Bilowga diimaha

D iimuhu waxa ay ka soo bilowdeen in ay dadku la yaabeen dhimashada qofkii
ay haleeshaa uusan soo laabanayn iyo jiritaanka siiba roobka, onkodka iyo
hillaaca. Si waxyaalahaas jawaabo loogu helo ayaa laga fakarey in diimo ka
hadlaya la sameeyo, waxaana maanta jira diimo dhowr ah oo waaweyn.
Hinduusimku waa diinta ugu fac weyn diimaha maanta jira, waana diin aan lahayn
qof sameeyey ee ka kooban diimo, dhaqamo iyo aragtiyo badan oo midoobey. Waa
diin aysan in la faafiyaa waajib ahayn sida masiixiyadda iyo islaamka, isla
markaas qofkii aan iyada haysani denbiile iyo ehelu naar ma aha sida islaamka
iyo masiixiyadda.
Buudisim waa diin sida Hinduusim ka soo baxday Hindiya, waxaana sameeyey nin
Buuda la oran jirey oo 2500 ee gu’ laga joogo xilligii uu diintaas allifey.
Diintaas cibaadadeedu waa tacliinta oo in wax la barto ayaa diin ahaan loo
haystaa, waxaana la baranayaa wax kasta oo la baran karo. Wax ilaah ah
diintaasi ma leh, qofkii aan haysan ama ka tagaana denbiile ma aha sida
islaamka iyo masiixiyadda.
Yuhuudiyaddu waa diin waa hore samaynteeda la bilaabay, waxaana laga bilaabay
dalka Ciraaq. Waa diin hal qolo khusaysa, waxa ayna qoladaasi rumaysan yihiin
hal ilaah oo aan muuqan oo wax kasta ee kale abuuray. Waxa kale oo ay rumaysan
yihiin in uu ilaahaasi iyaga ka doortay oo uu ka jecel yahay dadka kale oo
dhan. Dhaqanka ah hal ilaah oo aan muuqan qoladaas ayaa keentay, waana dad aad
u yar oo uu maanta badankoodu ku nool yahay Israa’iil iyo USA.
Masiixiyaddu waa diin uu asalkeedu ka soo jeedo aragtidii qolada yuhuudda ee
ahayd in hal ilaah oo wax kasta abuuray uu jiro, laakiin waxaa aragtidaas lagu
daray in uu ilaahaasi dhalay Ciise oo ahaa ninkii diintaas allifey. Diintaas
asalkeeda waxaa looga jeedey in yuhuudda laga xoreeyo cadaadiskii roommaanka,
cadaadiskaasina waxa uu keenay in Ciise laftiisii la diley. Diintaas
qodobbadeeda waxaa ka mid ah in qofkii aan haysan ama ka baxaa uu denbiile ka
yahay xagga Eebbe oo la dilayo, laakiin maanta ma uu jiro qof ka baxay oo la
dilaa maaddaama ay dadkii diinta haystey ilbaxeen. Waa diin in la faafiyaa ay
shuruucdeeda ka mid tahay.
Islaam waa diinta labaad xagga badnaanta dadka rumaysan, waxa ayna diintaasi
ku tiirsan tahay aragtidii yuhuudda ee ahayd hal ilaah oo aan muuqani in uu
wax kasta abuuray, laakiin waxaa la rumaysan yahay in dhaqankii yuhuudda uu
ilaahaasi ku soo wareejiyey afka iyo ummadda carabta, wareejintaas ka dibna
uusan ilaahaasi mar danbe diin keenayn oo ay arrin kastaa carabigaas ku
xanniban tahay. Waxaa diintaas allifey nin Maxamed la oran jirey oo carab
ahaa, waana diin qofkii aan haysan ama ka baxa isugu dartay in ay muslimiintu
dilaan iyo in uu ehelu naar yahay oo uu ilaah u caraysan yahay. Waxaa
sharciyada diintaas ka mid ah in la faafiyo oo weliba dagaal lagu faafiyo.
Dad aad u badan baa maanta rumaysan aqoonta ama cilmiga oo ka tegey
khuraafaadka iyo diimaha, waxa ayna dadkaasi qabaan in aan la rumayn wax aan
cilmi ahaan loo caddayn. Waxaa dunida ka muuqatay in uu cilmigu ka faa’iido
badan yahay khuraafaadka iyo diimaha, waxaana caddaatay in meeshii cilmiga iyo
maskaxda la kaashado uu horemar ka imanayo. Cilmigu wax been ah ku uu
mashquulin mayo dadka oo wakhtigooda wax macquul ah bay uga faa’iidaysanayaan.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida