Akhlaaqda iyo diin la'aanta

Q olyaha diimaha rumaysan si guud gaar ahaan kuwa Ibraahimiyada waxay
aaminsan yihiin in diintu ay saldhig u tahay akhlaaqda, si kale haddii aan u
dhigo waxay aaminsan yihiin in wixii ay diintoodu xumaan ku tilmaantaa ay xun
yihiin wixii ay wanaajisaana ay wanaagsan yihiin, xumaanta iyo wanaagguba
agtooda waa wax ay kitaabo la qoray qarniyo hore kasoo dheegtaan balse maaha
mid ay garaadkooda ku kala sooci karaan.
Qofka Muslimka ahi wuxuu meesha ka saaraa oo inkiraa adeegsiga caqliga,
wuxuuna aaminsan yahay naska ama aayadda Quraanka ahi inay ka mudan tahay
caqliga (النص قبل العقل), aayadda haddii caqligu diido iyo hadduu yeelaba mar
walba waxay qaataan oo hormariyaan aayadda. Muslimiintu waxay aaminsanyihiin
in akhlaaqdu tahay wax Illaahay soo dejiyey, waxayna diyaar u yihiin inay
sameeyaan waxkasta oo xumaan ah haddii kitaabkoodu sax ama wanaag u arko.
Culimada Islaamka badankoodu qofka muslimka ah ee caqliga adeegsada ama kahor
mariya dhigaalada Islaamka waxay ugu yeedhaan Caqlaani waana gaalaysiiyaan,
qofka jaahilka ah ee indho la’aanta ku liqa wax walba oo loo sheegana waxay
ugu yeedhaan mu’min.
Qofka Muslimka ahi wuxuu ku cel-celiyaa hal waydiin mar walba uu la doodayo
dadka diimaha ka talo baxay taasoo ah; maxaa diideya inaad waalidkaa fuusho
ama ehelkaaga haddii aadan diin haysan? Qofkaasi wuxuu is hilmaansiinaya in
diintiisu sida ay qabto dadku kasoo jeedaan Aadan iyo Xaawo caruurtoodii is-
guursatey, ilma nebi Aadan iyagoo walaalo wada dhashay ah ayay isu galmoodeen,
tolow taasi miyaanay agtiisa ka ahayn xumaan ama akhlaaq darro?
Kala garashada xumaanta iyo wanaaggu waa dareen ku abuuran dadka oo dhan,
aklaaqahaasna qaybo kamida nolosha iyo waqtiga ayaa baray dadka, ma jirto diin
iyadu keentay akhlaaq gaara balse dhaqamo ay u arkayeen inay wanaagsan yihiin
oo deegaankooda ka jiray ayay dhiirri galiyeen, mana jiro halbeeg wanaagga iyo
xumaanta u dejisan oo ay diimaha oo dhami isku raacsan yihiin, waxa suuragal
ah shay akhlaaq xumo ka ah Islaamka inuu dhaqan wanaagsan ka yahay Kiristanka
ama diin kale.
Qofka aan weligii akhrisan kutubta diimahan la qoray xilliyo ay aqoonyarida
iyo xadgudubka xuquuqda insaanku baahsanaayeen kama dhigna inuu yahay bahal
dad cun ah oo ka arradan akhlaaqda wanaagsan.
Nabi Maxamed waxa uu guursaday gabadh yar oo lix jir ah, dumar kale inta uu
raggoodii hortooda ku diley ayuu isla goobtii iyagana kula seexday halka kuwo
kalena ka barakiciyay hoygooda amaba addoonsaday, waxaasoo dhammi si ay wanaag
agtaada uga noqdaan waa inaad adeegsiga caqliga ka tanaasushaa oo aad ku
bedeshaa aayad ama xadiis dhaqan xumadaas wanaag ku tilmaamaya.
Waxa xun iyo waxa wanaagsan uma baahnid in cidi kuu kala sheegto, kala
garashada xumaanta iyo wanaaggu waa dareen kugu beeran, haddii aad u
baahantahay kitaab kuu kala sheegaya xumaanta iyo wanaagga oo aanad lahayn
garashadii ama dareenkii aad ku kala saari lahayd waad jirran tahay oo waxa
habboon in dadka lagaa qabto maadaama haddii aad ka tagto diintaada aad bahal
isu bedelayso.
Haddii aynu dhahno wanaagga iyo xumaanta waxaa laga soo dheegtaa kutubahan loo
tiiriyay ilaah, saw ma mudna inaan is waydiino diimuhu ma noqon karaan
saldhigga akhlaaqda? Wixii aan diinta ku jirin ama aanay kaa reebin saw
micneheedu maaha waa bannaan yahay?
DADKA DIIMAHA RUMAYSAN SI GUUD WAXAY ISKU XIDHAAN XUMAANTA IYO DIIN LA’AANTA
IYAGOO LEH QOFKU HADDAANU DIIN LAHAYN MAXAA DIIDEY INUU SIDUU RABO SAMEEYO?
QOFKA MUSLIMKA AHI WAA QOF KA CABSANAYA AWOOD SARE OO AAN JIRITAANKEEDA LA
HUBIN, AWOODDAASI HADDEY MEESHA KA BAXDO QOFKAASI WUXUU DOONO AYUU
SAMAYNAYAA. WANAAGGA IYO XUMAANTA QOFKA MUSLIMKA AH AMA SI GUUD DADKA
DIIMAHA RUMAYSAN KA TIMAADA WAXAA ASAL U AH CABSI.
Akhlaaqda qofka laguma qiimayn karo lebiskiisa, midabkiisa iyo diintiisa.
Inaad xijaab teendho madaw oo kale ah ku dhex jirto micneheedu maaha inaad
akhlaaq leedahay. Wadaadka gadhka wayn ee ubadka dhallaanka ah dugsiyada
quraanka ku jidh dila ama wadaadka kaniisadda ee caruurta kufsada maxay
diintiisu uga reebi waydey? Muxuu qof wanaagsan oo naxariis leh u noqon
waayey?
Diintu waa xeerar ay samaysteen dadyow inaga dhaqan iyo fikir duwanaa kuwaaso
noola qarniyaal badan kahor, dadkaasi waxay ku noolaayeen tuulooyin yar-yar oo
qofka wax xada, galmo sameeya ama kaadi taga la ogyahay oo la arko. Xeerkii
waagaa loo sameeyey in lagu dhaqo tuulooyin sida Madiina iyo Makka oo kale ah
laguma dhiqi karo Muqdisho iyo New York oo aan dad ahaan iyo baaxad ahaanba is
aqoon.
Qofka diintu kama dhigto qof wanaagsan oo akhlaaq leh balse waxay ka dhigtaa
qof xun oo isu haysta inuu wanaagsan yahay. Qofka muslimka ah inuu haweeney
addoonsado qasabna ugu galmoodo wuxuu u haystaa inay wanaag tahay danteeduna
ku jirto.
Qofka muslimka ahi wuxuu wax walba ka horreysiiya aayadda ama xadiiska. Xumaan
hadduu ka joogo waxay ka tahay fulaynimo ama cabsi uu ka baqayo awood loo
sheegay inay xagga sare kursi dhigatay, wanaagga haduu sameeyo uma samaynayo
damiir dadnimo ee abaal-marin ayuu ku raadineyaa noloshiisa oo dhan waxay ku
dhisan tahay wax is dhaafsi. Haddii diintu akhlaaqda masdar ama il u tahay
maxaa keenay in wadamada diimaha aadka ugu dhagani ku liitaan dhinaca xuquuqul
insaanka iyo xorriyaadka? yaase ka masuul ah akhlaaq xumooyinka baahsan ee ka
jira dhulkaas?
Diin la’aantu maaha in wax walba oo xumaan ahi bannaan yihiin balse waa ku
dhiirashada adeegsiga garashada. Qofka diinlaawaha ahi uma baahana inuu
wanaagga muxaadiro ka dhegeysto ama kitaab waaya hore la qoray ka akhristo.
waa qof aaminsan in wanaaga iyo dadnimadu ku beeraan yihiin waana qof aan
cabsi darteed xumaanta uga joogin balse isagu go’aansaday inaanu xumaan samayn
isagoo aan cidna ka baqayn, wanaagga uu sameeyana aan abaal-marin ku raadineyn
balse aaminsan inuu yahay waajib dadnimo oo saaran.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida