Akhlaaqda halkee u sal ah?

A khlaaq, anshax ama damiir (Morals) waxaa si fudud loogu qeexaa in ay
tahay kala garashada saxa iyo khaladka, samaha iyo xumaha, in la kala sooco
waxa ay tahay in la sameeyo iyo waxa ay tahay in laga fogaado,…iwm.
Akhlaaqdu waa arrin lamahuraan u ah jiritaanka bulshada. Suurogalna ma ah in
bulsho jirto haddii aysan lahayn xeerar nidaamiya xiriirka xubnaha bulshada
midba inta kale la wadaago, oo u noqda halbeeg ay ku qiimayso habdhaqanka
xubnaha bulshada, laguna ogaado waxa ruuxu hagaajiyey iyo waxa uu halleeyey.
Akhlaaqduna dhankaas waxay kala mid tahay ciyaaraha la dheelo si loo kala
garto in ciyaartooydu gafey iyo in kale, waa in marka hore ciyaartu xeerar
leedahay. Haddii ciyaartu aysan xeerar lahayn, waxaa adkaanaya in la kala
garto waxa ciyaartooydu uu saxay si looga abaalmariyo ama waxa uu khalday si
loogu ganaaxo.
Dhallinyaronimadii –sida dad badan oo kale- waxaan xiriir toos ah dhex dhigi
jirey diinta iyo damiirka ama anshaxa, waxayna ila ahayd in dadka lagu sheego
in ay diimaha ku dheggen yihiin ay had iyo goor ka damiir wanaagsan yihiin
kuwa aan diimaha ku dhagganayn, iyo in sidoo kale guud ahaan muslimiintu ka
damiir fiican yihiin dadka aan diinta Islaamka haysan.
Hase ahaatee, maanta waxaan ku qanacsanahay in anshaxu uusan ku xirnayn diinta
iyo midabka maqaarka ruuxa toona, balse uu ku xiran yahay qalbiga qofka iyo
tarbiyada lagu koriyo ama uu helo. Damiirkana dadka oo dhami – madow iyo
caddaan, reer Bari iyo reer Galbeed, kuwo diin haysta iyo kuwo aan haysan,
Muslimiin iyo qeyrkood- ay wadaagaan, oo aysan jirin qolo si gaar ah loogu
tilmaami karo damiir wanaag ama damiir xumo. Tusaale ahaan waa adag tahay in
lagu doodo in dadka diimaha haystaa ay ka damiir fiican yihiin ama ka damiir
xun yihiin kuwa aan diimaha haysan, sidoo kale laguma doodi karo in
muslimiintu ka damiir wanaagsan yihiin ama ka damiir xun yihiin dadyowga
diimaha kale haysta. Waxa qura ee lagu doodi karaa waa jiritaanka ruux mid
kale ka akhlaaq iyo damiir wanaagsan.
Ruuxu markuu eego akhlaaqdii ummadihii hore ee dunida, sida Masaaridii,
Baabilidii, shiinihii, Hindidii, Giriiiggii, Roomankii, Carabtii , … , wuxuu
ogaanayaa sida akhlaaqda ummadahaasi ay isugu dhaweyd, isla markaana ugu
dhowdahay akhlaaqda dunida casriga ah ee aan ku noolnahay. Ummadahaasi dhanka
aqoonta aad bay ugu kala duwanaayeen, balse dhanka akhlaaqda farqi la sheegaa
uma dhaxayn.
Shaki kuma jiro in akhlaaqdu qayb weyn ka tahay diimaha oo dhan, ayna
adagtahay in diini jirto haddii laga saaro qodobbada akhlaaqda ku saabsan
sida; runsheegga, ammaanada, cafiska, naxariista, turidda, dulqaadka,
daacadnimada, xaqdhawrka, xishoodka, wax-quurka, nafhuridda iyo qaar kale.
Taana waxaa ugu wacan in shaqada ugu weyn ee diimuhu ay tahay in la helo qof
wanaagsan. Halbeegga ugu mudan ee wanaagga qofka lagu gartaana waa akhlaaqda.
Sidaa awgeedna, nebiga (NNKH) waxaa laga wariyaa inuu yiri: “Muuminiinta
waxaa ugu iimaan badan kan ugu akhlaaq wanaagsan/ إن أكمل الؤمنين إيمانا
أحسنهم خلقا “. Culumada Islaamka qaarkoodna waxay yiraahdeen: “Diinta oo
dhammi waa akhlaaq, ruuxii kaa akhlaaq bataana waa kaa diin bataa/ الدين كله
خلق: فمن فاقك في الخلق فاقك في الدين ”.
Waxaana xusid mudan, in waayihii hore meelo badan oo dunida ka mid ah aan
maxkamaduhu jeclaan jirin in uu hortooda markhaati ka furo qof aan diin
rumaysnayn. Waayo waxaa si weyn loogu qanacsanaa in dadka aan diinta ku
dheggenayn aysan haysan sabab ku bixinaysa in ay run sheegaan (Iyaga iyo ku
Allahoode, waxay ku doodeen in fursadda ruux aan diin haysani uu ku hanan karo
in loo doorto Aqalka Cad ay ka yar tahay tan Muslimka, Yahuuddiga iyo dadka u
galmooda kuwa la midka ahi ay ku gaari karaan kursigaas).
Taasoo jirta, haddana su’aasha sida weyn looga doodaa waxay tahay: akhlaaqda
iyo damiir wanaaga halkee baa asal u ah oo ay ka soo jeedaan? Ma diimaha ayaa
asal u ah mise dadka ayaa asal u ah? Haddii si kale loo yiraahdo: akhlaaqda
Alle iyo aadanaha kee baa lagu raalli geliyaa?
Weydiintaani waa mid fac weyn oo kumanyaal amaba malaayiin sano aadanuhu is
weydiinayey. Iyada oo ay sidaa tahayna, cidi weli kuma guuleysan in ay ka
bixiso jawaab isku si loogu qanco, oo dad badan baa waxay aamminsan yihiin in
diimuhu dadka baraan akhlaaqda, isla markaana ay yihiin gaashaanka lagu
ilaaliyo anshaxa bulshada. Maxaa yeelay, qofka waxaa khayaanadiisu yaraataa
marka uu ogyahay in loo jeedo, dadka diimaha haystaana waxay rumaysan yihiin
in abuuruhu mar walba isha ku hayo, taasina ay keenayso in khayaanadoodu
yaraato, anshaxooduna kordho. Voltaire waxaa laga wariyaa in uu yiri:
Waxaan doonayaa in abuukaatahayga, harqaanlahayga (dawaarlahayga),
adeegayaashayda, iyo xataa afadaydu ay Alle rumeeyaan, maxaa yeelay taa
macnaheedu waxa weeye in ay yaraanayso fursadaha la iigu geysanayo khayaano,
dhac iyo in sharaftayda la dhaamo. Voltaire
Iyada oo kooban, qoladaani waxay ku dooddaa in si akhlaaq loo helo marka hore
abuure loo baahan yahay (We need God to be good), haddii taa la waayana dunida
fasaad, been, khayaano, xasad, xaqiraad, xatooyo, dhac, dil, kufsi…iwm
cammimayaan. Waana kii mudane Fyodor Dostoevsky buuggiisa “Walaalaha
Karamazov/The Brothers Karamazov” ku lahaa: “ Haddii Alle dhinto, wax kasta
waa la fasaxaa.”Dostoevsky ka horna Voltaire baa wuxuu yiri: “Haddii aan Alle
jirin, waxaa lamahuraan noqonaya in la ikhtiraaco/abuuro”.
Sidaa darteedna, marar badan waxaan aragnaa wadaaddada diimaha kala duwan oo
qolo waliba dhankooda ku andacoonayaan in diintoodu diimaha ugu saxsan tahay,
dadka haystaana ummadaha oo dhan ugu anshax iyo akhlaaq badan yihiin.
Balse si taa ka duwan, dad kale oo aan yarayn ayaa iyaguna waxay qabaan in
diintu aysan shardi u ahayn akhlaaqda. Waxayna la tahay in akhlaaqda si toos
ah loogu ogaan karo waxa loogu yeero “Qaanuunka dabeecadda/Natural law”.
Qoladaan waxay la tahay in akhlaaqdu ka dhalato wadanoolaanshaha bulshada
(qoys, qaraabo, qabiilo, qowmiyad, qaran, quruumo…iwm). Haddii si kale loo
dhigo, akhlaaqda bulshada ayaa asal u ah, oo wada noolaanshaheeda ayay ka
askuntaa, oo waxaa saameeya dadka lala noolyahay iyo degelka lagu negi yahay.
Waayo, si wada noolaanshaha bulshadu uu suurogal u noqdo, waa in marka hore
bulshadu aragti midaysa ka leedahay samaha iyo xumaha, haddii taa la waayana
wada noolaanshaheedu uusan sii jiri karayn ama xataa uusan marka horeba
abuurmayn.
Sida muuqata, fikradda qoladaan waxaa ka dhalanaya in akhlaaqdu isla beddesho
hadba isbeddelka ku dhaca aragtida bulshada, oo waxaa suurogal ah in bulshadu
wax ay shalay same u taqiin ay maanta xume u aqoonsato. Taa lidkeeduna waa
dhici karaa, oo wax shalay khalad loo arkay ayaa maanta sax loo arki karaa.
Tusaale ahaan, saddex boqol oo sano ka hor aadamiga badankiisu addoonsiga wax
dhib ah uma arag, hayeeshee maanta waa adagtahay in la helo cid ku dhiirrata
in ay si cad addoonsi u bannayso. Isbeddelka akhlaaqduna habeen iyo dharaar
gudahood kuma dhaco, balse muddo dheer ayuu qaataa.
Qoladaani waxay ku doodeen in akhlaaqdu ka horraysey diimaha, isla markaana
diimuhu arrimaha akhlaaqda la xiriira ay ka qaateen garashada dadka.
Akhlaaqduna ay ka dhalato ogaanshaha ruuxu ogaado in dadka kale ay yihiin kuwo
isaga/iyada la mid ah. Waxayna ku doodaan in bulshooyinka cawaanta ahi,
inkasta oo ay ka facweyn yihiin bulshooyinka diimaha Samaawiga/Saamiga ah
haysta, haddana aysan labada kooxood si muuqata ugu kala duwanayn dhanka
akhlaaqda, oo ay isku si u canbaareeyaan beenta, dulmiga, khayaanada,
muuddalnimada, anaaninnimada, eexda, naxariis darrada, dilka, dhaca,
xatooyada, kufsiga, xasadka, nacaybka…iwm. Sidoo kale, waxay u wada riyaaqaan
mabaadida sinnaanta, caddaaladda, xorriyadda, iskaashiga, nidaamka,
hawlkarnimada, taageeridda iyo uturidda inta tabarta yar.
Dadku tan iyo goor hore, waa ku kala aragti duwanaayeen tirada ay tahay in
haweenka laga guursado (hal, afar, … iyo boqol), laakiin sidaa oo ay tahay,
haddana marna iskuma qaban in aadan xaq u lahayn in aad la baashaalto gabar
kasta oo bilicdeedu ay indho-daraandar kuu keento.
Tusaale ahaan, Suqraad (469-399C.H.) wuxuu ahaa feylasuuf cawaan ah oo ka
horreeyey imaanshihii diinta Masiixiyadda, taasoo jirta haddana waxaan
arkaynaa aqoonyahanno badan oo reer Yurub ah, oo ay ku jiraan qaar wadaaddo ah
oo Suqraad ku tilmaamaya in dhanka anshaxa uu macallin ugu yahay. Waxayna ku
doodeen in Suqraad iyo nebi Ciise (CS) ay dhinacyada qaarkood isaga ekaayeen.
Dhinacyada ay isaga ekaayeenna waxaa ku jira qaar dhanka anshaxa ah, sida
runta, naxariista iyo dad-jacaylka- xataa marka lagu daro kuwa uu colka ula
yahay. Sidaa darteedna la yaab ma leh in Desiderius Erasmus oo ahaa aqoon-
yahan wadaad ahi uu Suqraad huwiyo barakadii masiixiyadda, uuna yiraahdo
oraahdiisa caanka ah ee “ Weligii Suqraad ahaayow, noo ducee / Saint Socrates,
pray for us.” Waxayna yiraahdeen: “Suqraad waji qurxoon ma lahayn, balse
akhlaaq iyo garaad qurxoon buu lahaa”.
Dhanka kale, Abuu Xayaan al-Towxiidi (922-1023) buuggiisa “Al-Hawaamil Wa al-
Shawaamil/الهوامل والشوامل”, oo ah buug u qoran qaab waydiin iyo warcelin ah
-(Abuu Xayaan wuxuu leeyahay weydiimaha, saaxiibkiis Abuu Cali Ibn Miskaweyh
oo lagu naynaaso “macallinkii saddexaad”, ahna ninka qoray buugga “Tahdiib al-
Akhlaaq”, oo lagu tiriyo buugta ugu caansan ee muslimiintu mawduuca akhlaaqda
ka qoreenna wuxuu leeyahay warcelinta), mas’alada 77, wuxuu Ibn Miskaweyh
weydiinayaa su’aal ku saabsan akhlaaqda, wuxuuna leeyahay:
“Maxay tahay sababta mulxidka diin laawaha ah ku bixinaysa in uu wanaag
sameeyo, oo ammaanada guto, oo samaha joogteeyo, oo kan la dhibay u
naxariisto, oo kan qaylinaya kaalmeeyo, oo kan soo nabad gala ee hortiisa ku
cabanaya uu u gargaaro? Isaga oo aan abaalmarin abdaynayn, noqoshana sugayn,
xisaabna ka baqayn”.
“ما الذي حرَّك الزنديق والدهريّ على الخير، وإيثار الجميل، وأداء الأمانة،
ومواصلة البرِّ، ورحمة المُبتَلَى، ومعونة الصريخ، ومغوثة الملتجىء إليه،
والشَّاكي بين يديه؟ هذا وهو لا يرجو ثوابًا، ولا ينتظر مآبًا، ولا يخاف
حسابًا. “.
Jawaabtii Ibnu Miskaweyh bixiyeyna waxay ahayd in diintu aysan sabab u ahayn
jiritaanka akhlaaqda. Balse waxtarka diintu akhlaaqda u leedahay uu yahay in
ay kaalmayso fidrada (Intrinsic value) iyo garashada ruuxa oo iyagu asal
ahaan samaha iyo xumaha u kala yaqaan. Ibnu Miskaweyh wuxuu hoosta ka
xarriiqay in qofku caqligiisa iyo bani’aadamnimadiisa uu ku garto wanaagga,
kuna sameeyo, kaalinka shareecada ama diintuna ay tahay cunsur baritaara
fidrada, oo baraarujin iyo dhiirrigelin laga helo. Eraydiisiina waxay ahaayeen
sidatan:
” للإنسان- بما هو إنسان- أفعال وهِممٌ وسجايا وشِيمٌ قبل ورود الشرع، وله
بداية في رأيه، وأوائل في عقله لا يحتاج فيها إلى شرع؛ بل إنما تأتيه الشريعة
بتأكيد ما عنده، والتّنبيه عليه، فتُثيرُ ما هو كامِن فيه، وموجود في فطرته، قد
أخذه الله- تعالى- عليه، وسطّره فيه من مبدأ الخلق، فكل من له غريزة من العقل،
ونصيب من الإنسانية ففيه حركة إلى الفضائل، وشوق إلى المحاسن لا لشيء آخر أكثر من
الفضائل والمحاسن التي يقتضيها العقل، وتوجبها الإنسانية، وإن اقترن بذلك في بعض
الأوقات محبة الشكر، وطلب السٌمعة، والتماس امور أخر. ..”
Malaha doodda Miskaweyh waxaa xoojinaya xadiiska nebigu (NNKH) ku yiri: “Waxaa
la ii soo diray si aan akhlaaqda wanaagsan u dhamaystiro”. Waayo? Sida
xadiiska laga dheehan karo, nebigu ma sheegan in uu la yimid akhlaaq cusub oo
ummadda loo soo diray aysan horay u aqoon, balse wuxuu sheegay in loo soo
diray si uu u dhamaystiro ama u xoojiyo akhlaaqda wanaagsan. Taa oo macnaheedu
yahay in Carabtii Jaahiliyaddu ay lahaayeen akhlaaq wanaagsan.
Runtii waa adagtahay, in lagu doodo jiritaanka akhlaaq islaamku gaar ahaan u
la yimid, oo aan horay aadamigu u aqoon. Waxaana la sheegaa in culumada
Islaamka kuwii ugu horreeyey ee wax ka qoray mawduuca akhlaaqdu ay si joogto
ah ugu noqonayeen culumadii ummadaha kale sida Giriigga, oo ay magcaantooda
iyo doodahoodaba xusaan.
Akhlaaqdu ma aha badeeco qolo gaar u leedahay, Allena ma doonin in koox yari
damiir yeelato, sida barbaarta madax-falluuqa qabaa ay isku dayaan in ay naga
dhaadhiciyaan. Waxaana xusid mudan, oraahdii Shiikh Maxamed Cabdoh uu yiri
kaddib markii uu tagay Yurub ee ahayd: “Halkaan waxaan ku arkay Islaam balse
muslimiin kuma arag, waddankaygana waxaan ku arkaa muslimiin balse Islaam kuma
arko!!”
Akhlaaqda oo diin lagu xiraa waxay keenaysaa in akhlaaqda lagu koobo bulshada
diintaas haysata oo keliya, ummadaha kalena laga qadiyo. Weliba dadka diintaas
haysta ayaa iyaguna dhexdooda akhlaaqda sii kala shinsanaya. Tusaale ahaan,
Sunnada iyo Shiicadu inkasta oo ay hal diin ku wada abtirsadaan, haddana marka
loo yimaado arrimaha la xiriira akhlaaqda midkoodna ma oggola in ay tan kale
webiga akhlaaqda koob ka darsato, oo sunnadu ma aqbali karaan shiicaa akhlaaq
leh, sidoo kalena shiicada lama soo marsiin karo sunnaa akhlaaq maqashay.
Dhanka kale, waxaa ayaandarro ah in maanta muslimiinta badankoodu kolka ay
maqlaan erayga akhlaaq ay durbadiiba maankooda ku soo dhacaan arrimaha diintu
reebtay, siiba waxay si gaar ah ugu sii mashquulaan gabdhaha lugahooda
dhexdooda. Taas oo meesha ka saaraysa macnihii ballaarnaa ee akhlaaqdu lahayd
iyo mirihii laga guran lahaa. Arrinkaas oo lagama maarmaanna ka dhigaya in
muslimiintu dib-u-eegid ku sameeyaan macnaha iyo nuxurka eraygu leeyahay.
Si kastaba ha ahaatee, doodaha qodobkaan la xiriira ma aha kuwo lagu kala
garqaato, aalaabana waxay u ekaadaan dooddii ahayd digaagga iyo ukunta keebaa
horreeyey. Taasoo jirta, haddana arrin la rumaysan yahay in uu saamayn weyn ku
leeyahay anshax wanaaggu, waa xeerka loogu yeero “jiheeyaha ama diiradda
damiirka/ moral compass” ee oranaya: “Dadka ula dhaqan sida aad jeceshahay in
laguula dhaqmo.” Eebbana quraanka wuxuu ku yiri: “ Wanaag abaalkiisu soo
wanaag ma aha?/Hal Jasaa’u al-Ixsaani illaa al-Ixsaan”[Ar-Raxmaan 60]. Nebi
Muxamedna (NNKH) waxaa laga wariyey in mar uu saxaabi la oran jirey Waabisa
bin Macbad uu u tilmaamayey sida ruuxu samaha iyo xumaha ku kala garan karo,
uu ku yiri: “Qalbigaaga la tasho … dadku waxay doonaan ha kuu fatwoodeene
(sheegeene)/ Istafti qalbak, … wa’in aftaaka annaasu wa’aftowka…”.
Tusaale ahaan, in runtu wanaagsan tahay, beentuna xun tahay, waa arrin dadka
oo dhan- kuwo diin haysta iyo kuwo aan haysanba- ay qirsan yihiin. Taana waxaa
ugu wacan in manfacada arrinkaas ku jirtaa ay tahay mid dadka garaadka leh oo
dhan u muuqanaysa, waayo ruux walbaa wuxuu jecel yahay in run loo sheego,
wuxuuna neceb yahay in been loo sheego.
Caadi ahaan, ruuxa Rooma ku dhashay lagama fisho in uu Buudi noqdo, kan
Tookiyo ku dhashayna lagama sugo in uu Muslim noqdo, kan Maka ku dhashayna
loogama fadhiyo in uu qaato diimihii hore ee Hindidii Ameerika. Laakiin
dhammaan akhyaartaas waxaa isku si looga fishaa in ay runta u khushuucaan,
beentana ka qamandhacoodaan. Macbadka, masjidka iyo kaniisaddu waa kala duwan
yihiin, laakiin dareenka qalbiga dadku uma kala duwana sida deegaankooda,
diintooda iyo dubkoodu u kala duwan yihiin.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida