Aragtida Hobbes, Spinoza iyo Kanta ee diinta

D adku waxay dhashaan iyagoo diin la’aan ah. Diinta uu qaadan doono waxa
uu ka dhaxlaa deegaankiisa barbaareed iyo dadka ku nool diinta ay rumaysan
yihiin. Waxa uu bilaabma in uu weyneeyo wax aanu garanayn, oo aanu ku qaadan
caqligiisa intuu rogrogay. Xilliga uu barbaarka yahay waxa maankiisa buux
dhaafiya su’aallo tiro beel ah, oo aanu jawaab waafi ah u heli karin. Wakhti
ka bacdi waxa uu la qabsada habka ay u noolyihiin dadkiisu isagoo ku qanca
jawaabaha ay u hayaan su’aalihiisi caruurnimo. Arrinkaas oo keena in
caqligiisu istaago, oo u rumeeyeeyo dhaxalkii la isu soo sheegayey qarniyaal
badan.
Qaab noocee ah ayey falaasifada qaarkood u arkaan su’aasha ah: Diimuhu waa
maxay?.
Thomas Hobbes
Filasoofarkii la odhan jiray, ‘Thomas Hobbes’ ee reer Ingiiris, oo noolaa
intii u dhexeysey (5 April 1588 – 4 December 1679), mar uu su’aashan ka
jawaabayey waxa uu yidhi: Diimuhu waa wax ku gaar ah dadka. Waayo, astaamaha
ay ka mid yihiin soomitaanka, salaadda iyo sako bixinta, oo ah kuwo ay la gaar
yihiin dadka diimaha rumaysan waa ficil dadeed. Xayaawaanku ma leh ficillada
noocaas. Sabaabaha ugu waweyn ee dadka ka soocay xayaawanka waxa ugu muhiimsan
caqliga. Diin, waxa dadka ku kellifa saddex sabaabood, oo waweyn, oo kala ah:
- Insaanku waxyaabaha uu la gaarka yahay waxa ka mid ah wax badhbaadhista iyo raadinta ogaalkiisa wax ka baxsan ee uu yaqaanno.
- Insaanku waxa u garwaaqsan yahay in waxkasta, oo jira ay leeyihiin bar bilow iyo bar dhammaad. Bilow kastana ay ku lammaantahay sheeko ka warramaysa; dhammaad kastana leeyahay sheeko oddorosaysa. Isu geynta labadaas iyo jawaabaha loo hayo, oo ay diimuhu sheekooyin u hayaan baa dadka ka dhigta kuwo rumeeya diimaha jira.
- Xayaawaanku kama fekeraan dhacdooyinka dhici doonna mustaqbalka, taas caksigeedu dadka waxa werwer ku haya dhacdooyinka dhacaya iyo kuwa mustaqbalka isna weydiiyaan sababta ka dambeysa dhicistooda. Jawaabo kolka ay u waayaan waxay keentaa in ay iyagu samaystaan jawaabo qanciya. Taasina waa sabaabta diimo badani u samaysmeen iyadoo loo tiiriniyo dhacdooyinka loo mara waayey cid aan la aqoon.
Baruch Spinoza
Filasoofarkii reer Holland ee ‘Baruch Spinoza’ (5 April 1588 – 4 December
1679), oo mar laga warsaday weydiintii kore ayaa kaga warceliyey sidan:
Diimuhu waa laba nooc, oo kala ah ‘Diin muhmal ah’ iyo ‘Diin dhab ah’. Diinta
muhmalka ahi waa mid ku dhisan baqdin iyo cabsi, kuwaasoo keena aaminaadda
khuraafaad kasta, oo la sheego. Baqo gelinta ayaa keenna in u dheeraado
waaritaanka iyo xoogaysiga khuraafadku. Khuraafadku waa mid taageersada
xasdiga iyo khiyaanadda. Waayo, ma aha mid ku dhisan ama ka abuurmay caqli
saxan, oo fekerraya ee waa mid ku yimi dareen laab-la-kac ah iyo hawo. Diinta
dhabta ah, waxa uu u arka Spinoza in ay tahay mid ku dhisan laba tiir, oo ah
‘Caddaalad iyo wanaag falis’. Haddii aad tahay mid diin rumaysan waa in aad
tahay caddaalad fale wanagsan. Waayo, Ilaahay baa dadka ugu yeedha caddaalad.
Qofka labadaas sifo ku sifooba xitaa haddii aanu tukan waa mutadayin sidaa
Spinoza qabo.
Immanuel Kant
Filasaforkii Jarmalka ahaa ee ‘Immanuel Kant’ (22 April 1724 – 12 February
1804), ayaa su’aashan kaga jawaabay buugiisa ‘Diintu Waa Xadka Caqliga/
Religion within the Limits of Reason Alone’, diintu ma aha mid ku jirta ama ka
baxsan caqliga gudihiisa ee waa mid ku sugan xuduudda caqliga. Diinta, waxa uu
u kala qaaday mid muhmal ah, oo ku salaysan asal-raaca cibaado iyo duquusaad
hore iyo Diin dhab ah, oo dhaxaleed kuna dhisan akhlaaq. Kant, Diinta rasmiga
ah waxa uu arka akhlaaq. Akhlaaqduna ma ahaa mid ka unkanta diinta ee waa wax
damiirka qofka ku xidhan, oo aan u baahnayn diin. Diintu, waa amarro
akhlaaqeed kuwaas, oo ku dhisan tafsiir diimeed. Kanta, waxa uu arka dadka
akhlaaqdooda ay diimuhu qaabeeyaan ay yihiin kuwo akhlaaqdooda ku dhisan tahay
baqdin iyo ciqaab haddii ay fulin waayaan.
Guntii la iskuma waafaqsanna diimaha iyo waxay yihiin, oo waxa jiraa aragtiyo
badan, oo kala duwan iyo warar badan, oo ka warrama falkintooda iyo hababka ay
u abuurmeen diimaha tirada badan ee ka jira kownka. Qofka wanaagsan ee
caddaaladda fala, xorriyadda iyo xuquuqda dadka kale dhowra; sinnaanta jecel,
kala sarraynta, cunsuriyada iyo addoonsiga neceb; waa qof rumaysan diinta ugu
wanagsan, oo ah ‘Diinta Insaaniyadda’.
Tixraac:
-Religion within the Boundries of Mere Reasons/الدين في حدود العقل, Immanuel Kant
-اللفيتان، توماس هوبس
-رسالة في اللاهوت والسياسة، سبينوزا
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida