Af-Soomaaliga

A f soomaaliga waxaa ka muuqata in uu yahay luqad fil weyn oo xilli aad u
dheer jirtey oo geeska Afrika lagaga hadlayey muddo ku siman ilaa gooshkii
Faraacinada, waxaana la caddeeyey in afkii Faraacinadu uu ahaa afka Kushitiga,
waxa ayna boqortooyadii Faraacinadu geyiga afrikada Bari iyo Woqooyi ka
talinaysey 5000 (shan kun) oo sano. Waxaa la malayn karaa in Kushitigu uu
waayadaas hal luqo ahaa, laakiin maanta waa afaf ka la duwan oo ay ugu weyn
yihiin afka Oromo iyo soomaaligu. In kasta oo uu Kushitigu afaf ka la duwan
noqday haddana weli aad buu isugu dhow yahay oo dadkii mid ku hadla midka kale
barashadiisu aad bay ugu fududdahay. Afka Kushitigu bah ahaan waa luqad aad
uga fog afafka u degaanka dhow sida Amxaariga iyo Carabiga, waxaana jira
soomaali diinta darteed u aamminsan in uu soomaaligu carabiga qaraabo la
yahay, laakiin haddii si cilmiyaysan loo hadlo oo qiirada iyo caaddifadda meel
la iska dhigo afka Kushitiga iyo carabigu waa luqado aad u ka la durugsan,
waxaa se jira ereyo badan oo afkeenna carabiga ka soo galay maaddaama aynu
xiriiro dhinacyo badan la lahayn caalamka carabta. In ereyo la ka la amaahdo
luqaduhu qaraabo ku ma noqdaan ee waxa ay xigto ku noqdaan qaab dhismeedka
naxwaha iyo sida ay u wadaagaan ereyada asalka ah oo qaddiimiga ah. Dhismaha
afkeenna iyo dhismaha carabigu aad bay u ka la durugsan yihiin, in aynu isku
diin haysannaana ma keeni karto in ay afafku qaraabo yihiin.
Fil weynanka afkeenna oo cilmiyan looga soo xaqiijiyey luqaddii Faraacinada ka
sokow waxaa ka muuqata in uu yahay mid hodan ah oo ka qoddo fog afaf badan oo
ku faafay caalamka. Ereyo ahaan waxa uu afku leeyahay kalmado badan oo qaab
kasta wax loogu sheegi karo ama loogu cabbiri karo, laakiin waxaa nasiib darro
ah in dadka maanta warbaahinta iyo xogo isdhaafsiga sameeyaa ay ku kooban
yihiin ereyo xaddidan oo dadka magaalooyinka joogaa afka ay ishaafsadaan aad
buu u kooban yahay marka la eego ereyada uu afku ka kooban yahay baaxaddooda.
Waxaa laga yaabaa in qofka soomaaliga ahi markii uu arko afafka muddada dheer
qornaa oo aad looga shaqeeyey kalmado ku jira oo uusan markiiba u helin ereyo
u dhigma oo af soomaali ah uu la soo boodo in uusan afkeennu ka haqab la’ayn
ereyada oo uu sabool yahay, laakiin sidaas xaqiiqadu ma aha.
Arrinta noocaas ah si aynu uga biskoonno waa in la ogaadaa af kastaa in uu
ereyo u leeyahay waxa degaankiisa laga yaqaan oo wixii aan aaggaas ka jirin
uusan kalmado u lahayn, waana sababta keentay in ay afafka caalamku ereyo
meelo ku cusub ka la qaataan. Af kasta oo hodan ah waxaa ka buuxa ereyo afaf
kale ah oo tusaale ahaan afka farsamada cusub waxa ay qolo kastaa qaadatay
ereyadii ay u bixiyeen dadkii farsamadaas hindisey, afka caafimaadkuna waa
sidaas oo kale. Sidaas darteed af hodannimadiis iyo saboolnimadiis lagu ma
eego waxyaalo aan ka jirin geyiga lagaga hadlo ee waxaa hodannimada laga eegaa
waxyaalaha aaggaas ka jira sida uu afkaasi ereyo badan ugu hayo iyo sida uu
wax ugu cabbiri karo. Tusaale ahaan dhulka soomaaliga waxaa laga yaqaan
macnaha ”Nacas” oo dadkaasi waa ay garanayaan ujeeddada uu ereygaasi u taagan
yahay ee bal hoos waxa aad ka eegtaa inta erey oo uu macnahaasi af soomaaliga
ereyadiisa ku leeyahay oo laga yaabo in aan qaar illaawo! waxayna yihiin;
Nacas, Naanaab, Doqon, Dabbaal, Axmaq, Baqdhoos, Sabyaan, Soonge, Sacsac,
Sagagar, Sabsaab, Dhoys, Caaq, Caall, Coobil, Qaballuus, Mohollog, Calaan.
Waxaa la hubaa afafka lagu sheego in ay hodanka yihiin haddii macnahaas
ereyada ay u yaqaanniin laga eego qaamuusyadooda kalmadaha isku macnaha ah
qora in aysan ku qornayn 18 erey, sidaas ayuuna af soomaaligu macnayaasha
geyigiisa ka jira oo dhan ereyo badan ugu leeyahay. Nasiib darradu waxa ay
tahay afka dhawaan baa la qoray oo ma jiraan qaamuusyo waa weyn oo ereyadiisa
badankooda lagu koobay, isla markaas adeegsiga ereyo badan qoraalka iyo
warbaahinta la ma geliyo. Labada meelood oo ay afka hodannimadiisu ku kaydsan
tahay waa maansada oo loo kaydin jirey in afka la isaga tebiyo, xoogaa ka mid
ahna la qoray iyo miyiga oo ay dadku afka isaga hadlaan ee aysan aqoon ay ku
turxaan bixiyaan u hayn.
Maansada inteeda qoran dadka magaalooyinka joogaa ma jecla in ay akhriyaan,
sababtuna waa in aysan garanayn kumanyaalka iyo kumanyaalka erey ee ku jira.
Waxaa caadi ah qofku wixii uusan fahmayn in uusan xiisayn, waxa maansada
soomaalida magaalooyinka looga jeclaan waayeyna waa arrintaas. Dulucda
hadalkayga waxaa ila habboon in aan maansada qoraalka laga dayn, waayo waa
bakhaarka ugu weyn ee afkeenna, isla markaas waa in ay dadka afka ku fiican oo
aqoonta lihi isku taxallujiyaan in la helo qaamuusyo waaweyn oo afka maansada
iyo miyiga ku kaydsan lagu fasirayo. Intaas ka dib ereyada hodanka ah ee afka
waa in la geliyaa warbaahinta iyo goobaha waxbarashada, dadka qoraallada
curiska ah sameeyaana waa in ay adeegsadaan afka ubucdiisa ee aysan kalmado
kooban ku soo gudbin hadalka ay dhisaan. Hawsha ugu adagi waa sidii meelaha ay
kalmadaha afku ku kaydsan yihiin looga soo qufi lahaa oo dadka magaalooyinka
jooga loogu fududayn lahaa, taasina waxa ay saaran tahay dadka wacyiga iyo
aqoonta leh oo ka tiiraayoon kara in uu afku dadka oo jooga dabargo’o.
Afku marka maansadiisa iyo halkudhegyadiisa la daraaseeyo waa luqad xeeldheer
oo tacbiiraad sare leh, waxa ayna maansadiisu leedahay miisaanno uu midba mid
ka shubaal wacan yahay oo labaataneeye gaaraya. Halkan ugu ma aynu talogelin
in aynu maansada luqaddeenna ku daraasayno, ee waxa aynu xoogaa ka taabanayney
in uu afkani guud ahaan yahay barwaaqo aan gacanta ugu jirin ciddii dheefsan
lahayd oo baylah ah.
Ereyada badan iyo tacbiiraadka sarreeyaa qofka ay dareenkiisa ka buuxaan aad
buu uga maskax weyn yahay qofka kalmadaha kooban ku laalaabta, ereyaduna waa
qalabka ay maskaxdu adeegsato marka ay fakarayso. Waxa aan malayn karaa haddii
afkeenna shaqo run ah laga qabto in aynu ka maarmi lahayn ereyo badan in aynu
ka amaahanno afaf qalaad, waxa aanna sidaas u leeyahay siraha hoose oo aan
afkeenna ka hayo.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida