaha ha eegin ee dalka eeg! Ha ka sheekayn ”Golaha ammaanka” iyo hay’ado
caalami ah ee ka fakar ammaanka xaafadda aad ku nooshay iyo hay’adaha adiga
kuu adeega. Caaddifadda qabiilka iska saar, waayo qabiilka kale laftiisa ayaa
xamaasad qaba oo haddii aad labadiinnu isnacdaan waxaa la waayayaa Soomaaliya.
Soomaaliya! Soomaaliya! Ha noqon tuug soomaalida xada, hana raadin in aad gaar
ugu noolaatid wax aadan gooni u lahayn, waayo waxaa lumaysa kalsoonida. Haddii
ay kalsoonidu lunto wuxuu qof kastaa qaadanayaa qori ama toorrey, waxaadna
waayeysaa waddo aad nolosha u martid.
Ma waxaad ku kalsoon tahay in uu awoodda dalka gacanta ku dhigo nin aad isku
dhowdihiin xagga qabiilka? Maxaa diidaya in ay awooddu adiga gacantaada gasho?
In xafiis kasta oo aad tagtid lagu qanciyo oo aadan dareemin in uu jiro qof
xuquuqdaada ku seejiyaa ayaa ah awooddaada. Awooddaadii meeday? Maxaa
awooddaada adiga kaa dheereeyey oo aad marti ugu tahay madaxweyne kula qolo
ah, oo aad uga baqaysaa madaxweyne aan kula qabiil ahayn? Sidee baad ku heli
kartaa in aadan qofna ka cabsan, oo aad adiga iyo madaxweynaha aad ka baqaysid
ama aad magangelaysaa aad isku mid ku noqon lahaydeen?
Muxuu yahay madaxweynuhu? Maxaad ka aamminsan tahay? Waxaad ka aammintey wax
aan jirin oo ah in uu kaa awood sarreeyo! Sidee baad ku ogaatey in uu leeyahay
awood aadan lahayn? Waxaad ku ogaatey in aadan weligaa soo marin nolol
caddaalad ku dhisan. Madaxweynuhu ama wasiirku wuxuu u shaqotagaa xafiis uu ka
qabto hawlo ka yar kuwa aad adigu dalka u haysid, oo uu sharcigu u qeexayo.
Hawlohoodu kama ay sharaf badna kuwa aad qabatid. Hantida idiin dhexaysa uma
ay laha awood ay ku qaataan sida aadan adiguba ugu lahayn, haddii ay u
yeeshanna ma ay aha madaxweyne iyo wasiir ee waa qabqableyaal dagaal.
Shaqo ay mushaar ku helaan oo taada oo kale ah wax ka badan haddii ay awoodaan
waxaa kaa maqan ama qof kale ka maqan xaq, waana sababta aad u baqaysid oo aad
u moodaysid in uu madaxweynuhu yahay wax macne weyn leh! Sawirka maskaxdaada
ku jiraa ma aha hoggaamiye ummadeed iyo masuul hay’adeed ee waa sawir ”tuug!”.
Waxaad rabtaa in uu tuug qoladiinna ahi xado hantida ummadda oo uu soomaalida
dulmiyo! Nolol aan tuugnimo ahayn in aad ka fakartid maxaa kuu diidey?
Maxaa walwal iyo shaki noloshaada geliyey? Qori iyo lacag! Qoriga in aan
lagugu dulmin ma la samayn karaa oo lagugu waardiyeeyo adiga iyo carruurtaada?
Ma la samayn karaa in uusan madaxweynaha aad ka baqaysaa heli karin lacag
aadan adigu heli karin? Maxaa nin kula mid ah u saamaxaya in uu qorigii
qaranka adiga oo miskiin ah kugu dulmiyo, sidee buuse u awoodaa in uu
dhaqaalaha dalka adiga oo rafaadsan iska qaato?
Waxaad ka baqaysaa in aan danahaaga waxba laga qaban oo adiga daalac laguu
raacdo, isla markaas magacaaga iyo magaca qaranka lagu uruursado canshuuro
aadan aqoon wax lagu qabto iyo hantiyo kale oo ay ku falaadaan niman aad
saxaafadda magacyadooda ka maqashid oo aadan jeclayn.
Go’aankii ugu danbeeyey oo aad qaadatay wuxuu ahaa in aan lagu noolaan karin
Soomaaliya iyo in ay noloshu tahay qaxootinnimo, waxaadna qabtaa quus ah in
magaca Soomaaliya qofkii metelaa uu dadka laayo oo uu lagac meelahaas ku
xasaysto.
Horta maanta laga bilaabo adiga ayaa madaxweyne ah! Maya waxaad tahay
wasiirkuxigeen! Waa ilaahay mahaddiis haddii ay wax awood ahi maanta
gacantaada soo galeen! Haddaba maxaa talo ah? Konton sannadood ka dib
carruurtaadu xaggee bay joogi doonaan? Maya konton sannadood waa ay kugu badan
yihiin ee labaatan sannadood ka dib qofkii buug kaa qoraa muxuu qorayaa?
Saddex waxyaalood baan anigu waxaan qori doonaa labaatan sannaadood ka dib.
Midda kowaad waa hubka iyo katiinadaha, midda labaad waa hantidii dalka,
intaas ka dib laftaada ayaan daalac kuu raacanayaa. Ogow in aanan erey been ah
qorayn!
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxeexan
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida