Caashaqii laba kacleeyey

A farta indhood oo ay laboba labo jeceshahay waxaa isugu horraysey gu’ ay
geedaha sare huwadeen caleemo, xay, miro iyo faraq uu roobba roobkii ka
danbeeyey ku saagootiyey onkod iyo hillaac isdaba joogey toddobkii ilaa
gusooraha oo labo bilood oo isdaba joogey ay balliyada iyo meel kasta oo godan
xareedi ku negaatey. Dhirta hoose oo isugu jirtey qaar magacyo leh iyo kuwo
aan magacyo lahayn iyo geedaha sare oo magacyada ka la duwan lihi waxa ay har
iyo habeen salka ku la jireen rays qabow, maalintiina waxa ay ku diirsanayeen
qorraxda dhulka soomaalida oo markii uu jir kacaba ka dhex ifaysey cir u eg
calanka Soomaaliya oo ay meelo ka mid ah daruuro biyo rimmani ku daahnaayeen.
Xilligaas dhirtu aad bay u faraxsanayd, waxaa se ka sii farxad badnaa noolaha
intooda dhaqaaqilyada samaysa oo uu meeshaas geelu ugu waaweynaa, dhurcasaduna
ugu yaryarayd. Waa noole isugu jirey qaar addimo badan ku socda sida
hanqaraaraca, qaar farar addin ku socda sida garanuugta iyo lo’da, qaar labo
addin ku socda sida dadka iyo goroyada, qaar bogga ku socda sida subxaanyada
iyo qaar labo baal ku duula oo isugu jira kuwo hawada ku ciyaara iyo kuwo
dhirta fuulfuula.
Galabtii Jirde iyo Samawade isugu horraysey waxa ay ahayd gabbalgaab aysan
dhanka qorraxda roob iyo daruuro ku beegnayn oo gabbalka goobaaban oo qaboobey
ay godkii uu ku xeroon lahaa wax yari uga hareen. Dhanka woqooyi oo uu
xilligaas roobku ka iman jirey wax maddar ahi ka ma soo socon, laakiin bari
iyo koofur waxaa ka madoobaa saymo maqal iyo muuqaalba leh, maantana meeshan
roob ka ma di’in, laakiin qoyaankii roobkii shalay bay weli ciiddu sayax
ahayd. Arigu ugeyb iyo curadba waxa uu ku ciraarayey duddumooyinka goofafkooda
iyo meelo kale oo banbannaan, geelana aarankiisu or’orod iyo afdhuuble ayuu ku
jirey, waxaa se xoolaha ka sii ciyaar badnaa dadka intooda yaryar oo meel
isugu soo baxay oo isbaacsi iyo wareega-caddayn ku jirey.
Jirde iyo wiilasha la filka ahi waxa ay geelasha ubadka ka sooceen casar
dheer, waxa uuna ubadku u soo dhawaadey meel ay ku ciyaarayeen dad kuwa ugu
waaweyni ay dhowr iyo toban jireen, isagana gugaas ayaa saddex iyo toban u
ahaa. Waxa uu dhex galay dhallinyaro gacmaha is’haystey oo iska dabaka-
wareegayey, gacantii u horraysey oo uu qabtayna waxa ay ahayd midigta Samawada
oo uu eegay indhaheeda. Waxaa dareenkiisa iyo maskaxdiisa saaqay shucuur uusan
weligiis galabtaas ka hor dareemin oo uusan magaceeda garanayn, laakiin ay
soomaaliddu u yaqaanniin ”Jacayl” ama ”Caashaq”. Jirde iyo Samawada isku fil
bay ahaayeen, waana ay isdherer la ekaayeen, indhohoodii isku dhacayna waxaa
ka qarxay hillaac ka weyn biriqda uu tuurtuurayey roobkii koofur ka sii
onkodayey, midigta Samawada iyo bidixda Jirde oo isqabatay waxa ay la mid
ahaayeen labo tog oo jannada Firdowsa ku yaal oo isku darmay. Samawada aad bay
u dareentay jacaylka Jirde oo indhihii isku dhacay iyo istaabashaduba waa ay
saameeyeen, laakiin sidiisa oo kale wadnuhu aad u ma garaacin. Isagu ciyaartii
wareegga ahayd oo la buuqayey waa uu awoodi waayey sidii qof maliil ah oo
isaga oo daandaan ah buu isaga baxay, waxa uu se indhaha u jeedinayey meesha
ay Samawada ciyaarta kaga jirtey isaga oo aan muuqaalkeeda indhaha u dhammayn
karin. Waxa uu guntanaa qayd cad, garbahana waxa uu ku sitey qayd kale oo cad,
waxa uuna illaawey ushii dhebiga ahayd oo uu ciyaarta ka hor meel ku tuuray
iyo ubadkii geela. Samawada lafteedu waxa ay garraarsanayd maro cad, timuhuna
waa ay u tidcanaayeen, waxa ayna sii wadday ciyaartii uu Jirde awoodi waayey
jacayl dartiis.
Gugaas iyo sanaddo ka danbeeyey waxa uu Jirde jeclaa in geela loo soofiyo
meesha uu Samawada arigoodu u soofo. Waxa kale oo uu jeclaa in uu geeloodu la
derso reerka gabadha uu jecel yahay, waxa uuna wakhtigiisa habeen iyo maalin
ka fakari jirey Samawada oo u la muuqatey qof xumaan oo dhan uga dahiran sida
malaa’igta kuwa ugu fiican. Marmar uu Jirde geela u soofiyey meesha ay
Samawada ariga la joogtey labadooduba xoolihii waa ay dayaceen oo maalintii oo
dhan iyaga ayaa isku mashquuli jirey ilaa uu gabbalku dhaco, waxa ayna
Samawada ahayd gabadhii ugu horraysey oo uu Jirde ku guureeyey oo habeenno
badan bay haasaaween. Nasiib darro labadooda midna masuul ka ma ahayn meesha
loo guurayo oo dadka waaweyni dan ka ma ay lahayn jacaylka labada qof oo
meeshii la doono ayaa loo ka la guuri jirey. Dabeecadda xoolodhaqatadu waa in
mar la derso, marna la ka la guuro oo reer kastaa waxa uu u guuraa meeshii uu
daaqsinteeda dan bido.
Afartan iyo dhowr sano mar laga joogo galabtii uu jacaylku bilowday ayuu Jirde
waxa uu soo istaagey meel bacadle ah oo Nayroobi ku taal. Waa suuq ku yaal
xaafadda soomaalida, waxa uuna markaas ka yimid dalka Zaambiya oo uu ku lahaa
shirkad gawaari ah. In kasta oo uu labo xaas Zaambiya ku qabey weligiis
dareenkiisa iyo maskaxdiisa ka ma bixin jacaylkii yaraanta ku galay ee
Samawada. Waxa uu ahaa dareen ka weyn waxyaalaha ay dadku dareemaan oo ay
naftiisu u qaraxday si Eebbe moogi ee aadane uusan waxba ka garanayn.
Bacadlaha Nayroobi waa uu iska hor istaagey ee ma uu rabin in uu wax ka gato,
waxa ayna indhihiisu ku dhaceen indhihii Samawada oo aan cid kale kaga khalmi
karin. In ay isgarteen keli ahi meeshaas ka ma ay qarxin ee waxaa dib u holcay
caashaqii ay duruufaha adduun fadqalalleeyeen. Jirde inta uu wax kasta
illaawey buu ku sii tuntay dhar dhulka yiil, waxa uuna ku boodey Samawada oo
iyaduna ku soo booddey inta ay illowdey in ay wahaabiyadu sheegeen in ay ragga
iyo dumarka aan isqabini istaabtaan. Soomaalidii bacadlaha joogey waxa ay la
yaabeen ninka cirroolaha ah iyo islaantu sida ay isugu qallaleen, sida ay
isugu dhegeenna waxa ay ka mid ahayd geed iyo duddumo iskudhoon ah.
Cabbaar markii ay iyaga oo taagan isku dhegganaayeen Samawada waa ay illowdey
dharkii ay gadaysey, Jirdena waa uu illaawey meeshii uu u socdey. Waxa ay ku
sii wada tunteen dharkii iyaga oo gacanta is’haysta oo waxa ay u dhaqaaqeen
meel aysan garanayn, suuqana waa ay ku cusbayd in la arko oday iyo habar
gacanta isku dheggan oo lugaynaya. Waxa ay is’haysteen labadii gacmood oo ay
isqabsadeen galabtii isugu horraysey.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida