Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Boqorradii imbaraadooriyaddii Roomaanka

W/Q: Cawil Cabdille
Sooyaal 0
9.5k
·

2/11/2019

Boqorradii imbaraadooriyaddii Roomaanka

T aariikhda Imbaraadooriyaddii Roomaanku waa mid aadan marna ka xiiso
beeli karin. Waa taariikh kayn ah oo aad wax walba ugu tagayso. Wakhti boqol
sano ka yar ayay sagaal iyo laabatan boqor yeelatay. 29-kaas afar ka mid ah
keliya ayaa si caadi ah u dhimatay, inta kale waa qaar la sumeeyay, qaar la
daldalay, qaar la waayay iyo qaar naftooda la baxsaday. Laga geyoon maayo in
la ga sheekeeyo taariikhdooda, balse in yar un baan ka taabanayaa
taariikhdaas.

Markii uu geeriyooday boqorkii dhidibada u taagay Imraadooriyadda ee Augustus
Ceasar
, dagaal sokeeya ayaa dalka ka qarxay, waxaana dhiig badani ku daatay
in la helo ciddii badali lahayd isaga. Dagaal dheer ka dib waxaa kursigii
dhaxlay wiil uusan dhalin balse ku abtirsada (Adopted Son). Wax badan
wiilkaas taariikhdiisa laga ma xuso balse waxaa la sheegaa in uu nin shaki
badan ahaa. Intii xukunka hayay Rooma ma soo marin maalin aan dil toogasho cid
lagu fulin. Markii uu dhintay nin waalan oo Caligura la oran jiray ayaa
dalka boqor ka noqday. Waallidiisu waxa ay gaarsiisanayd in uu faraskiisi
Aqalka Sare (Senate)-ka ku daray. Xoog ayaa looga tuuray kursiga, waxaana lagu
badalay nin doqon-u-eke ahaa oo adeerkiis ahaa. Durba raganimo iyo xiniinyo
aan laga filayn ayuu la soo baxay. Muddo gaaban oo xilka hayayna, markii ugu
horraysay ayay Roma xoogaa nabad iyo xasilooni ku naalootay.

Neero

Naagtiisi ayaa ninkaan sumaysay, iyada oo rabtay in uu kursiga ka dhaxlo wiil
ay nin kale u dhashay. Waa ay u meelmartay arrintaasi, wiilkeedii boqornimadii
waa uu dhaxlay. Neero ayaa la oran jiray wiilkaas. Waxa uu ahaa nin yaab
leh. Waxa uu isu haystay in uu fannaan aad u cod macaan yahay. Waxa uu
ciidamada amri jiray in dadka la soo aruuriyo oo tiyaatarka la isugu keeno
si’ay heesihiisa u dhagaystaan. Dadkuna waa ay ku yalaalugoon jireen cod
xumadiisa oo qaar baa matagi jiray marka ay heesihiisa maqlaan, qaar u
dhintayna waaba la sheegaa.

Sawir muujinaya dabkii ka kacay Rooma xilligii Neero

Waxaa la sheegaa in magaalada Rooma uu dab qabsaday, dabkaasina muddo sagaal
berri ah uu socday, isaguna uu sagaalkaas beri tiyaatarka ka heesayay dadkana
ku khasbayay in ay heesihiisa macaan dhegeystaan intii ay dabka damintiisa ku
mashquuli lahaayeen. Dhacdadaas ugu dambaysa ayay dad badani ka keceen.
Waxayna keentay in kursiga laga tuuro, isla markaasna dil toogasho lagu
xukumo. Markii uu sii dhimanayay erayadii ugu dambeeyay ee afkiisa laga maqlo
waxa ay ahaayeen, “Maxaa adduunka fannaan ka baxaya maanta.”

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...