Bare sare Maxamuud (Xamdi) iyo Galilei halkee ayay isaga eg yihiin?

T an iyo goortii insaanku bilaabay in ay eegaan kana fakaraan hawada sare,
waxa ay aaminsanaayeen in dhulku yahay midka ugu muhiimsan dunida, dhammaan
walxaha kale ee ay ishu qabatana yihiin kuwo ka yar Dhulka. Waxa ay u arkayeen
dhulka mid fidsan oo aan dhaqaaq samayn oo ay cadceedda iyo walxaha kaleba dul
heehaabaan, sidii aqal soomaali oo kale, halkaas oo uu dhulku fidsan yahay,
cirka oo ah walax xajmi lehna ku dahaaran yahay Dhulka. Cirka waxaa ku
sharaxnaa walxo ifaya oo bilic u samaynayay. Kolkii ay diimuhu soo ifbaxeen,
ayaguna waxba kama aysan badalin hab-fakarkii insaanka, maadaama diimuhu aysan
la imaan aqoon maadi ah oo ay la yimaadeen shuruuc iyo qawaaniin. Ma jirto
diin soo kordhisay hal aragti oo cilmi ah oo uu aadanuhu manaafacaadsaday,
balse waxa ay dhammaan la yimaadeen shuruuc iyo xeerar uun.
Ayada oo aragtiyaha noocaas ahi iyo taliskii kaniisadahaba ka calan-
walaynayaan Yurub ayaa waxaa markii ugu horraysay la yimid aragti middaasi ka
duwan xagga ahmiyadda dhulka iyo booskiisaba nin u dhashay dalka maanta loo
yaqaano Poland oo lagu magacaabo Nicholas Copernicus (1473-1543) kaas oo
sheegay, in Dhulka uusan ahayn bartanka dunida, taas badalkeedana ay cadceeddu
tahay bartanka dunida (heliocentrism), waxa aynu aragnaana ay ayada ku
meeraystaan. Waa ay jireen rag uga horreeyay aragtida, balse habkiisa iyo sida
uu ugu muujiyay buuggiisa “ On the Revolutions of the Heavenly Bodies ” ayuu
ku helay in asaga loogu magacdaro habkiisan “Copernican System”. Copernicus
waa qoraal gooni ah oo waxba ku fogaan maayo.
Galileo Galilei (1564-1642) waxa uu rumaystay aragtidii Copernicus, waxa uuna
isku dayay in uu caddeeyo, asaga oo adeegsanaya muuqdhoweeyaha uu asagu
samaystay, balse aragtida uu aaminay Galileo waxa ay ka hor imaanaysay
kaniisadda (Catholic Church) halkaas waxaa ka dhashay in lagu eedeeyo Galileo
in uu diin ka bax sameeyay waxaana dhawr goor dhalleeceeyay xeerbeegti
kaniisadda ah. Asaga oo adeegsanaya muuqdhoweeyahiisa cusub ayuu wax badan ka
daahfuray meerayaasha kale sida dayaxyada Jupiter iyo wajiyada Venus. Asaga oo
xogtani cusub adeegsanaya ayuu horumariyay aragtidii Copernicus. Xeerbeegtidii
waxa ay ku tilmaameen aragtidan cusub ee habka Copernican mid gaalnimo ah,
waxa ayna uga digeen Galileo in uu aaminsanaado, difaaco ama xataa sii
faafiyo. 1632-dii Galileo waxa uu daabacay buugiisii “ Dialogue Concerning
the Two Chief World Systems ” oo uu ku difaacayay aragtidii Copernicus iyo in
mawjaduhu yihiin caddayn in dhulku dhaqaaqayo. Qoraalkaasi kadib xeerbeegtidii
waxa ay ku heleen diin-daba-maryayn, waxa ayna ku xukumeen xabsi aanan waqti
go’an lahayn.
Galileo waxaa la galiyay xabsi guri, gurigiisa oo ku yaalay meel u dhow
magaalada Florence ee dalka Talyaaniga, halkaas ayuu ku xanuunsaday, kuna
indho-beelay, ugu dambaynna halkaas ayuu Galileo ku geeriyooday. Hadalada
dhaxalgalka noqday ee Galileo laga qoray intii ay kaniisaddu ku eedaynaysay
gaalnimada waxaa ka mid ahaa oraahdiisii caanka ahayd ee uu ku lahaa, “Ma
dareemayo in ay waajib igu tahay in aan rumeeyo in isla Ilaahii nagu
mannaystay dareenka, sababaynta iyo garaadka uu noo qorsheeyay in aan ka tagno
adeegsigooda ”
Waxa lagu haystay Galileo waxa ay ahayd arrin laga doodi karay, loona caddayn
karay qaladaadkiisa, asaguna uu caddayn karay sax ahaanshadiisa, balse taas
badalkeeda, wadaadadii kaniisaduhu ma aysan doonayn in dadka garaadka lihi ay
kasoo dhex muuqdaan bulshada. Waxa is hayay waxa ay ahaayeen rumayn iyo
sababayn.
Bare Sare Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) ahna murashax shahaadada sare ee PhD
-da ee culuumta falsafadda ayaa sanadkan bilawgiisa lagu xiray magaaladda
Hargaysa laguna xukumay labo sano iyo bar xabsi ah, ayada oo lagu eedeeyay in
uu u gefay Allaah, kadib markii uu qoraal ku qoray bartiisa Facebook-ga.
Qoraalkiisa ayuu ku sheegay Bare Maxamuud in baryada Alle la baryo oo
biyo/roob laga baryo aysan ahayn istiraatiijiyad wanaagsan oo wax looga qaban
karo abaaraha. Arrintani waxa ay ahayd mid xoojinaysa wax qabsiga bulshada iyo
isku tashiga ku dhisan u diyaar garowga dhacdooyinka sida abaaraha oo kale ah.
Wadaado ayaa sii huriyay arrinkii oo ku tilmaamay Bare Maxamuud dhammaan waxii
magacyo ahaa ee jiray sida gaalnimo IWM. Balse Bare Maxamuud ma u gefay Allaah
mise waxa uu doonayay in bulshadu ay isku tashato oo ay caqliga kaashato,
halkii ay Allaah uun u gacmo hoorsan lahaayd goorta ay abaari dhacdo?
Bare Maxamuud waxa uu qoray buug (eeg sawirka hoose), kaas oo dhowaan la
daabici doono, buuggiisa haddii aad u fiirsato, Bare Maxamuud waxa uu dadka ku
dhiirri-gelinayaa in ay illaahay keliya addoon u noqdaan. Haddaba ma qoraalka
Facebook-ga ayaa mudan in lagu mutaysto laob sano iyo bar xarig ah, mise
buugga ayaa mudan in lagu helo nolol xoriyaddeed oo abadi ah?
Gunaanadku waxa uu yahay in Bare Maxamuud u xiranyahay isku dhaca caqliga ku
dhisan cilmiga iyo addoonsiga wadaadada ee ku salaysan rumaynta indha la’aanta
ah. Bare Maxamuud waxaa lagu eedeeyay ilaahii uu lahaa kaligiis addoon haloo
noqdo, in uu u gefay!
Xorriyadiisa haloo soo celiyo Macalin Maxamuud.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida