Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Afka dhexe iyo aagga dhexe

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Afka Soomaaliga 0
9.2k
·

11/27/2019

Afka dhexe iyo aagga dhexe

B axaalliga ama abuuraha afafka waxaa ka mid ah in luqad kasta oo geyi
isku xiran lagaga hadlo ay afguriyadeeda ugu faseexsanaato lahjadda bartamaha
dhulkaas lagaga hadlo, sababtuna waa ay caddahay oo dadka dhexda joogaa waxa
ay ku xiran yihiin kuwa dhinacyada ka xiga oo dhan, laakiin kuwa darafyada
degaa iyaga uun baa iska warhaya. Soomaalida haddii aynu tusaale u soo
qaadanno gobollada dhexe waxa ay ku xiran yihiin soomaali galbeed, woqooyi,
bari iyo koofur oo mid kasta ay dhinaca ku hayaan, waxa ayna ku hadlaan lahjad
ka faseexsan kuwa kale oo dhan oo laga fahmi og yahay kuwa geesaha xiga.

Markii far soomaalida la qoray waxaa la qabtay doodo ku saabsan lahjadda ku
habboon in qoraallada iyo warbaahinta loo adeegsado, waxaana markiiba soo
baxday in lahjadda gobollada dhexe ay kuwa kale kaga habboon tahay in
buugaagta iyo saxaafadda loo isticmaalo. Faseexnimada keli ah ma aha ee
gobollada dhexe iyo soomaali galbeed waxaa ku yar in erey qalaad lagu daro
soomaaliga sida carabi, ingiriis iyo talyaanni oo waa lahjad ay ereyadeedu ka
kooban yihiin af soomaali barax la’.

Warbaahinta iyo qoraallada keli ah in lahjadda dhexe loo adeegsado ma aha ee
waxaa habboon dadka madaxda noqonaya laftoodu in ay bartaan oo isku
taxallujiyaan afka dhexe, waayo qofka madaxda ah hadalkiisu warbaahinta ayuu
galaa. Kolley qof weyni lahjaddiisa in uu beddelo waa ay adag tahay, laakiin
tabobarku waa uu iska fiican yahay, in af qurux badan lagu hadlaana darajada
qofka ayey kor u qaaddaa.

Markii arrintan sidaas looga hadlo waxaa laga yaabaa in ay dadka qaarkood
moodaan in lahjaddooda la caayey oo mid kale la ammaanay, laakiin ujeeddadu
sidaas ma aha ee waxa aynu u dan leennahay in la helo af soomaali faseex ah oo
si qeexan loo wada fahmo iyo in mustaqbalka ay afguriyadu isu soo dhowaadaan
oo ay mid keli ah noqdaan. Soomaalidu waxyaalo badan oo aan muran gelin bay
dood ka furaan, laakiin arrintan dacwi badani ka ma unkami karo oo waa arrin
dunida oo dhan isku nooc uga jirta, wax dhibaato ahna ma leh in afkeenna sida
ugu fiican loogu hadlo.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...