Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Adeegsiga caqliga iyo akhriska xorta ah

W/Q: Cabdullaahi Kofiyadhere
Aragtiyo 0
8.2k
·

4/24/2020

Adeegsiga caqliga iyo akhriska xorta ah

S ida dadka badankiisu aaminsan yahay noolaha oo dhan waxaa ugu sharfan
dadka. Dadku waa karaamaysan yahay, asaga ayaana ugu mudan wixii nafi ku
jirto. Noolaha oo dhani waa ka siman yihiin wax walba. Nafta, daremayaasha,
korriinka, taranka, iyo kuwa kaleba. Waxa kaliya ee inaga soocay waxaas oo
makhluuq ahi waa garaadka (intelligence). Taas oo noolayaasha kale aynu
dheernahay ama aysan lahaynba.

Caqli waa eray asal ahaan kasoo jeeda afka carbeed, afkeenana ku noqonaya
garaad. Garaadku waa asalka tiirka noloshu ku taagan tahay. Qolo walba
hormarkeeda iyo waxsoosaarkeedu wuxuu le’egyahay hadba inta caqligooda ama
garaadkooda ay ka shaqaysiiyaan.

Hadaba caqligaas aan ka soo sheekaynay waxaa loogu talagalay in wax walba oo
nolosheena ah aan u adeegsano sida diin, dhaqan, dowlad, dhaqaale, siyaasad,
iyo dhamaan laamaha noloshaba. Wax walba.

Diimaha guud ahaan, gaar ahaana Islaamka, oon ognahay halka ay nolosha ugu
jiraan, waxay sheegtaan inay caqli iyo cilmi ku dhisan yihiin, hadana ma ogola
adeegsiga caqliga iyo akhriska xorta ah!

Waxaad maqlaysaa ama arkaysaa nusuus sheegaysa in su’aalaha, shakiga iyo wax
iswaydiinta badan qowm dhan noloshooda galaafteen ama loo halaagay! Waxaa
laguu sheegayaa in wax iswaydiinta iyo su’aalaha badani fitno yihiin ama lagu
gaaloobayo!

Waxaan ku waydiinayaa akhristoow immisa buug, shiikh ama firqo ayaa lagaaga
digay inaad akhridid, dhagaysatid ama meel ay joogaan tagtid? Ma is waydiisay
sababta? Maxay tahay buuggaas ama kitaabkaas haddaad akhridid aad u
gaaloobaysid? Ma xaqqa ayay tahay inuu baadilka ka baqo mise xaqqa ayaa daciif
ah oo looga cabsanayaa inuu si fudud ku buro? Muxuu ahaa xaqqaan haddii su’aal
laga keenaba buraya!?

Xaqiiqdii marnaba adeegsiga iyo ka shaqaysiinta caqligu kama hor imaanayaan
xaqqa iyo runta taas badalkeeda wayba sugayaan wixii xaq ama run ah. Adeegsiga
caqliga kaliya waxaa ku duma ama ku baaba’ baadilka, beenta iyo khuraafaadka.
Sidaas daraadeed ma jirto sabab looga cabsado wax iswaydiinta, shakiga,
adeegsiga caqliga iyo akhriska xorta ah.

Raadinta runta iyo ogaanshaha xaqiiqadu waxay u baahan yihiin caqli, sidaas
daraadeed naska diinta ah ee laguu sheegayo waa inuu caqliga daba fariistaa,
wax garaadku aqbali karana ay noqdaan. Haddaan caqliga adeegsan lahayn wadaad
xumayaal maan-xirani waxay doonaan noolama yimaadeen garaadkeenana kuma ay
cayaareen ee caqligeenna ayay ixtiraami lahaayeen.

Guntii iyo gabagabadii waxaan ku leeyahay, caqligu waa halbeegga ugu wayn ee
wax lagu miisaamo, mana jirto wax caqliga ka wayn oo wax lagu ogaado.
Akhristoow kaasho maankaaga wixii uu yeelo ama sugo ayaa lama taabtaan ah. Wax
walba sababee, su’aal gali, waxna iska waydii. Lahoow karti aad fahankaaga kuu
gaarka ah ku isticmaashid. War hooy caqliga hala adeegsado. Caqligu waa
wehesha nolosha.

“Iswaydiintu waa ogaalka barkiis”. Nebi Maxamad.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...