Cadawgaaga cadawgiisu waa saaxbiibkaa!

Y uhuudda iyo Allaah waa ay isku wanaagsanaayeen waligood. Allaah waxa uu
Yuhuudda uga gargaaray Fircoon oo waa tii uu Allaah la saftay Yuhuudda,
halkaasna looga adkaaday Fircoon oo sida la inoo sheegay xarga fiican ku hayay
Yuhuudda. Allaah oo ay gacantiisa wax walba ku jiraan, wax ku adagna aysan
jirin, ayaa arrinta ku dhamayn karay in uu qalbiga Fircoon uun iimaan galiyo,
amaba Fircoon si gooni ah ula hadlo, halka uu Muuse kala hadlay, halkaasna
Fircoon ugu caleemo saaro nabinimo.
Allaah waxa uu Yuhuudda samada uga soo daadin jiray hilib solan ayadoo waliba
ay ku caasiyeen Muuse iyo Allahiisa. Yuhuudda waxaa ka dhashay dhammaan
Nabiyadda Allaah, amaba dadka uu Allaah sida qaaska ah ula hadlo, marka laga
reebo Nabi Maxamed. Waxaa la sheegaa in ay ahaayeen shacab uu Allaah doortay
iyo kuwa uu Allaah siiyay garaadka ugu wanaagsan. Sidoo kale, Allaah waxa uu
ka fadilay Yuhuudda dhamaan dadka ku nool dunida.
Soo ifbaxii Islaamka iyo Nabiga kadib ayuu xaalku halmar dhanka kale isku
rogay oo ay Yuhuuddii noqdeen cadawga ilaahay, waliba kuwa uu Alle ugu
necebyahay, kuna lacnaday Qur’aanka. Arintu waxa ay gaartay in uu xattaa Alle
isku xiro dhamaadka dunida iyo dabar go’a Yuhuudda lacnadan.
Allaah ayaa markaan ku goodiyay in dagaal ba’an lagu gumaadi doono Yuhuudda,
illaa geeduhu xattaa ay ka hadlaan, ayaga oo ku dhawaaqaya:- “gadaashayda
Yuhuudi ayaa ku gabanaya”
Soomaalidu waxa ay tiraahdaa, cadawgaaga cadawgiisa waa saaxiibkaa. Haddaba,
Allaah maadaama uu sii ogaa sharta ay Yuhuudu leeyihiin, soo ma wanaagsanayn
in uu arrintaas ka hortago oo uu shartoodaba ku soo gabagabeeyo in uu Fircoon
la safto kolkii ay Fircoon iyo Yuhuudu is hayeen? Qaar baa qaba in sababta uu
Allaah ula saftay Yuhuudda ay ahayd inuu Fircoon sheegtay ilaahnimo, taas oo
Allaah aad uga caraysiisay, maadaama Allaah dambi laga galo midka ugu weyn ee
uusan cafin uu yahay ilaahnimadiisa oo lala sheegto ama cid kale lala
wadaajiyo.
Si kasta oo ay ahaataba, Allaah haddii uu la safan lahaa Fircoon waxaa hubaal
ah in shar badani daboolmi lahayd, maanta dadka Allaah rumaysana aysan ku
dhibbanaadeen Falastiin iyo Gaza, laakiin waxa la sugaaba waa in uu Allaah ka
gilgisho dulmiga lagu hayo Falastiiniyiinta sidii uu uga gilgishayba dulmigii
lagu hayay Yuhuudda xilligii Fircoon. Arintuse waxa ay cakirmi doontaa oo ay u
muuqan doontaa in Allaah iyo Yuhuuda wali xariir wanaagsan ka dhaxeeyo, kolka
uu Allaah isaga gaabsado arrinta ay Yuhuudu ka wadaan Falastiin!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida