Carabta iyo soomaalida xagga diinta

W adaad soomaali ah oo geeriyoodey oo la oran jirey Cumar-Faaruuq Cabdi
baa waxa uu yiri ”Wadaaddada soomaalidu waxa ay haystaan liibaan aysan
nebiyadii helin. Nebiyadii la ma dhegaysan jirin, carabta maanta joogtana
wadaaddadooda lagu ma bixiyo in la dhegaysto daqiidado kooban oo qof carab ahi
meel u ma uu joogi karo in uu diin dhegaysto”. Intaas waxa uu ka sheegay kulan
ay soomaalidu meel Yurub ka mid ah xilliga kulaylaha toddobaad dhan ku
dhegaystaan wadaaddo keli ah. Waxaa kulankaas looga yimaadaa meel kasta oo
laga soo gaari karo, waxaana dadka la hadla niman isku maaddo bartay oo aan
waxyaalo ka la duwan dadka u sheegi karin, ee diinta uun ku kooban. Qof kastaa
toddobaad dhan buu maalin kasta aroortii iyo fiidkii inta u dhexaysa nimankaas
dhegaystaa, waxaana laga duubaa muuqaallo guryaha lagu dhegaysto.
Marka uu Faaruuq sidaas lahaa waxa uu niyadda ku hayey in uu Qur’aanku si
fudud u canaantay carabtii nebiga la xilliga ahaa. Qur’aanku sidan ayuu
qisadaas uga hadlay ”Kolkii ay arkaan ganacsi ama lahwi waa ay u yaacaan, waxa
ayna kaa tagaan adiga oo taagan”. Ganacsiga waa la wada garanayaa oo waa wax
kasta oo la ka la gato, laakiin lahwiga ayaa xoogaa adag. Lahwiga waxaa ka mid
ah kubbadda oo xilliyadii danbe aad loo daawado iyo sheekada fadhi-ku-dirirka
ah.
Waxaa la weriyaa in ay carabtaasi maalin jumce ah ogaadeen in uu safar ganacsi
magaalada soo galay, nebiguna markaas khudbaddii jumce ayuu u taagnaa, waana
ay ka dareereen isaga oo minbarka liqdaaran. Haddiiba ay qisadaas ganacsiga
sheegtay run tahay Qur’aanku ganacsi keli ah ma uu sheegin ee lahwi buu ku
daray, taasina waxa ay caddaynaysaa in carabtu haddii ay kubbadi bilaabato
aysan nebi iyo qof kale midna dhegaysan ee ay u yaacaan xagga lahwiga. Waxaa
meesha ka muuqata maalintaas uu Eebbe sheegay in ay ganacsi iyo lahwi
khudbaddii nebiga uga yaaceen aan jumce la tukan, waayo nebiga SCW keli ahi ma
uu tukan karin jumce oo malaha duhur buu keligiis iska tukadey. Kuwa yaacay
malaha maba ay tukan. Qur’aanku aad ugu ma uu gooddiyin carabtii yaacday ee
waxa uu ku yiri ”Waxa Eebbe xaggiisa jira ayaa ka fiican lahwiga iyo
ganacsiga”. Meesha waxaa ku sarbeeban in uusan lahwigu xaaraan ahayn haddii uu
hadal yahay, haddii muusig yahay iyo haddii ciyaaro yahay, waayo waxaa naska
Qur’aanka ku cad in ay jumcadu lahwiga ka fiican tahay ee la ma sheegin in uu
lahwigu xaaraan yahay.
Haddii dhulalka carabta la maro la ma arkayo carab badan oo wadaad uu meel ku
soo ururiyey oo dartiis qol weyn uga buuxa, isla markaas carabtu waa dalal
badan oo meel kasta oo ay soomaaliyi joogto iyaga ayaa kaga badan, mana
arkaysid carab diin isugu yimid dalal shisheeye. Haddaba maxay tahay sababta
ay kumanyaal soomaali ahi isugu yimaadaan wadaad ama wadaaddo? Wax kale ma aha
ee diinta ayey in la fahmaa aad u fududdahay marka la dhinac dhigo waxyaalaha
kale ee la barto. In buug maktabadda laga soo qaato oo la akhriyaa aad bay uga
adag tahay in la dhegaysto wadaad Abuu Hurayra ka hadlaya, waxaana soomaalida
u sii raaca in ay duruufohooda dhaqan u dhaw yihiin carabtii joogtey markii ay
diintu timid. Waxaa jira ummado badan oo sida ay diinta islaamku geela uga
hadashay aan la qabsan karin, laakiin qofka soomaaliga ah geel wareer ka ma
haysto. In Abuu Hureyra duruufihii ku xeernaa iyo waxa uu ka fakari karey la
dhegaystaa aad bay u sahlan tahay.
Wahsi iyo in aan wax kale oo laga fakaro la garanayn baa keentay in wadaad
xaggiis loo iisho. Bal adiguba eeg sida ay diintu u tahay wax la fahmo waxa
ugu sahlan iyo sida ay noloshu u tahay halgan dhib badan. Halganka ayaa laga
wahsanayaa, waxaana lagu madaddaalanayaa wadaad saacado dhan ka hadlaya in
qabiilkii nin dilaa ay 100 geel ah bixiyaan, qabiilkii haweeney dilaana ay 50
dhiibaan.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida