Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Alle-diidka soomaalida ee la kulma hanjabaadaha dilka ah

W/Q: Maygaag Guuleed
Aragtiyo 2
14.7k
·

9/9/2020

Alle-diidka soomaalida ee la kulma hanjabaadaha dilka ah

Soomaalida Alle-diika ah ee ku nool qurbaha ayaa sameeyey group Facebook ah
si ay u naqdiyaan diinta bulshadoodu aaminsan tahay ee islaamka, laakiin waxay
inta badan la kulmaan hanjabaado dil, ayay qortay wariye Layla Mahmood.

“Waan ku dili doonnaa. Waan ogaan doonnaa halka aad ku sugan tahay. Madaxa
ayaana kaa jari doonnaa” ayaa ka mid ahaa hanjabaadihii Ayaanle, oo ah Alle-
diid Soomaaliyeed oo ku nool Canada, loo soo diray.

“laakiin taasi waa wax iska caadi ah,” aasaasaha group-ka ‘True Somali Freedom
Page (TSFP)’ ayaa si kaftan ah u yiri isaga oo ka hadlaya hanjabaadaha dilka
ee buux dhaafiyay sanduuqiisa farriimaha.

Group-kan caanka ah ee Facebook, oo ay xubno ka yihiin dad kor u dhaafaya
80,000 xubnood, ayaa u badan Alle-diid, ama “Muslimiin hore”, sida ay jecel
yihiin in loogu yeero.

Bilowgii waxa loo abuuray group-kan si uu u noqdo madal nabdoon oo soomaalida
diinta ka baxday uga doodaan arrimaha diinta balse immika wuu ka sal-
ballaartay sidii hore oo waxa uu qayb wayn ka yahay dhiirri gelinta dhammaan
noocyada xorriyadaha dadka soomaalidu ka arradan yihiin, waxa uu hoy u yahay
cid walba oo dareemaysa inay dhaqankii ka jan-jeedhsadeen ama ku xadgubeen oo
rajada inay bulshadu aqbashaana libidhay.

Man looking at a computer
screen

LAGA TUURAY GROUP-YO SOOMAALIYEED

Qiyaastii sannadkii 2016, Ayaanle wuxuu ka dul dhacay group Facebook uu
filayay inuu yahay gole lagu doodo oo xorriyad hadal ka jirto.

“Waxaan galay dood ku saabsan diinta, qof walbana xanaaq dartii ayuu ku sigtay
inuu qarxo. Way i faquuqeen. Waxay i dareensiiyeen sidii inaan qof dilay. ”

Waxaa si dhakhso leh looga saaray group-ka, waana arrin ku dhacda qof walba oo
golayaashan ku soo bandhiga aragtiyo liddi ku ah dhaqanka ama diinta
soomaalida.

GOOB AY XORRIYADI JIRTO

Ayaanle ayaa markaa dareemay in wadada kaliya ee u bannaani tahay in la abuuro
madal cusub, oo leh xeerar cusub.

Waxaan doonayay in TSFP uu noqdo meel ay dadku xor u ahaan karaan in ay
yiraahdaan wax kasta oo ay jecel yihiin.

Arrimaha ku dhaliyay Ayaanle inuu qolkan sameeyo waxa kamida ahaa ogaalkiisa
in doodaha la xiriira diimaha ay bulshada soomaalida dhexdeeda adkaadeen
dagaalkii sokeeye kadib oo waddanku tobanaankii sano ee danbaba cagaha kula
jiray.

“Islaamka lama taaban karo. Ma dhalleeceyn kartid , waxbana lagama sheegi
karo’.

“Waqtigaan la joogose waxa muuqda is bedel dhinaca dhalinyarada, waxay u
muuqdaan kuwa u dulqaadan kara ilaa heer doodaha diimaha iyo dhaliishoodaba”.

“Laakiin qaar badan oo kamida dadka ku soo koray Soomaaliya balse wadamada
reer galbeedka u soo qaxay dagaalada sokeeye kadib, waxay aaminsan yihiin
fikradda ah in qofkii diinta dhalleeceeya la dili karo, waxayna ula muuqataa
arrin saxan”.

Sidaa darteed hanjabaadaha dilka ah ayaa u bilaabmay.

Waxa uu yiri “Tani waa mid kamida arrimaha aan doodda ka qabay ee igu kallifay
inaan qolkan sameeyo bilowgiiba, waxaan doonayaa inaan muujiyo in islaamku
uuna ahayn lama taabtaan gaashaaman, balse ay bannaan tahay dhalleecayntiisa
waliba si muuqata oo bannaanka ah.

Man walking out of
prison

Soomaaliya iyo gobolka gooni isu taagay ee Somaliland, taabashada muqadasaadku
waa mid lagu mudan karo xabsi, balse xubnaha boggan TSFP ma ogolaan inay taasi
hor istaagto.

Waxa kooxdani garab istaagtay oo lacag u uruurisay akaademiga Maxamuud Jaamac
Axmed Xamdi. Waxa uu ahaa macalin jaamacadeed oo loo xiray qoraal uu barta
facebook ku baahiyay, kaas oo shaki galinayay waxtarka ducada ama baryada
ilaahay xilli abaareedkii waddanku soo maray sanaddii 2019.

Waxa uu xirnaa muddo 10 bilood ah, ugu danbayna waxa lagu sii daayay cafis
madaxwayne balse wali waxa uu ku nool yahay cabsi maadaama mid kamida culimada
waawayn ee deegaankiisu ku baaqay dilkiisa.

Arrintani waxay muujinaysaa kakanaanta sida ay awooddu uga shaqeyso Soomaaliya
iyo Somaliland, iyada oo khadka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha diimeed iyo
dawladda uusan muuqan.

CABSIDA IN NALA AQOONSADO

Waxa xusid mudan in soomalidu aysan madashan u isticmaalin inay kaga doodaan
aragtiyahooda diimeed oo qudha balse mararka qaar waa waddo suuragelisa
noloshooda iyo badbaadadooda.

Waxa adeegsada group-kan kooxaha la beegsado ee naftoodu halista ku jirto sida
masiixiyiinta, mulxidiinta iyo bahda LGBT.

Dadkani waxay ku jiraan cabsi joogta ah oo ay ka qabaan in warkoodu bannaanka
yimaado taasina horseeddo xadgubyo ka yimaadda bulshada iyo xabsiba.

Waddooyinka uu boggan TSFP u caawiyo dadkan waxa kamida ololayaal taburacaad
uruurin ah si loogu iibiyo tikidho duulimaad oo ay uga baxsadaan Soomaaliya,
sidoo kalana damaanad qaadaan kharashaadka noloshooda inta ay saldhiganayaan.

A woman being man-
handled

Tusaale ahaan cabsidani waxay dhabawday markii gabar masiixiyad soomaali ah oo
degan Kenya ay adeegsatay magaceeda dhabta ah xilli ay qoraal soo dhigtay
groupkan facebook.

Si fudud ayaa loo aqoonsaday gabadhaas, durbana waxa ku furmay mawjado
xadgudubyo ka imanaya dad caraysan. waxa baraha bulshada qabsaday muuqaal ay
ka muuqato gabadhan oo taksi gudihiisa looga jiidayo qaab arxan darro ah.
Qolyahaas soo weeraray waxay ku hanjabeen inay bulsha waynta Soomaalida
gaarsiin doonaan aflagaadada ay kula kacday nabi Maxamed qoraalkeeda TSFP.

Groupkan TSFP ayaa bilaabay tallaabooyin loogu rarayo gabadhan waddan kale,
immikana waxay ku sugan tahay goob nabdoon iyadoo ku dhex jirta bulsho
masiixiyiin ah oo waddankaas joogta.

BAARITAAN XEELDHEER

Laakiin dadka gargaarka waydiista group-kani kuma koobna diinlaawayaasha iyo
bahda LGBT.

Tusaale ahaan nin Soomaaliya oo dalka Suudaan ku nool ayaa la soo xiriiray
boggan kadib markii ay wadada dhexdeeda ugu gacan qaadeen niman loo badinayo
inay ka tirsanaayeen kooxda aaminsan fikirka qallafsan ee wahaabiga.

Nimankan ayaa ka warhelay kadib markii uu qoraalo uu ku naqdinayo qayb kamida
axaadiista ku baahiyay group-kan TSFP. Group-kuna waxa uu bilaabay sidii uu
ninkaas uga samatabixn lahaa xaladdaas adag ee uu ku sugan yahay loona rari
lahaa waddan nabada.

Tirada dadka codsanaya caawimaadda oo badan awgeed maamulka group-kan waxay
sameeyaan baaritaano xeeldheer oo lagu hubinayo xaqiiqada sheegashooyinka
dadka la soo xiriira

A woman
smiling

Waxay leedahay Kaaha Dhiin oo ah gabadh u doodda xuquuqda dumarka fadhigeeduna
yahay dalka Norway kana tirsan hormuudka boggan, “Waxaan saameynaa baaritaano
mug ballaaran”.

“Waxaan weydiinnaa magaca qabiilkooda iyo qoysaskooda. Markaas waxaan
fiirinnaa sawirka Facebook u saaran oo aan la hadalnaa xubnaha ku jira
groupkan si aan u helno in cid iyaga taqaan ay jirto oo xaqiijin karta
warkooda.. Haddii ay diidaan inay macluumaadka nala wadagaan waxa noo
caddaata inaysan ka run sheegayn sheegashadooda”

Kaaha inkasta oo ay la shaqayso boggan sidoo kale waxay leedahay madasheeda
gaarka ah, boggeeda Facebook iyo Youtube ayaa kamida goobaha ay ku baahiso
farriimaheeda wacyigelineed iyo doodaha arrimaha saamaynta ku leh bulshada
soomaalida.

Kaaha waxa ay diiradda saartaa awood siinta haweenka soomaaliyeed, iyaduna
sida Ayaanle gaalnimadeeda ma qarsato, waana sababta ka dhigtay
bartilmaameedka.

Waxay ku hanjabeen inay mindiyo igu dili doonaan waxayna dhaheen ‘Muslimiintu
way ku dilayaan, gacmahooda ayaadna ku dhiman doontaa’.

Laakiin hanjabaadaha ayaa u muuqda inaysan wax ka bedelin go’aankeeda “Kama
baqayo iyaga. Waxay rabaan inay igu aamusiyaan cabsi.” ayay raacisay
hadalkeeda.

XIRITAANKII NORWEY

Cabsi la’aanteeda waxa sii xoojiyay kalsoonida ay ku qabto waddanka ay joogto
oo hanjabaadaha noocanileeyihiin cawaaqib.

Soomaaliya, dilalka iyo weeraradu laguma sameeyo baaritaano balse Norway way
ka duwan tahay oo Kaaha marar badan ayay booliiska wacday.

“Laba ka mid ah ragga ii hanjabay waxay isticmaaleen magacyadooda dhabta ah
taasoo booliiska u suuragalisay inay gacanta ku dhigaan” ayay tidhi.

Ayaanle arrintan wuu ku raacsan yahay, laakiin wuu ogyahay inaysan cid waliba
sidooda u nasiib badanayn.

“Soomaalida ku jira boggan badankoodu ma muujiyaan wajiyadooda – gaar ahaan
mulxidiinta – maxaa yeelay waxay u baqayaan naftooda” ayuu yidhi.

Ka fogaanshaha Kaaha iyo Ayaanle ee diintu kama dhigno inay xooreen
soomaalinimadoodii, inkasta oo labadaasi isku maran yihiin oo xiriir waynu ka
dhexeeyo.

“Xaqiiqdii waxaan dareensanahay in soomaalinimadaydu ka xooggan tahay sidii
hore, waxaadba moodaa inaan soo ceshtay aqoonsigaygii dhabta ahaa” ayay tiri
Kaaha.

Laakiin Ayaanle ayaa ku nuux-nuuxsaday in ujeedka group-kani ahayn in loo
beddelo muslimiinta soomaalida ah diin laawayaal, ama fikiro kale, laakiin
wuxuu ku kooban yahay madal u taagan xorriyadda hadalka iyo afkaarta. Waxa uu
aaminsan yahay in Soomaalidu baahi badan u qabaan madal tan lamida waliba si
ka wayn xilliyadii hore.

“Waa tallaabooyin yar-yar, laakiin quluubta dad badan ayaan ku guulaysanay.
Waxaan dhabtii rumaysnahay in cid waliba u madax bannaanaato rumaynta iyo
noqoshada waxay doonayaan” ayuu ku gaba-gabeeyey Ayaanle.

Maqaalkan waxa lagu daabacay[ _BBC_](https://www.bbc.com/news/world-
africa-52620433) laanta afka Ingiriisiga 02 June. Waxa tarjumay bahda Kaasho
Maanka.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...