Alle: Dadka kalena wax ka baro

D ad badan baa aaminsan in Alle iyo insaanku aysan marnaba kala soocmi
karin, ayaga oo ku doodaya in wax walba oo jira ay qeyb ka yihiin Alle. Anaga
insaanka ah, ayay leeyihiin, waxa aan qeyb ka nahay Alle, sidoo kale kownka oo
idil waa qeyb ka mid ah Alle. Waxa ay meesha ka saaran sida ay dad badani wax
u arkaan ee ku dhisan is-huwanta ah ‘Abuure iyo La-abuure’. Diinta Hinduuga
ayaa, sidoo kale, kownka oo idil oo aynu qeyb ka nahay ugu yeera Alle (Rigveda
10.9.2).
Qolyahani waxa ay ka simanyihiin in ay meesha ka saareen in xad u dhaxeeyo
Alle iyo inta kasoo hartay. Waqti aanan sidaa usii fogayn baan soo qoray
su’aal u dhignayd, ‘Allaah iyo abuurkiisa halkee ayaa xuduud u kala ah?’ Waxaa
suuragal ahayd in dad badani aysan si qoto dheer u eegin su’aasha amaba ay la
yaabeen, balse xaqiiqda ayaa ah in haddii la isku dayo in lakala sooco Alle
iyo inta kale ay dhacayso in lasii kala sooco waxa Alle ah. Tusaale, Alle
haddii uu gacan leeyahay iyo maskax (inkastoo gacanta iyo maskaxdu aysan ahayn
teena oo kale), gacanta ma Alle bay noqonaysaa mise abuur ayay noqonaysaa oo
maskaxda ayaa noqonaysa sadhigga ‘Allenimada’.
Arrinta kale ee ay qolyahani daaqadda ka saareen ayaa ah in uu Alle tiro
yeesho, oo la yiraahdo hal Alle ama labo Alle. Alle marka loo yeelo tiro gooni
waa uu ka cukanyahay marka uu tirobeel yahay. Maxaad ugu baahantahay in aad
tiraahdo hal Alle ayaa jira, maxaadna ula jeedaa marka aad leedahay, ‘hal Alle
ayaa jira’? Adeegsiga tirada waxaa dhaliya sabab, sababaha dhaliyana waxaa ka
mid ah in waxa la tireeyay ay leeyihiin saldhig iyo bar bilaw ama in ay
jiraan/jiri jireen waxa la tireeyay wax la mid ah.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida