Booqashada dhagaxa madaw

D adka aaminsan diinta islaamka waxa ku waajiba inay sannadkii hal mar
boqdaan magaalada Makka gaar ahaan kuwooda dhaqaalaha haysta ee awooda inay
soo gutaan waajibkaas diiniga ah.
Makka waxay ahayd xarun ganacsi, taariikhda marka dib loo eego ganacsatadu
waxay hanti fara badan ka dheefi jireen marka ay qabaa’ilka carabtu soo
booqdaan dhagxaanta ay caabudi jireen reer Makka, booqashadan iyo dhammaan
duquusta xajkuna maaha wax la bilaabmay Islaamka ee waqtiyadaas horena way
jirteen.
Muslimiintu maanta waxay dhaqaale badan ku bixiyaan inay soo arkaan Kacbada oo
ah dhagax yaal Makka kuna soo wareegaan, laba buurood dhexdoodna ay marba dhan
u cararaan. Dhagax madawna ay dhunkadaan, wax aan la arkayn oo ay shaydaan ku
tilmaameenna ay shiidaan. Dadku markay ka tanaasulaan garashada waxay
lahaystayaal u noqdaan tuugo ka iibisa been iyo rajo.
Illaaha Maxamed wuxuu leeyahay (ﻭَﻟِﻠَّﻪِ ﺍﻟْﻤَﺸْﺮِﻕُ ﻭَﺍﻟْﻤَﻐْﺮِﺏُ
ﻓَﺄَﻳْﻨَﻤَﺎ ﺗُﻮَﻟُّﻮﺍ ﻓَﺜَﻢَّ ﻭَﺟْﻪُ ﺍﻟﻠَّﻪِ ﺇِﻥَّ ﺍﻟﻠَّﻪَ ﻭَﺍﺳِﻊٌ ﻋَﻠِﻴﻢٌ)
“Bari iyo galbeed Illaahay baa iska leh meelkastaad wejiga u jeedisan ama u
tukataan wejiga Illaahay waad ka heleysaan”. Taas oo ka dhigan in Illaahay
kawnkan isagu leeyahay, meel kasta oo kamidana joogo. Hadii Illaahay sidaa
yidhi maxaa qasbay in kumanaan doolar lagu bixiyo booqashada goob gaar ah sida
Makka?
Dadka muslimiinta ahi waxay aaminsan yihiin haddii ay Makka booqdaan in
denbigooda la dhaafayo. Waxa iswaydiin mudan maxaa isku xidhay denbi dhaafka
Illaahay iyo booqashada Makka? Dhulka kale ilaah ma joogo miyaa mise waa
nijaas? Kabcadu waa dhagax wax ay qiime la taaban karo o ay leedahayna ma
jiro, wax denbi lagu dhaafana kafog balse waa meel ay dadka ku dhacaan
carabtii diintan la timi. Haddii ay dhihi lahaayeen bilaash weeye Xajku
maadaama uu cibaado yahay waxbay ahaan lahayd laakiin waxa wax lala yaabo ah
in cibaado laga macaasho. Xajku haduu salaadda la mid yahay ma xaq baa in
lacag laga qaado qofka gudaneya?
Waxyaabaha yaabka leh ee meeshaa ka dhaca waxaa ka mid ah u tartanka
dhunkashada iyo taabashada dhagax madaw (الحجر الاسود) dhagaxaas sida ay
aaminsanyihiin muslimiintu waxa laga keenay Jannada. Waxaa laga weriyey Ibnu
Cabbaas inuu yidhi: nebigu wuxuu yidhi wuxuu kasoo degey dhagaxa madoobi
Jannada isagoo caanaha ka cad waxaana madoobeeyey xad gudubka dadka.
عن ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺎﺱ ﻗﺎﻝ : ﻗﺎﻝ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ : ” ﻧﺰﻝ ﺍﻟﺤﺠﺮ ﺍﻷﺳﻮﺩ ﻣﻦ
ﺍﻟﺠﻨﺔ ﻭﻫﻮ ﺃﺷﺪ ﺑﻴﺎﺿﺎ ﻣﻦ ﺍﻟﻠﺒﻦ ﻓﺴﻮﺩﺗﻪ ﺧﻄﺎﻳﺎ ﺑﻨﻲ ﺁﺩﻡ ” . ﺭﻭﺍﻩ اﻟﺘﺮﻣﺬﻱ
ﻭﺟﺎﺀ ﻓﻲ ﻓﻀﻞ ﺍﺳﺘﻼﻣﻪ ﻗﻮﻝ ﺍﻟﻨﺒﻲ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ : ” ﻭﺍﻟﻠﻪ ﻟﻴﺒﻌﺜﻨﻪ ﺍﻟﻠﻪ ﻳﻮﻡ
ﺍﻟﻘﻴﺎﻣﺔ، ﻟﻪ ﻋﻴﻨﺎﻥ ﻳﺒﺼﺮ ﺑﻬﻤﺎ، ﻭﻟﺴﺎﻥ ﻳﻨﻄﻖ ﺑﻪ، ﻳﺸﻬﺪ ﻋﻠﻰ ﻣﻦ ﺍﺳﺘﻠﻤﻪ ﺑﺤﻖ .” ﺭﻭﺍﻩ
ﺍﻟﺘﺮﻣﺬﻱ ﻋﻦ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺎﺱ، ﻭﺻﺤﺤﻪ ﺍﻷﻟﺒﺎﻧﻲ ﻓﻲ ﺻﺤﻴﺢ ﺍﻟﺠﺎﻣﻊ.
Sida ku cad xadiiskan Maxamed wuxuu ku dhaartay dhagaxaasi inuu qiyaamaha naf
yeelan doono hadal iyo aragna yeelan doono welibana uu makharaatiga u furi kii
si dhab ah u dhunkaday ama u taabtay.
Dhagax nooca Tektite
اﻥ ﻣﺴﺢ ﺍﻟﺤﺠﺮ ﺍﻷﺳﻮﺩ ﻭﺍﻟﺮﻛﻦ ﺍﻟﻴﻤﺎﻧﻲ ﻳﺤﻄﺎﻥ ﺍﻟﺨﻄﺎﻳﺎ ﺣﻄﺎً .” ﺭﻭﺍﻩ ﺃﺣﻤﺪ ﻋﻦ ﺍﺑﻦ
ﻋﻤﺮ، ﻭﺻﺤﺤﻪ
ﺍﻷﻟﺒﺎﻧﻲ ﻓﻲ ﺻﺤﻴﺢ ﺍﻟﺠﺎﻣﻊ.
Xadiiskan waxaa isna ku cad taabashada ama dhunkashasa dhagaxaas in ay kaa
masaxayso denbi oo dhan.
Dhagax la taabtay ama la dhunkaday ayaa denbi dhaaf lagu heleyaa balse kuwa
dhagxaanta caabuda ee aaminsan inay danbigooda dhaafayaan waa lagu qosleyaa
nacasnimadooda, ma garan labadan qolo midka nacaska ah.
Dhagaxaa madoobi kama duwana dhagxaanta kasoo daata cirka (نيازك) waa laga
yaaba inay adduunka ku yar yihiin ama Carabtii saxaaraha deganayd ay la ahayd
wax lala yaabo, kan Kabcada yaal cilmi ahaan waxa magaciisa caadiga ah loo
yaqaan (Tektites) mana jirto denbi uu la madoobaadey iyo Janno laga keenay ee
waa dhagax midabkiisu noocan yahay.
Xajka marka la gudaneyo waxaa la dhagxiya meel loogu talo galay, dad ayaana ku
dhinta sannad walba iyagoo tartan ugu jira siday u dhagxin lahaayeen shaydaan
ay aaminsanyihiin inuu meesha ku xidhan yahay. Ma jiro shaydaan meesha ku
xidhan oo sugeya sannad walba in la dhagxiyo blase waxaa la sheegaa nebi
Ibraahim markuu ku riyooday isagoo wiilkiisa Ismaaciil gawracaya ee uu subaxii
u qalab qaatay inuu wiilkiisa yar gawraco ayaa waxaa ka hor istaagey gawracaas
Ibliis oo Ibraahim shiid ku bilaabay, maalintaas ayayna waajibtey in dhagaxa
la tuuro. Hadiiba ay sheeko xariirtaasi run tahay kee saxan Ilaaha rabay in
ilmo yar oo aan waxba galabsan la gawraco iyo ibliiska arrintaa kahor yimid ee
isku dayay inuu ka bad-baadiyo ilmaha midida?
Diintu waxay si guud ugu adeegtaa danaha Carabta. Xajka danta laga lahaa
welina laga leeyahay waxay ahayd mid dhaqaale. Dawladda maanta maamusha Xajka
waxay dhistay Huteelo lagu dego, tareeno la raaco, biyo iyo timir barakaysan
waxaasoo dhanna dadka waxaa lagaga qaadaa lacag adag iyadoo la leeyahay kusoo
dhowaada gurigii Illaahay. Dadkaas waxaa loogu yeedha magaca martidii Illaahay
waana lagu soo baadhaa meesha. Haddii Illaahay marti loo yahay gurigiisina la
joogo saw ma haboonayn in ilaahu dadka soo booqday marti qaaday halka uu
furanayo?
XAJKU WAA DALXIIS EE MAAHA CIBAADO, WAANA MEEL DADKA LAGU BAADHO
KADIBNA LACAGTA KASOO GASHA AYAA DADKA MUSLIMIINTA EE KALE LAGU LAAYAA AMA
DHASHA BOQORTOOYADAA KU
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida