Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Aniga iyo qabyaaladda!

W/Q: Cabdikariin Shardi
Sheeko Faneed 1
6.8k
·

1/22/2020

Aniga iyo qabyaaladda!

Waan ku salaamay qabyaaladeey. War horta salaanteyda ma maqleysaa? Dhago iyo
af ma leedahay? Qabiilkaagu waa kuma? Qolamaa tahay qabyaalad quruneey? Koleey
cadaawadda innaga dhaxeyso baan ogahay iga qaadi meeysid salaanta. Aniguse dan
iyo xaajo kama lihi. Muddo baan goobayey nooca aad tahay. Sida aad u taal.
Qaabka aad dadkeyga colaadda ugu dhex huriso. Feyruska ku sababo nociisa.
Lakiin waan ku hungoobay. Weligeey kuma arag. Arag iska daaye xittaa
suuraddaada ma qiyaasi karo. Mala awaal kasta oo aan isku aadiyey adigaa igala
qaab xun. Waxa aan u xiiso qabaa la kulankaaga. Aragtidaada baan u bukaa.
Shartaada arkaye suradaada baan dooni. Ma doonayo in aan ku dilo. Xittaa
dhaawac yar in aan ku gaarsiiyo ma rabo. Waxa aan doonayaa in aan kaa raayo
adiga oo nool. Waxa aan rabaa in aan ku tuso sida dadkeyga isaga kaa xoori
doono. Waxa aan rabaa adiga oo nool in ay dadkeyga kaa dal doorsadaan.
Dilkaada waxba ku falo maayo, se cuqdadaada iyo is ciilkaamintaada baan
donayaa. In aan nolosha wax kugu tuso baan rabaa. Horta adiga inteed ku
nooshahay? Sideed dadka u dhex gashaa? Tolow anigu miyaad igu jirtaa? Laga
yabee.

Caqli badan baan kugu tuhmayaa. Xeelad badan baan kugu maleynayaa. Qaacinimo
iyo been badan ku xagaaga ka filayaa. Oo sideena u caqli badneen? Soo taa
malaayiin Soomaali ah aad duufsatay? Soo kuwaa ku sacbunaya, sida aad wanaag u
sheegtayna kaa daba ordayan? Soo kuwaa sida aad Qur’aan u akhrisay kugu
qarwaya? Waxa aan xiiso gaara u qabaa in aan daawado maskaxda tirada badan ee
aad dadkeyga badankooda ku sirtay. Xittaa in aan kaala baxo waan jeclaan
lahaa. Sheeydaan iyo adiga maxaad isku tihiin? Amaadba adigaba sheydaanka la
sheego tahay? Laga yabee. Abbahaa waa kuma? Hoyadaana mee? Cid lakaaga
dacwoodo ma leedahay? Ehel iyo qaraabo yaa kuu ah? Wax inaga kaa qabta ma heli
karnaa? Yaan kaaga dacwonaa? Waad na dhibtay. Waad na xakaarisay. Kheyrkeen
baad naga reebtay. Qurunkaaga baad nagu afuuftay. Waan kuuu xadreenay oo ku
ajiibany. Keyn bahalo galeen ah baad reerka noogu furtay. Hogo halis badan
baad na dhigtay. Ma tashadayaal baad innaga yeeshay. Waad na qiyameysay.
Qarankeena baad innaga burburisay. Xumaan walba adigaa asal u ah. Shar aanad
barbaarin ma hanno qaado. Dulmi aadan afuufina ma shaqeeyo.

Imisa sanno baad madax inooga taagan tahay? Miyaad innaga daleen? Dalalkaas
caalankaa maad isaga haajirtid? Annaga lee miyaad inaga adag tahay? Xittaa
foor-boynti-feef (4.5) maad inoogu qeybisid? Horta 4.5 ma adigaa hindisay? Dee
haa. Soo dulmigoo idil aabbe uma tihid? Fadlan xittaa tobaneeyo sano fursad
inna sii. Inoo oggoloow in aan dib usoo kabano. Gun aan u jabnay baad nagu
noqotay. Garaad yari miyaad inagu tuhmeysaa garan mayee. Si in aad meel inagu
soo ogaatay beey u muqataa. Maad innaga xishootid oo si uun iskula yaabtid.
Waad aragtaa in aan sina kuugu babac dhigi karine maad na iska keen deysid.
Dhiiggeena baad ka mid tahay oo dhuxeena baad ku tirantee sideen isaga kaa
sarnaa? Ma dhiigga oo idil baan dibadda u qubnaa? Markaa miyaad baxeysaa
toloow? Waaba maraan dhimanay sow maaha? Isirka iyo awoowaha aan kasoo askunay
miyaad la dhalatay? Annaga iyo adiga maxaan isku nahay? Maxaad qof walba
si’uun raad ugu yeelatay? Haddaad inaga mid tahay maad inala heshiisid? Maxaad
kala sareynta ku jeceshahay? Sinnaanta maxaa kugu diray? Maxaan wax badan ku
warsan lahaa, haddaan ku arki karo!

Haddii aan kula kulmo oo aan nasiib u yeehso in aan ku wareysto, kula doodo
waxa kaliya ee aan ka cabsanayo waa in aad igu tidhaah, ” ma qoray baan wataa?
Ma anigaa xoog ku maquuniyey dadkaada? Sow ayaga amarkeyga uma dhaga nuglaan
aniga oo aan sinnaba u qasbin? Waa doqinimada dadkadee doodda iga daa oo
hadalka ha iska qasaarinine igala tag!” Waa waxa kaliya ee aan hubi in aad
ikaga gar heli karto. In aan afka taagtaago oo aan warcelin ku waayo baana ka
baqayaa!

Dhimbilo nareed samada hakaaga soo dhacaan. Dhulka hakula go’o. Dabeeylo iyo
dufaano hakugu habsadaan. Lagu waa oo kol dambe dib lakuuma arko. Qax oo
melaan kheyr laheyn ka dhac. Duruuftu weerar ba’an hakugu soo qaado oo darbi-
jiif noqo. Duli baad tahaye na dhaaf. Na dhaaf oo naga tag! Nabad-diid naruuro
mahelee naga tag! QABYAALADEEY NA DHAAF!!

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...