Bullaacadda qaraxa

S oddankii sannadood wixii ka horreeyay dadka soomaaliyeed Islaamka way
haysteen hadana may jirin qarax, meydka wadhan waddooyinka, dhiigga qulqulaya
dariiq walba, hantida la burburinayo, ismiidaaminta aan meel loo eegayo
lahayn, nacaybka diimeed iyo damiir xumada ku dhacday dadkii meydka ka
sarriigan jiray oo dhiiggoodii qiimo beelay. Bal is waydii maxaa is bedelay?
Todobaatankii wixii ka dambeeyay waxaa si tartiib ah inoo soo galay fekerka
Salafiga oo dhagar wayn iyo nacayb badan dadka kala dhexdhigay. Fekerkan oo
siyaasadaysan maalgalin badan iyo garab siyaasadeedna ka helay boqortooyada
Sucuudiga ayaa rag wadaaddo ah loo soo xambaariyay iyaga oo aan dareensanayn
inay faraha ku sidaan geeri iyo qarax. Waxaa lagu yidhi Saxwad ayaan nahay
taasi oo kacdoonka soo noolaynta sunnadii nabiga u taagan. Soomalidii waa diin
jecele waaba ay soo degdegeen oo iyaga oo lacagna sita ayaa masaajiddo iyo
goobo cibaado loo dhisay.
Wahaabiyada oo salafiyiinta kuwa ugu dagaalyahansan oo damiirka dadnimadu ka
suushay ayaa waxay bilaabeen inay dacaayado iyo kufriyaad ku sheegaan
culimaddii taxliisha iyo xirsi-xidhka taqaanay. culimadii hore qaraxa may
aqoon oo qof ehlu diin ah laguma aqoon nacayb iyo naf goyn. Wadaadadii hore
mid kamida ayaa yidhi maalin “Waxaa naga dheereeyay riyaalka Sucuudiga oo
jeebka wahaabigu ma faaruqo” waa runtiis. Malcaamadihii odayaasha ee looxa
quudka ah iyo khadka lagu dhigan jiray waxaa beddelay xaashad cad iyo
carruurta oo yaraan Quraan ayna macnehiisa garanayn la xifdisiiyo.
Kutubtii xaashi casaha ahaa shirkadihii soo saari jiray waa lagala noqday
xuquuqdii daabacaadda oo hadalka Ilaahii nabadda jeclaa wuu joogsaday. Dadka
sida Ilaahooda loogu tilmaamo ayay noqdaan. Tusaale; suufiyadu waa ammaan iyo
farxad oo digriga iyo mawliidka ayay akhristaan meel lagu durayo gaal iyo
Islaam ama nacayb lagu beerayo dadka way ku yartahay.
Waxay bilaabeen soomaalidii fikirkan wahaabiga ee xagjirka ah loo soo dhiibay
dhaqan doorin dhinac walba ah! tusaale ahaan dugsiyada quraanka ardayga waxaa
loo dhigi jiray higaad lagu baro akhriska quraanka oo af-soomaali ahayd Alif
la kordhabay, alif la hoos dhabay, alif laa goday waxaa lagu beddelay ereyo
carbeed oo aanu fahmayn ilmaha yari sida ** Aa fadxa aa, Ii kisra ii, Uu dumma
uu ** tani waa dhalanrog qallayl fahan keenay iyo dhaqan geddin lagula kacay
afka soomaaliga, kumana eka higaadda oo kaliya ololahoodii dhaqan doorisku
balse waxayba ku tala jireen in afka soomaaliga sidii ay u bedeli lahaayeen,
burburkii kadib goobaha waxbarashada badankooda iyaga ayay gacanta u galeen oo
manaahijtii dugsiyada waxa ay ku bedeleen kuwa carabi ah, luqaddii
soomaaliguna waxa ay martti ku noqotay gurigeedii. Sidoo kale nimankani wax
walba oo aynu hidde iyo dhaqan u lahayn waa ay ka dideen oo bidco iyo shirki
ayuu ula muuqday amaba badawnimo. Waaxayna isku qaseen dhaqankii carabta iyo
diintii ay shaadhkeeda xirnaayeen markaasaad arkaysaa wadaado diimaynaya
labiska carabta, hab-dhaqankoodu ku aaddan dumarka iyo arrimo kaleba.
Wadaadadani waa habayac oo ilaa wakhtigan fatwooyin qoran ama masaa’il ay
xukun ka soo saareen oo ay diinta ku darsadeen ma jirto ee waa loo yeedhiyaa
oo waxba kama duwana cajaladaha hadalka lagu duubto ee la dhagaysto. Martina
waxay uga yihiin dadkii luuqaddooda diinta ku samaystay.
Mawlacii masaajid ayaa loo bixiyay, malcaamadiina maddarasad. kutubta
caqiidada fayraska ah xanbaarsan ayaa si hoos-hoos ah loo baraa caruurta yar-
yar. Waxaa loo sheegaa in salafiyiinta iyo kooxdoodu tahay wadadda kaliya ee
lagu badbaadayo (Firqatul naajiya). Gaalaysiinta ayaa la baraa iyada oo loo
dhigayo waxyaabaha Islaamka buriya oo nawaaqidul Islaam la yidhaahdo. Waa
dhagar wayn oo maanka ilmaha yar lagu dilayo. matalan waxaa lagu yidhaahdaa
wax kasta oo gaalo samayso nac oo diid, caqiidadan “Walaa wal Baraa” waa ta
soo saartay bahallada xagjirka ah ee maanta xittaa masaajidda dhiigga ku quba.
Waxa kale oo ay caruuta ku baraan xalaqooyin masaajidda amaba macaahidda
Islaamiga ah in uu bannaan yahay dilka qofka ka fekerka duwan, tusaale ahaan
qofka muslimka shiiciga ah ama quraaniga, ka cilmaaniga ah ama aaminsan in
dastuur la dajiyay la isku xukumo warkiisa daa.
Waxay baraan in dumarka jidhkooda cawrada ahi uu ka dhigayo alaab guriga lagu
qurxiyo kaliya oo aan la ogolayn inay bannaan keligeed u baxdo, taas oo ah
dhaqan carbeed barax la’ waxayna ka qaadaan qiimaheedii insaanimo oo waxay ku
qariyaan jawaan wayn si aan ceebta (cawrada) loo arag.
Waxaa la baraa inayna dadka kale ee la nool sida gaalada ayna wanaag u samayn
oo meesha kula kulmaanba wadada ku ciriiriyaan, dilkooduna uu bannaan yahay si
looga hortago fitnada ka iman karta darteed.
Masaajidka ku xidhnow oo salaadaha safka hore yaana lagaa waayin, qofkii
salaadaha aan masjidka ku tukan xaalkiisu ma wanaagsana oo waxa suurgala in
jamaacada iyo asxaabta uu ku jiraa ayaa ka shakiyaan iimaankiisa kuna tuhmaan
gaalnimo, haddii ay caddaato inuu si ula kac ah salaad uga tagayna wuxuu
agtooda yahay murtad dhiiggiisu bannaan yahay.
Luggooyooyinka kale ee ay umadda ku marin habaabiyaan gaar ahaan caruurta aynu
ka soo hadalnay waxa kamida inay had iyo goor uga warramaan in adduunku afar
maalin qudha yahay oo wax la is raaciyo ama ka shaqaysigiisa lagu mashquulo
uuna mudnayn balse aakhirada oo kaliya xoogga la saaro, waxayna dheheen Ilaah
ayaa arsaaqda bixiyee dumar badan guursada oo ubad badan oo bilaa qorshe ah
adduunkan ku soo luggooya.
Caruurta waxaa la baraa inayna masaajidada qaar tagin oo aanan salaadda laga
aqbalayn haddii ay ku tukadaan. Carruurta waxaa looga bilaabaa barashada
islaamka kitaaba axaadiista Arbaciinka (40 xadiis oo maan-dil ah) waxaa ka mid
ah in adduunaydan isaga lagu cadaabayo oo ay jeel u tahay sidaa awgeedna aanu
qaraxyada iyo meydka wadhan wax wayn u arkin ee uu Ilaahay u baryo. Xiqdi
badan iyo nacayb adduunyo ayuu qaadaa. Dadka maalka leh ee shaqaysta ayaa lagu
yidhaahdaa way hallaagsameen. Dadka adduunka wax ku soo kordhiya ee
horumarkiisa u heellan naftooduna horumartay marka uu ku indho daraandaro ayay
u sheegaan in iyaga adduunka la siiyay isaguna aakhiro leeyahay. Waxaa loo
ammaanaa nabiga oo dhegax caloosha ku xidhan jiray si uu faqiirnimada u
qabatimo. waxaana lagu rajo galiyaa inay imanayso maalin ay fardaha islaamku
rooma qabsanayaan oo yuhuudka geed uu ku gabado waayayo.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida