Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Baron D’Holbach iyo doodda diidmada eebbe

W/Q: Warsame Jaamac
Falsafad 4
5.1k
·

6/24/2019

Baron D’Holbach iyo doodda diidmada eebbe

I nkasta oo doodda jiritaanka Eebbe ay wax badan soo jirtay oo xattaa ay
ka horraysay diimaha bariga dhexe, sida diinta islaamka, kiristaanka iyo
waliba diinta yahuudda, hadana in si cad looga horyimaado oo shaki la galiyo
waxay ahayd arrin adag oo aan lagu dhiirran karin wixii ka horreeyay qarnigii
18aad.

Dadkii isku dayay in ay arrintaas dood ka keenaan waxay bixiyeen qiimo wayn
waxay la kulmeen cadaadis, qax iyo dil. Hadaba qarnigii 18aad waxaa yurub ka
bilawday dhaq-dhaqaaq aqoonyahan ah oo rabay in is badal lagu sameeyo hab
dhaqanka, fikirka iyo ilbaxnimada yurub iyo adduunkaba, xilligaasna waxaa lagu
magacaabay “ The Age of Enlightenment ” ama waayihii iftiinka.

Aqoonyahannadaas waxaa saldhig u ahaa magaalada Paris waxaana jiray madal ama
salons ay isku waydaarsadaan aqoonta iyo wacyiga markaas ka jiray yurub iyo
aduunka sida cilmiga dhaqaalaha, akhlaaqda, suugaanta, diinta, siyaasadda,
adduunka iyo jiritaanka aadanaha. Raggii doodahaas ka dhex muuqday waxaa ka
mid ahaa Danis Diderot, Jean-Jacques Rousseau iyo Voltaire. Hayeeshee doodda
ugu adag oo ugu qatarta badan waxaa keenay mid ka mid ah raggii ugu cad-caddaa
aqoonyahankii iftiinka gaar ahaan saloonadii doodaha ee Paris. Waa Baron
d’Holbach
.

Baron d’Holbach wuxuu ku dhashay dalka jarmalka gobalka Rheinland-Pfalz ee
ku yaalla dhinaca koofur galbeed ee waddanka dabshidkii 1723 wuxuuna ku
dhintay Paris taariikhdu markay ahayd 1789. Baron wuxuu ka dhashay qoys hodan
ah ama ladan wuxuu u dhoofay oo dagay waddanka Faransiiska wuxuuna halkaas ka
sameeyay Salon ay aqoonyahanku ku kulmaan oo ay isku dhaafsadaan aqoonta iyo
xogta. Baron ayaa wuxuu ku soo galay doodda in uusan jirin Eebbe ama ilaah
adduunka abuuray, wuxuu qoray buug caan ka noqday qaaradda yurub saamayn wayn-
na ku yeeshay fikirka iyo wacyiga yurub iyo adduunka. Buuggaas waxuu ku
magacaabay “The System of
Nature
” ama
habka dabeecadda.
Wuxuu ku dooday in dadku ay ku qaldan yihiin figradda iyo doodda in Eebbe jiro
waayo Eebbe maysan arag, cid aragtayna maysan arag, in ay arkayaanna cadayn
uma hayaan sidaa darteed waxaa qalad ah in doodda Eebbe ku saabsan la keeno.

Taariikh yahanka wayn ee Will Durant wuxuu leeyahay qoraalka Baron wuxuu
saamayn ku yeeshay aqoonyahankii diin-diidka ahaa ee qaaradda yurub ka dhashay
qarnigii 19aad, wuxuu tusaale u soo qaatay gabayaagii waynaa Bercy Shelly oo
akhriyay qoraallada Baron. Faylasuufkii caanka ka ahaa ee Voltaire ayaa
sheegay in buugga “ The System of
Nature
” uu
noqday buug aad ugu faafay dadka aqoonyahanka ah rag iyo dumar iyo waliba dad
waynaha oo dhan.

Baron wuxuu dhintay wax yar ka hor kacaankii Faransiiska waxaa lagu aasay
magaalada Paris kaniisadda caanka ah ee Saint Roch. Ilaa hadda
taariikhyahannadu waxay la yaaban yihiin sida kaniisadda loogu aasay
aqoonyahan geed dheer iyo mid gaaban u fuulay in uu diinta gilgilo oo bushi ku
furo! Jawaabtu waxay noqon kartaa in uu adeegsaday magac been ah markii uu
qoraalka qoray magacaas oo ahaa Jean Baptiste taas oo meesha ka saaraysa in
la garto qofka buugga qoray.

Buugaagta ku xusan qormadan iyaga oo elektaroonik ah waxaad ka soo dejisan
kartaa eMaktabad.com

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...