Baratanka Alshabaab

W aa barbaar caato la miiqmay, gar iyo shaaribana aan dhabankiisa lagu
arag. Waxa uu ku dul fadhiyaa roog, wuxuuna si aan libiqsi lahayn u dhawrayaa
Kitaab Quraan ah oo uu tobanka farood ba ku hayo. Daaqad garabkiisa ku aaddan
waxaa ka soo muuqday cadceeddii oo qof baarkiis joog le’eg. yabaq iyo alalaas
qofka miyirkiisa shaxaadaya ayaa bannaanka daaqadda ka baxaya. Balse,
barbaarku dhegey-jalaq uma lahan oo waxa uu ku dhaygagsan yahay kitaabka
hortiisa yaal. Macallinkiisa madarasada ayaa waxa uu ku yiri, “Dadaal oo isku
day in aad dhibco sare keento, haddii aad sidaas yeesho, waxa aad ku guulaysan
doontaa wax barasho dibadda ah”. Weedhahaasi waxa ay cariyeen hamuuntii iyo
xiisihii uu waligiisba u qabay waxbarasho dibadda ah.
Dalxa Cali shantii sano ee u dambaysay waxa uu ku noolaa waxna ka baranayay
masaajidka AlHidaaya ee Muqdisho. Waxaa uuna ka tirsanaa dariiqada Tabliiq oo
ah firiqo Islaam Sunni ah, caanna ku ah in ay si nabad gelyo ah dadka
makhaayadaha uga hanuunniso. Masaajidku waxa uu ku yaallaa xaafadda Waxara-
cadde oo ku taalla nawaaxiga degmada Huriwaa oo ku taalla dhul-joogsare ah oo
kulaala xeebta. Waxbarashadu waxa ay ahayd mudnaanta koobaad, noloshuna waa ay
iska fiicnayd. Marka laga reebo maalmaha Jimcayaasha, oo uu qoyskiisa la soo
joogi jiray ma ahee, inta kale madarasada ayuu joogi jiray. Isku soo duub oo
in dal sidaas u fog sida Baakistaan ama Bangaaladheesh oo kale waxbarasho
loogu tacabiro waxa ay ahayd arrin mudnaanteeda iyo xiiseheedaba leh. Waana
sababta uu u sugi la’yahay maalinta ay imaanayso.
Meel xoogaa durugsan waxa laga maqlayaa rasaas aan kala joogsi lahayn oo si
darandoorri ah u dhacaysa. Madaafic ayaa la maqlayaa. Waxaa aad mooddaa in ay
xabbaddu soo dhawaanayso. Dareenkiisi kitaabka ku libdhay ayay rasaastu soo
jeedisay. “Tolow, ma dhankayaga ayay u soo soctoaa?” Ayuu isku la sheekaystay.
Waxa uu odorosay in ay in aysan ka dheerayn gawaanka diyaaradaha ee Caysaley.
Waa dagaalkii sadexaad ee bishan gudeheeda ka dhaca. Dagaal-ogeyaashu dooni
maayaan in ay lumiyaan. Waase ay lumin donaan haddii Rabbi Idmo. Gacanta
mujaahidiinta ayayna gali doontaa.
Dalxa arrintaasi qalbigiisa ayay xadantaynaysaa. Laabta ayuu kala jiraa
Mujaahidiinta.
Balse, keligiis kuma ahan taas. Bishii May 2006-dii dadka caasimadda Muqdisha
oo dhan waxa ay uurka kala jireen Mujaahidiinta Islaamka ee iskood isu
abaabulay si ay magaalada uga sifeeyaan dagaal-oogayaasha iyo malayshiyadooda
oo muddo shan iyo tobankii sano ah magaalada ku-amar-ku-taag laynayay.
Had iyo jeer dagaalladu waxa ay saamayn culus ku yeelan jireen dadka badhtama
magaalada daggan. Xaafadaha durugsan sida degmada Huriwaa oo kala waa ay ku
yaraayeen saamaynta dagaalladu. Dadka ladan waa la afduuban jiray, waxaana
laga qaadan jiray lacago madax-furasho ah. Sabool iyo mid wax haystaana waxa
ay ku khasbanaayeen in ay lacag ku dhaafaan isbaarooyinkii dagaal-oogayaasha
ee meel walba yiillay. Qof waliba waxa uu khatar ugu jiray dhac sababi karay
geeri aan cago badan ku taagnayn. In yar oo aad ka dhago-adaygto amarada uu
bixinayo askariga iska caraysan waxa ay sababi kartay geeri degdeg ah. Dadka
magaaladu waa ay ka daaleen dhibta iyo geerida joogtada ah. Ugu, dambaynna aad
bay u jeclaayeen in ay mar uun arkaan cid isku taagta dagaal-oogayaasha, dibna
usoo celisa nabaddii iyo ammaankii ay magaaladu beri ku naalloon jirtay.
Bishii labaad ee sannadkaas dagaal-oogayaashu waa ay is gaashaanbuursadeen,
waxa aynna weeraro joogta ah ku ekeeyeen malayshiyadii Islaamiyiinta ee madaxa
la soo kacayay. Balse, si is xig-xigta ayay Mujaahidiintu ugu gacan
saraynayeen goob waliba oo la isku farosaaro.
Qofkii arkaa waa uu la yaabi lahaa sida ay dhallinyarada Madarasaduhu ugu laab
keceen dagaallada iyo guulaha mujaahidiinta. Dalxa Cali iyo dhallinyarada la
filka ahba, fiid waliba marka ay salaadda cishe ka soo baxaan waxa ay isugu
imaan jireen si ay isaga waraystaan wararkii ugu dambeeyay ee furinta. Mar
waliba warar lagu farxo ayay idaacaduhu ka soo tabin jireen goobaha dagaalka;
mujaahidiinta oo talisyo cusub furtay, isbaarooyin gubay, dhismeyaal muhiim
ahna gacanta ku dhigay ayay ahaayeen wararkii iska soo dabo dhacayay.
Dhallinyarada waxbarata waxa ay aad u xiiseeyeen, wararka sheegaya in
saaxiibadoodi waxbarashadu ay iskuuladii ka tageen isla markaana ay ku biireen
mujaahidiinta, in badan oo iyaga ka mid ahina ay hogaaminyaan weerarrada
muhiimka ah. Cali mar hore ayay dabayshaasi xushay oo cago badan kuma uu
taagna. Waxaa sii dhiirrigalinayay walaalkiis ka wayn oo isagu mar hore ku
biiray xarakada Mujaahidiinta. Balse, weli waa kan, iskuulkii ayuu fadhiyaa.
Waa uu fakarayaa.
War farxad leh ayaa soo dhacay. Guushii ugu waynayd ayay Maxkamadihii
Islaamiyiintu gaareen. Waxa ay gacanta ku dhigeen Xerada Dayniile oo talis iyo
madaxtooyaba u ahayd mid ka mid ah dagaal-oogayaasha kan ugu awoodda badan waa
Maxamed Qanyare Afrax. Talisku waa isla halkii ay dagaal-oogayaashu muddo yar
ka hor ku shireen, isla markaasna uga dhawaaqeen isbahaysigii la magac baxay
“Soo celinta Nabadda iyo La dagaallanka Argagixisada”. Markiiba Maxkamaduhu
waxa ay ku dhawaaqeen xaruntu in ay noqon doonto maxkamad Islaami ah. Cali iyo
saaxiibadiisna guushaas waxa ay u dabaal -dageen iyaga oo masaajidkoodi jooga.
Farxaddii guusha ee Cali siima jirin markii warka labaad soo dhacay. Waxa uu
ahaa war dhiillo leh. Cali walaalkiis waxa uu ku dhintay weerarkii taliska
lagu furanayay, waxaana maydkiisa laga helay meel Wasaaradda Difaaca Qaranka u
dhaw.
Immika ayaad mooddaa in uu naftiisa ka fooliyay go’aankii ay in badan
rimanayd.
Bartamihii bisha Juun, wakhti habeenimo ah ayaa Cali iyo saaxiibkiis ka soo
dhuunteen masaajidkii ay ku jireen. Waxa ay usoo dhaadhaceen dhanka magaalada.
Laydhadhka wadooyinka ifiya magaaladu ma ay lahan, balse dayax shan iyo
tobnaad ah ayaa ka caawiyay in ay soo jiiraan dhirta sidii kayntii magaalada
uga dhex baxday iyo qashinkii goob walba yaallay. Waxa ay soo jibaaxeen guryo
ay rasaas iyo qaraxyo is daba joog ahi halakeeyeen oo aad mooddo in ay ku
yaallaan magaalo dadkeedi la halaagay. Socod dheer ayay kusoo mareen saddexda
degmo ee Yaaqshiid, Wardhiiglay iyo Hawlwadaag, illaa ay ka soo gaareen
cirifka Degmada Hodan oo ah halka ay reerahoodu yiilleen. Cali iyo saaxiibkiis
waa ay kala bayreen nin walibana waxa uu qabtay halkii uu qoyskooda ku ogaa.
Aad bay ula yaabeen qoyskii marka ay arkeen, wuxuuse ugu laab qaboojiyay in uu
fasax gaaban ka soo qaatay waxbarashadii.
Dhawr saacadood kadibba, Cali markii uu ka tagay guriga, waxa uu la soo hadlay
qoyskiisi, waxa uuna u sheegay in uusan waxbarashadii dib ugu laabanayn,
ujeedkiisuna yahay in uu ku biiro Xarakada Mujaahidiinta ee “Al-Shabaab” oo
markan ka mid ah Midowga Maxaakiimta Islamiga ah. Durba waxa uu la xiriiray
Aadan Xaashi Cayrow oo ah sarkaalka hogaaminaya garabka milatariga ee
Mujaahidiinta, isla markaasna dhawr bilood ka hor qortay walaalkiis.
Isla maalintiiba waxa uu aaday xaruntii hore ee Mliatariga Soomaalida.
Xaruntan oo xiligii gumaysiga loogu yeeri jiray Circolo Ufficiale ayay
Midawga Maxaakiimtu todobaad ka hor gacanta ku dhigeen. Cali halkaas ayuu ka
bilaabay tallaabadiisi ugu horraysay ee jihaadka. Codsigiisii waa la aqbalay,
saacado gudahoodna waxaa loo qaaday kaamka Oodwayne oo ku yaalla dulleedka
Magaalada Muqdisho. Halkaas ayuuna ka ambaqaaday tababarkiisii jihaadka. Waxa
uuna ka mid noqday kumannaan dhallinyaro Soomaali ah oo is-diwaan galiyay
intii u dhaxaysay billihii Maarso iyo Juun, daraasiin dhallinyaradaasi ka mid
ahina waxa ay ka yimaadeen madarasaddiisi.
In badan oo dhallinyarada dagaalamaysa ka mid ah waxa ay is qorreen wakhtiga
dagaalka. Qaar ka mid ah, sida Cali oo kale , waxaa riixayay ujeeddo gaar ah.
Qaar kale waxa ay doonayeen in ay qayb ka noqdaan guul ballaaran oo ay
rajaynayeen in la gaari doono. Kuwo kale jacaylka ay dirirta iyo qoriga u
qabaan ayaa madax martay oo ujeeddo intaas dhaafsiisan ma aysan la hayn. Qaar
kalana sababo kale -sababo ay ka mid yihiin Jihaad iyo dagaal barakaysan oo ay
Eebbe dartiis u qaadaan iyo shareecada Islaamka oo dhulka lagu xukumo.
Saddex sannadood ka dib waraysi laga qaaday Cali, markii uu xasuusto sida
maskaxdiisa loo maalgashaday, kelmadna waa uu celin waayaa. “In aan dhinto oo
aan shahiido ayaa iga go’nayd” ayuu yiri. Waxa ay ahayd shaqo aad uga dhib
badan sidii uu malaynayay.
Tixraac: Buugga [Inside Al-shabaab](https://www.amazon.com/Inside-Al-
Shabaab-History-Al-Qaedas-Powerful/dp/0253037492)
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida