Bal sawiro duni aan seere jirin
Fannaankii Bob Marley (1945-1981) wuxuu rumaysnaa in heesaha iyo muusiggu ay
yihiin tallaalka lagula tacaali karo nacaybka, midabtakoorka iyo colaadaha
haddii dadka lagu duro. 3-dii bishii Diseembar 1976 Bob Marley oo isu
diyaarinaya bandhig-faneed loogu magacdaray "Jamaaykaay dhoollocaddee /Smile
Jamaica", oo loo muddeeyey in la qabto 5-ta Diseembar 1976 ayaa gurigiisa
waxaa yimid niman qoryo ku hubaysan, kuwaas oo ku furay rasaas ka haleeshay
garabka hoostiisa. Markii isbitaalka la geeyeyna dhakhaatiirtu waxay u
sheegeen in xabbaddu ay xidid ku dheggentahay, haddii laga saarana ay keeni
karto in uu farihiisa xakamayn kari waayo. Marley ma uu sawiran karin nolol
uusan awoodin in uu garaaco aaladaha muusigga. Sidaas awgeed, wuu diiday in
laga saaro xabbadda, kolkaasna dhakhaatiirtu waxay kula taliyeen in muddo
dhowr toddobaad ah uu shaqada ka nasto. Laakiin labo maalmood ka dib, 5tii
Diseembar wuxuu qabtay xafladdii loo ballansanaa oo ay ka soo qayb-galeen
80,000 oo ruux. Waxay ka mid ahayd xafladihii ugu waaweynaa ee uu qabtay intii
uu xirfaddaas ku gudo jirey.
Goortii bandhigii uu dhammaaday ayaa Bob Marley waxaa la weydiiyey:
Sababta ku kalliftay in uusan qaadan taladii dhakhaatiirta oo uu xafladda u
qabtay? Isaguna wuxuu bixiyey jawaab caan noqotay, oo wuxuu yiri: "Dadka isku
dayaya in dunidu ay sii xumaato, maalin qurana hawshooda fasax kama qaataan.
Haddaba, sidee baan anigu u qaadan karaa? Iftiimi mugdiga /The people who are
trying to make this world worse aren't taking a day off. How can I? Light up
the darkness."
Waa hubanti, in heesaha iyo muusiggu ay kaalin mug leh ka qaadan karaan
nabadda bulshada iyo guud ahaan tan dunida. Heesaha ku baaqa nabadda
adduunkana waxaa ugu caansan heesta lagu magacaabo "Bal Sawiro ama Bal
Male'awaal" (=Imagine/تخيل), oo miraha, laxanka iyo luuqdaba uu leeyahay
fannaankii ingiriiska ahaa ee "John Lennon, 1940-1980", oo ka mid ahaa
xubnihii aasaasay kooxdii 'Beatles' -Sida fannaanku uu goor dambe qiray miraha
waxaa wax ku leh afadii u dhaxday ee Yoko Ono oo Jabbaan u dhalatay.
Heestaan oo soo baxday sannadkii 1971, waxay ku soo beegantay xilli uu socday
dagaalkii Fiitnaam iyo kii qaboobaa ee u dhexeeyey Bariga iyo Galbeedka. Sidaa
darteed, heestaan dhan waxay ka noqotay midda ay ugu jecel yihiin dadka u
ol'oleeya nabadda iyo xasilloonida dunida, dhanka kalena heestaan iyo kuwo
kaleba fannaanka waxay dhalaxsiiyeen in dowladda Maraykanka iyo Midowgii
Soofiyeetba ay isku si u la colloobaan.
Heestu waxay ku bishaaraynaysaa in timaadda la arki doono duni aayatiin wacan,
oo colaad iyo cudur ka maran, aysanna ka jirin soohdimo siyaasadeed, faquuq
diimeed iyo dhammaan walxaha aadanaha kala qoqoba. Waa duni nabad ah oo wanka
iyo waraabuhu ay is weheshadaan (Fannaanku wuxuu leeyahay heeso kale oo
nabadda iyo wada noolaanshaha ku saabsan sida heesta 'Fursad Sii Nabadda /Give
Peace A Chance').
Heestaan munaasabado kala geddisan ayaa fannaaniin badani afaf kala duwan ku
qaadeen. Tusaale ahaan, dabshidkii 2017, fannaanadda carbeed ee Fayruus ayaa
waxay qaadday heesta oo Afcarabi loo rogay, oo loo bixiyey "Waa suurogal
/يمكن". Sannadkaan 2020, ee cudurka safmarka ah Covid-19 uu dunida mideeyeyna,
heestu waxay ka mid noqotay heesaha loogu dhegaysiga badan yahay. Horayna
farshaxanka Pablo Stanley baa wuxuu soosaaray heesta oo sawirro leh. Erayada
ama miraha heesta waxaa ka mid ah;
Bal sawiro in aan janno jirin
Way fududdahay haddii aad isku daydo
Jahannamana aysan naga hoosayn
Cirka oo qur ahina uu naga sarreeyo
Bal malee dadka oo dhan oo maalintooda la nool
Bal malee iyada oo aan waddamo jirin
Ma aha wax adag in la sameeyo
Aysan jirin sabab wax loo dilo ama loo dhinto
Iyo weliba in sidoo kale aan diimo jirin
Bal sawiro dadka oo dhan oo nabad ku wada nool,
Waxaad is oran kartaa in aan riyo ku jiro
Laakiin taa keli kuma ahi
Waxaan rajaynayaa in maalin uun aad nagu soo biirto
Duniduna ay mid qura noqoto!
Bal qiyaas iyadoo lahaansho gaari ahi uusan jirin
Waxaan isweydiinayaa in aad taas awooddo
Looma baahna damac ama gaajo
Adanaha oo walaalo ah
Bal malee dadka oo dhan oo dunida wadaaga
Waxaad u qaadan kartaa in aan riyoonayo
Laakiin taa keli kuma ahi
Waxaan abdaynayaa in aad maalin uun nagu soo biirto
Duniduna ay mid keliya noqoto!!
Meeriska heestu ka bilaabato ee "Bal sawiro in aan janno jirin, jahannamana
naga hoosayn", dadka qaarkood waxay kala baxaan in heestu ay tahay dicaayad
diin laawayaashu ay diimaha kula dagaallamayaan, laakiin sida dhabta ah
farriinta heestu siddaa waa in aadanuhu ay nabad iyo isfahan ku wada
noolaadaan, iyada oo aan loo eegin af, dhaqan, diin, midab iyo xuduuddo
siyaasadeed toona.
Sida fannaanka qudhiisu uu marar badan sheegay, isla markaana dadkii yaqiin
qaarkood ay ka maragkaceen, John Lennon Eebbe ma uusan diidin, balse wuxuu ka
biyo-diiday wadaaddada diimaha iyo siyaalaha ay diinta ugu danaystaan. Waxaana
la wariyaa dhowr dhacdo oo loo badinayo in ay mowqifkaas ku xanbaareen.
Tusaale ahaan, waxaa la wariyaa in fannaanka oo kuray ahi uu maalin tagay
kaniisadii isaga iyo reerkoodu ay ka tirsanaayeen, laakiin markii wadaadku uu
bilaabay in uu dadka wacdiyo ayuu wuxuu la yaabay waxa wadaadku uu akhrinayo
oo ugu muuqday been iyo khuraafaad aan caqligal ahayn, jeerkaasna aad buu u
qoslay, falkaasina wuxuu keenay in laga mamnuuco in uu mar danbe kaniisadda
yimaado.
Dhacdooyinka kale ee la sheego waxaa ka mid ah, in sannadkii 1968 John iyo
xubnihii kale ee kooxda 'Beatles' ay dalka Hindiya ku tageen socdaal ruuxaani
ah oo ay ku baadigoobayeen in ay jawaabo ugu helaan weydiimaha jiraalka ama
falsafadda ee aadanaha harsiga iyo hoyaadka u diida sida; Maxaan ahay/nahay?
Halkee baan ka imid/nimi? Maxaan u imi/nimi? Halkee baan ku dambayn
doonaa/doonnaa? Geerida maxaa ka dambeeya? (Akhriste, su'aalahaan dadka oo
dhan baa isweydiiya, siiba isweydiintoodu waxay ku badan tahay kuwa ladan,
maxaa yeelay saboolka baahani waxay aad ugu mashquulaan jawaab u helidda
weydiinta kale ee ah: "Sidee baan ku helaa nolol karaamo leh oo ka maran
gaajo, cudur, jahli iyo shaqo la'aan igu xanbaarta in aan tuugta-dharaarta
tuugsado, haddii aan haweenay ahayna aan jirkayga iibiyo?". Intaas waxaa
dheer, in jawaabta ay diimuhu ka bixiyaan weydiimaha waaweyn ee falsafiga ahi
aysan ahayn kuwo si qumman loogu qanci karo. Waayo diimuhu waxay bixiyaan
jawaabo aan wadan daliil ka maragkaca sheegashadooda.)
Siday ahaataba, kooxdu markii ay Hindiya tageen waxay dageen mawlac uu maamulo
wadaad Hinduusi ah oo lagu magacaabo 'Maharishi Mahesh Yogi'. Muddadii kooxdu
ay halkaas ku sugnayd, wadaadkii martida loo ahaa wuxuu si fool xun u xodxotay
gabar ka mid ahayd kooxda oo la yiraahdo 'Mia Farrow'. Falkaas oo John Lennon
uu goor dambe ka qoray hees uu markii hore u bixiyey "'Maharishi', laakiin
markii dambe ku soo baxday magaca "Saadiyada Soo Jiidishada Leh /Sexy Sadie",
uuna ku dhaleeceeyey wadaadkaas oo uu ku sheegay mid aan diin danayn, balse
daneeya sidii uu ku heli lahaa magac, maal iyo galmo oo qur ah.
Dhacdooyinkaas iyo kuwo kaleba, John Lennon waxay ku bixiyeen in uu la
colloobo wadaaddada diimaha iyo si xun wax u sheeggooda, uuna yiraahdo: "Eebbe
waa fikrad aan ku cabirno xanuunkeenna /God is a concept by which we measure
our pain" iyo "Hadda annaga [=kooxda Beatles] ayaa Ciise ka magacdheer; mase
garanayo midka hor dhammaanaya -Rock & Roll ama Masiixiydda" iyo weliba "Ma
aamminsani, sidaa darteed waan jiraa", oo ah isla oraahdii feylasuufkii Rene
Descartes ee "Waan fekerayaa, sidaa awgeed waan jiraa /I think, therefore I
am" oo uu si kale u dhigay.
Hadalka oo kooban, fannaanku wuxuu dafiray ilaaha wadaaddada iyo diimaha
nidaamsan, wuxuuna qaatay ilaaha falaasifada. Wuxuu diiday jiritaanka Ilaah la
moodo oday garweyn oo cirka kursi u yaal, wuxuuna aamminay Ilaah aan aadanaha
meel ka jirin. Isaga oo qodobkaan ka hadlayana wuxuu yiri: "Eebbe waan
rumaysnahay... Ma aha sida oday cirka jooga. Waxaan aamminsanahay in waxa
dadku ay ugu yeeraan Ilaah uu yahay wax dhammaanteen naga mid ah. Waxaan
aamminsanahay in waxa Ciise, Maxamed, Buuda iyo inta kale oo dhammi ay
sheegeen uu sax ahaa. Waxa keliya ee jiraa waa in tarjumaaduhu ay khaldameen /
I believe in God... not as an old man in the sky. I believe that what people
call God is something in all of us. I believe that what Jesus and Mohammed and
Buddha and all the rest said was right. It’s just that the translations have
gone wrong." Intaa waxaa dheer, in fannaanku uu ahaa calmaani rumaysan in la
kala fogeeyo diinta iyo dowladda. Maxaa yeelay, diinta iyo dowladdu waxay ka
dhigan yihiin dabkii iyo dhagaxii Abwaan Cali Sugule "AUN" uu ka dardaarmay in
la kala dheereeyo isku dhufashadooda.
Sagaalka bisha soo socota ee Oktoobar 2020, waxaa la xusayaa afartan guurada
ka soo wareegtay dilkii John Lennon. Qaar ka mid ah dadka ku mashquulsan
qabanqaabada xuskuna iyaga oo ka warbixinaya sababta xuska loo qabanayo, waxay
yiraahdeen: waxaan rabnaa in la ogaado in John Lennon uusan la dhiman
afkaartii uu rumaysnaa. "Nabadda, Jacaylka, sinnaanta labka iyo dheddiga iyo
caddaaladda bulshada- walxahaasi weligood ma duugoobaan," bay sii raaciyeen.
Isku soo duuboo, waxaa si weyn loo rumaysan yahay in heestaani ay tahay hees
yuutoobiya ah oo saadaalinaysa wax aan suuroobayn -duni aan xuduuddo lahayn,
diimana aysan ka jirin. Taas oo jirta, haddana dhanka kale waxaa si fudud la
isugu raaci karaa in ay tahay hees macaan oo dadka damiirka leh badankoodu ay
si weyn ugu riyaaqaan. John Lennon waxaa laga hayaa in uu yiri: "Riyada aad
keligaa riyootaa waa uun riyo, midda aad wadajirka u riyootaanna waa
xaqiiqada."
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida