Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Alle iyo masayrka maxaa kala haysta?!

W/Q: Abshir Garaad Cumar
Awood sare 0
10.7k
·

8/8/2018

Alle iyo masayrka maxaa kala haysta?!

I laaha diimaha Ibraahiimiyadu waxyaabo badan ayuu aadanaha la wadaagaa oo
ay ka mid yihiin xitaa dareenno aanu aadanuhu la wadaagin noolaha kale, meelo
badan oo Quraanka, Baybalka iyo Tooraahba kamida waxaan ku aragnaa Alle oo la
leeyahay maanta waa maalmihiisii oo wuu caraysan yahay.

“…..فقد با بغضب من الله ومأواه جهنم وبئس المصير” , “غضب الله عليهم ولعنهم
وأعدلهم جهنم ….”

Sida oo kale waxaan aragnaa Alle oo farxay, qoslay, mashquulay, masayray,
kibray oo sanka taagaya, markaa ma filaysaa Alle oo fekeraya, xisaabtamaya ama
caajisay? Macquul! Bal Alle iyo dareenka masayrka maxaa kala haysta?

Dareenka masayrku mar waa la ammaanaa, se sida badan lama jecla, ninka aadka u
hinaasiga badan ee subaxdii eeg-eega wax raad xalay guriga soo galay dumarku
ma jecla, ragguna aad bay u neceb yihiin, naagta aadka u masayrka badan ee
ninka shaararkiisa ur-ursata bal inay cadar naageed ama waxyaalo dumar la
xiriira ka soo kamkamayaan, badanaa labadaasi waxay noqdaan kuwo bulshada ka
takooran oo mar walba farta la iskugu fiiqo. Haddaba, masayrka aan u soconnaa
ma aha masayrka nin iyo haweeney ee waa Alle ma masayraa, xaggee buu se
dareenkiisaa masayrku gaarsiisan yahay?

Sharciyad walba oo uu Ilaahay cirka ka soo dejiyey waxay ku yuururtaa labo
eray oo kooban oo ah “War i caabudaay”. Tan iyo intii dunida la taagay sida ay
inoo sheegaan diimaha sheegta inay cirka ka soo dheceen wuxuu Alle ku
hadaaqayey “War keligay ha la i caabudo, war anigaa cibaadada xaq u leh”. Alle
beelo negi oo nabad ku daaqaya ayuu cagta mariyey oo danbas ka dhigay, qaar uu
dhagaxyo cirka kaga soo gano oo shiid dabada u qabto, qaar uu bado iyo webiyo
ku faruuro, qaar uu dhegaha kaga qayliyo iyo kuwo uu dabaylo iyo duufaanno ku
sallido. Sababta uu Alle sidaas u yeelayna wuxuu u aaneeyey in aanay
beelahaasi isaga caabudin oo ay Alle dulmiyeen cibaadadii uu isagu mudnaa ay
cid kale la aadeen.

Horta Alle saw isagu aadanaha ma abuuran? Haddana, saw ma aha Alle ceeb ka
nasahan oo dhammaystiran waxbana u baahnayn. Nacam! Haddaba, Alle muxuu uga
baahan yahay cibaadada uu aadanuhu isaga caabudayo? waxba ayay ku jawaabeen,
haddaba muxuu Alle u sheegtay beelahaas oo uu cagta u mariyey maadaama ay
sameeyeen wax aan isaga waxba u dhimayn, oo wax yeelayn? Asalkaba, aadanuhu ma
dulmin karaa Allihii isaga abuuray? May oo Alle aadanuhu waxba ma yeelo karo,
haddana saw kan Alle yiri maaha “ إن الشرك ظلم عظيم ” Alle oo wax lala
wadaajiyaa waa dulmi weyn”, Alle waa la dulmiyaa, weligeedna la dulmin jiray,
haddana Alle waa dhammays oo waxba lama yeeli karo bal adigu isku kay
qabadsii?

Aadana iyo abuur kale oo diimuhu keligood ka warramaan balse cilmiga sayniska
ahi xaqiijin jiritaankooda ilaa maanta oo jin la yiraahdo Alle wuxuu u
abuurtay in ay isaga keligii caabudaan “وما خلقت الجن والانس الاليعبدون
“oo uma aannan abuurin Jinka iyo Aadanaha inay i caabudaan moojaanee”, Alle
waa mid kibir iyo qabweyni badan oo baahi u qaba in mar walba loo foorarsado
oo wejiga dhulka loo dhigo, haddana Alle wuxuu leeyahay waxba idinkaga ma
baahni!

Allow doc iskugu bayr oo haddii aad cibaado u baahan tahay waannu ku
caabudi, haddii aysan cibaadadu waxba kuu tarahayn, cibaado la’aantuna waxba
ku yeelahayn, hadde Allow maxaad naga kadeedaysaa?
Ummadaha Alle halaagayna
haddii ay samaynayeen wax aanan isaga waxba u dhimayn muxuu u sheegtay. Adiga
haddii ay ciyaal yaryari gurigaaga hortiisa kubbad ku ciyaaraan oo qayladoodu
ay ku dhibayso waad baxaysaa oo waad iska erinaysaa carruurta, haddii se aanay
waxba ku yeelayn kubbaddoodu hadde waad iska deynaysaa carruurtu ha iska
baashaalaane, Allena waa sidaas oo kale oo haddii shirkigu wax yeelayo wuu
halaagayaa, haddii aanu waxba u dhimayna wuu iska deynayaa dadkuna dhoobadooda
ayay iska qasanayaan.

Adigu ma taqaannaa dareenka hinaasiga? haddii canug yar oo aan qaangaarin oo
aad adeer u tahay gurigaaga joogo oo xaaskaagu dhabta ku hayso, waxaad u
arkaysaa hooyo wanaagsan oo barbaarinaysa ubadkaaga, haddii se aad aragto nin
weyn oo aadan aqoon oo deriskaaga ah iyada oo la faro-kaciyaaraysa oo ay u
dhaqmayaan si xasaasi ah, waxaa ku galayada dareen. Saw ma aha?
Allena haddii uu og yahay in waxan isaga sokadii la caabudo ay yihiin looxyo
aanan waxba tarayn muxuu uga hinaasinayaa oo u leeyahay waxaas ka dheeraada,
illeen waa sida inankaas yar oo aanan waxba yeeli karin reerkaagee. Haddii se
uu Alle yahay nin hinaasi badan wuxuu la mid yahay adiga oo ka hinaasiya
sawirka qoraa ay xaaskaagu akhrisato buugtiisa oo ay xiisayso qoraalkiisa,
dabadeedna inta ay u bogtay ay sawirkiisa soo iibsatay oo derbiga ku dhejisay.
Innaga oo dhami waynu samaynaa in aynu derbiyadeenna ku dhejinno qoraa aynu
xiisayno, jilaa filim oo aynu aflaamtiisa la dhacnay ama siyaasi aynu
hanaankiisa maamul madaxa u ruxnay, markaa waad aragtaa in wuxu uu yahay sawir
aanan waxba tari karin, waxba yeeli karin ee kama hinaasin kartid saw maaha?
Haddaba Alle muxuu uga masayraa looxyaha iyo farshaxanka ay qolyahani
caabudaan ee aan waxba Alle yeeli karin, waxbana u dhimi karin.

Sharciyadaha diinuhu waxay farageliyaan wax walba oo ruuxa noloshiisa ku
saabsan, oo ay ku jiraan waxyaalo aad u liita; sida lugta aad suuliga ku
gelaysid, marka aad xaaskaaga isu galmoonaysaan erayada aad akhrinaysid, iyo
sida ay gabadhu dhiigga caadada uga mayran lahayd. Haddana, ma aan aragno
diimuhu iyaga oo ka hadlaya waxyaabaha waxaas ka waaweyn oo aanay ummaddu ka
maarmin, sida fariisinta miisaaniyadda dhaqaale ee waddanka, hannaanka
waxbarasho, booliska, sharciyadaha bulshada, caafimaadka iyo wixii la mid ah.
May ma aragno, waxyaabahaas waaweyn oo dhan dadku iyaga ayaa dejista, Allaha
weynina wuxuu u dejiyaa sidii uu ninku kaadida iskaga nadiifin lahaa ama sida
uu u nadiifin lahaa ilkihiisa.

Allow ceeb ka nasahanide maxaa meel daran ku dhigay! Allow hinaasiga iska daa,
oo waxyaalahaas yar-yar ka kor, oo noqo nin dunidaa uu abuurtay maamula oo
waxyaalaha yaryar ee aan waxba ku yeelayn ee laga yaq-yaqsoodo iska daa oo ku
mashquul arrimaha waaweyn ee maamulka dunida.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...