Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Alle-kood mid maaha!

W/Q: Saacid Kaahiye
Aragtiyo 1
16.0k
·

12/10/2020

Alle-kood mid maaha!

Professor-kii ku caan baxay cilmi-nafsiga, Abraham Maslow, ayaa waxa laga
haayaa in uu yidhi, “waxa dhan ee aad haysatidba haddii uu burus (dubbe) uun
yahay, wax kastaa musbaar bay kuula ekaadaan.

Soomalida badankoodu waxa kaliya oo ay haystaan ama ay af garanayaan waa diin,
iyada luuqaddeeda umbeyna qofkaste oo ay is qabtaan oo ay naqdinayaan ama ay
la jiraan oo ay guubaabinayaan kula hadlaan.

Sida sooyaalkaba ku cadna, diimuhu marka ay is durayaan ama ay is naqdinayaan
waxay iska weeraraan buugaagta muqaddaska ah ama ashkhaasta lama taabtaanka ah
ee ay diimuhu buunbuuniyaan.

Marka, ilxaadka soomaalida dhexdeeda markii uu ka soo daahiray, sidii ninka
buruska haysta ay caadadiisu ahayd, musbaar umbaa u muuqday dadkii oo alle-
koodnimadii laftirkeedii bay diin moodeen.

Mooditaan oo qudhaa kuma aysan ekaaninee, waxa ay bilaabeen in ay alle-
koodnimada u weerareen sidii ay diimuhu waligood isku weerari jireen iyaga oo
beegsanaya shaqsi mulxid ah ama qormadiisa.

Laakiin mida ka hoos baxday aya waxa ay tahay, alle-koodnimadu ma’ahan diin oo
qormo shaqis mulxid ah uu qoray khalad laga soo helay ama shaqsi mulxid ah
xumo uu gaystay kuma waxyeeloobi karto.

Alle-koodnimadu waxa kaliya oo ay ka mideysantahay waa diidmada ilaahyada,
intaa wixii ka soo hadhay shaqo iskuma lahan oo qofba falsafad gaar ah buu
adduunka, nolosha iyo akhlaaqiyaadka ka haysan karaa.

Shaqsi in aad ku dhaliisho fikir shaqsi kale maadaama ay diidmo ilaah
wadaagaan wax mandiqiyan caqli gala ma’ahan, waayo qofna qof kale ra’yigiisa
shaqsi masuul kagama noqdo diidmo koraa mideysa awgeed.
Tusaale: hadda adiga iyo aniga iyo yarka al-shabaabka ah waxaa na mideysa
diidmada ilaahnimada sanamyada, intaa wixii ka soo hadhay, waxaa macquul ah in
aan ku kala aragti duwannahay wax kaste.

Marka maadaama aan yarkaa is qarxinaya wadaagno diidmada ilaahnimada asnaamta
taa ma waxay ka dhigantahay in aan isku falsafad-nololeed nahay oo wuxuu
khaldo aniga la i waydiinayo? Waa maya!

Sidoo kale, haddii aad aragto shaqsi wax kula khaldan dhahaya ama sameynaya,
shaqsigaa iyo anigana aan wadaagno diidmada ilaahay taas micneheeda ma’ahan in
aad aniga igu naqdin karto odhaahdiisa.

Warka oo kooban, alle-koodnimadu diin ashqaas lama taabtaan ahiyo buugaag
muqaddas ah leh ma’ahan oo “hebel baa sidaa yidhi” iyo sheekadaa jilicsan wax
lagula dagaal geli karo ma’ahan.

Marka, alle-koodnimada dhan haddii ay kula qaldantahay, ilaahaaga
jiritaankiisa uun cadeey, haddii aad shaqsi fikradiisa is haysaanna, waxba
allekoodnimada guud ha isku soo xoqxoqinee iyada u hub aruurso!

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...