Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Addoonsiga iyo islaamka

W/Q: Khaalid Xasan
Diimaha 1
4.2k
·

4/14/2018

Addoonsiga iyo islaamka

Ujeedka qoraalkani ma aha duridda diin gaar ah, maadaama diimaha badankoodu ay
Addoonisga hal meel ka wada taagnaayeen laakiin waxaan isku dayayaa inaan soo
bandhigo aragtida Islaamku ka qabo addoonsiga sidoo kalana daaha ka qaado
indhaha Muslimiin badan oo ilaa maanta aaminsan in Islaamku soo afjaray
dhaqanka foosha xun ee addoonsiga iyo kala sarraysiinta dadka.

Inta aynaan dhex jibaaxin aragtida uu Islaamku ka qabo addoonsiga aynu horta
isla meel dhigno qeexitaanka Addoonsi, addoonsigu waa in qofi qof kale si xoog
ah ugu adeegto una yeesho sida hantida loo yeesho ama xayawaanka oo kale,
qofka addoonka noqdayna uu ka mid noqdo hantida qofka leh.

Taariikh ahaan marka aynu dib u raacno addoonsigu waxa uu ahaa caado soo
jireen ah oo caan ka ahayd bulshooyin kala duwan iyo ilbaxnimooyin horeba sida
Mesopotamiyiinta(3100 CH), waxyaabo badan ayaana sababay oo ay ka mid ahayd
colaadaha oo loo adeegsan jirey ciidan dagaal ama doonyaha hagaajintooda iyo
kaxayntooda, sidoo kalena waxa loo adeegsan jirey qaybaha kale ee nolosha sida
falidda beeraha iyo dhisidda guryaha, waxay ahaayeen kuwa la kala iibsado oo
leh suuqyo gaar ah oo lagu soo bandhigo, waxa iyana jirtey in dumarka adoomaha
ah loo iibsan jiray si ay u gufeeyaan baahiyaha galmo ee sayidkeeda, mararka
qaar way heesi jireen halka kuwa kale lagu khasbi jiray inay rag qalaad la
caweeyaan si ay lacag u soo xareeyaan.

Waxaa addoonsiga keenay colaadaha, duulaanada iyo damacyada dhul balaadhsi,
waxaana dhici jirtey in lasoo qabsan jirey dumar iyo caruur iyo ragba si loogu
adeegto.

Xilligii diinta islaamku soo baxday dhaqankani si xoog ah ayuu uga jirey
jaziiradda Carbeed gaar ahaanna Makka oo ahayd xarun ganacsi oo wayn, dadkii
ugu horreeyey ee rumeeyey nebiga(Maxamed) cusub kuna hanwaynaa in Ilaaha soo
diray xaqdarradan uga hiilin doona oo garab istaagi doono waxa ka mid ahaa
addoomo dhib badan lagu hayay oo ku rajo waynaa in ay dhadhamin doonaan
macaanka xoriyadda haddii ay raacaan Ilaahan cadaaladda badan ee aan marnaba
ogolaan doonin in addoomihiisa la kala sarraysiiyo, laakiin nasiib xumo wax
aan niyad jab ahayn kama qaadin maadaama nabigan laftisiisu uu hantiyay
addoomo aad u tiro badan markii uu awood yeeshay waxaana ka xusi karnaa Usaama
bin zeyid, Abu raafic alqibdi, Safiina abu cabduraxmaan.. Sidoo kale waxa
jirey dumar addoomo
ah oo nebigani dagaalo ku soo qabsaday una haystey keliya inuu u galmoodo oo
ka
mid ahaa hantidiisa, waxaana ka mid ahaa kuwa uu dagaalka ku soo qabsaday ee
uu
markii danbe xaasaystay Juwayriya bintu xaarith, Maariya alqibdi iyo Safiya
bintu xayyi.

Nebigu wuxuu ka qayb qaatay oo dhankiisa ka raacay nidaamkii ijtimaaciga ahaa
ee ay ku dhaqmi jireen reer tolkii, waa run way dhici jirtey xiliyada qaar
inuu odhan jirey adoonta ha la xoreeyo, laakiin sidaa si lamid wuxuu dhiiri
gelineyay oo fasaxayay jiirtaanka dhaqankan xun ee xuquuqda aadanaha meel ka
dhaca ku ah mana mamnuucin falkan sida uu xaaraanta uga dhigay waxyaabo aan
cidna dhib ku hayn sida cunista hilibka doofaarka..iwm

Diinta Islaamku si cad ayay usharciyaysay in la is adoonsado oo dadku ay dad
lamida duudsiyaan xaqooda madaxbanaanida ulana dhaqmaan sida xoolaha, sidoo
kalena waxay diinta islaamku xooga saartay halkay ka xoreyn lahayd addoonta in
ay samayso sharciyadi lagula macaamili laha addoomaha.

1. ( يايهاالذين آمنوا كُتب عليكم القصاص في القتلى الحر بالحر والعبد بالعبد
والانثى
بالانثى)

Aayaddan waxa ku cad addoonta iyo xortu in aanay ilaahay iyo nebigiisa u
sinayn markay denbi galaan, tusaale ahaan hadii nin xor ahi addoon dilo loo
dili mayo, laakiin haddii nin addoon ah dilo nin xor ah waa la dilayaa
addoonka looma ooyaanka ah. Sidoo kale cawrada naagta xorta ahi way ka duwan
tahay cawrada naagta addoonta ah, addoonta cawradeeda waxay lamid tahay
cawrada ninka (inta u dhaxaysa xudunta iyo ruugga), addoonta xilligaad rabto
ayad fuuli kartaa guur la’aan iyadoo aan raali ka ahayn ama xitaa haddii ay
tahay oori nin kale.

2. Xadiiskan hoose waxa ku cad in nebigu addoon in la xoreeyo uu ka jeclaa in
hadiyad ahaan ehelka loogu geeyo isaga oo xusay inay taasi ka ajar badan tahay
in xorriyad buuxda loogu deeqo.

وعن ميمونة بنت الحارث: { أنها أعتقت وليدة لها ولم تستأذن النبي صلى الله عليه
وسلم, فلما كان يومها الذي يدور عليها
فيه , قالت: أشعرت يا رسول الله أني أعتقت وليدتي؟ قال: أو فعلت ؟ قالت: نعم ,
قال: أما إنك لو
أعطيتها أخوالك كان أعظم لأجرك }

3. Diintu waxay xooga saartay in ay ilaaliso xuquuqda kuwa addoonta leh
laakiin wax waajib ah iskama saarin addoonta laftooda, waxa ku cad xadiiskan
in aan addoonka wax salaad ah laga aqbali doonin hadii uu ka baxsado ninka
addoonsada ee uu xoolihiisa yahay ilaa uu ka soo laabanayo, haddii uu sidaa ku
dhinto isaga oo xorriyadiisa raadinayana uu gaalnimo ku dhimanayo.

– (العبد
الآبق لا تقبل له صلاة ، حتى يرجع إلى مواليه) – (إذا أبق
العبد لم تقبل له صلاة وإن مات مات كافرا فأبق غلام لجرير فأخذه فضرب عنقه)

5. Waxa dhacday in nebigu addoon cad uu ku iibsaday ama dhaafsaday laba
addoon oo madaw ah, xadiiskan hoose waxaad ka dheehan karaysaa ku lug
lahaanshaha nabiga ee ganacsiga addoomaha iyo in addoonta iyo xooluhu isku mid
yihiin.

عن جابر رضي الله عنهما «أَنَّ رسول
الله صلى الله عليه وسلم اشترى عبدا بعبدين أسودين»

Dhinaca kalana waxa ka muuqata cunsuriyad ka dhan ah dadka duubka madaw iyo in
addoonka cadi u dhigmo laba addoon oo madaw. Addoonka madaw wuxuu ahaa noolaha
ugu liitta nabiga agtiisa taasna waxa marag u ah marka uu lahaa “Maqla oo
raaca xittaa haddii uu madax idiin noqdo addoon xabashiya oo timihiisu taygas
yihiin”.

‏عن ‏ ‏أنس بن مالك ‏رضي الله عنه ‏ ‏قال: ‏ قال رسول الله ‏ ‏صلى الله عليه وسلم
‏ (‏اسمعوا
وأطيعوا وإن استعمل عليكم عبد حبشي كأن رأسه زبيبة)

Halkan waxa si cad ugu qeexan in dadka madoobi xor iyo adoonba ay yihiin kuwa
dadka ugu liita, sidoo kale waxa muhiim ah in aan ogaano in xitaa saxaabadii
rasuulka kuwii ugu waaweynaa ay dulmigan ku jireen sida Cumar bin Khadaab oo
ay muslimiintu ku sheegaan inuu ahaa aabaha cadaaladda, Cumar haduu arko
miskiin addoon ah oo xijaaban inta uu garaaco ayuu qaawin jirey isaga oo ku
doodaya in xijaabka sababta loo jideeyey ay tahay in naagaha addoomaha iyo
kuwa xorta lagu kala aqoonsado sidaa darteedna ayna bannaanayn inay addoonto
xirato oo isu ekaysiiso gabdhaha xorta ah.

عمر بن الخطاب أمير المؤمنين كان يطوف في المدينة فإذا رأى أمة محجبة ضربها بدرته
الشهيرة حتى يسقط الحجاب عن رأسها ويقول :فيم الإماء يتشبهن بالحرائر،” وقال أنس
“مرت بعمر بن الخطاب جارية متقنعة فعلاها بالدرة وقال يالكاع أتتشبهين بالحرائر
ألقي القناع،” وروى أبو حفص أن “عمر كان لا يدع أمة تقنع في خلافته،” ويقول كتاب
المغني الجزء الأول ص٣٥١ عن ابن قدامة أن عمر رضى الله عنه ضرب أمة لآل أنس رآها
متقنعة وقال اكشفي رأسك ولا تتشبهي
بالحرائر،” وفي سنن البيهقي الجزء الثاني ص٢٢٧ يروى عن أنس بن مالك “إماء عمر كن
يخدمننا كاشفات عن شعورهن.”

Ma jirto ayaan darro ka wayn in Cumar noqdo astaanta cadaaladda isagoo
addoonta sidaa ula dhaqmi jirey, sidoo kale waxa u bannaan qofka muslimka ah
ee iibsanaya naag addoon ah inuu meel walba gacanta ka geliyo oo ka taabto
sida naasaha, badhida iyo caloosha ee dumarka lagu soo bandhigo suuqyada
waawayn ee addoomaha.

‏ Sidoo kale xadiisakani sugani wuxu leeyahay qofka addoonka ah ee ilaahay
caabuda seyidkiisana adeeca laba ajar buu leeyahay..

عن ‏أبي موسى‏ ‏‏عن النبي‏ ‏ ‏قال:
‏(المملوك الذي يحسن عبادة ربه ويؤدي إلى سيده الذي له عليه من الحق والنصيحة
والطاعة له أجران.

Xadiiskan kale waxa ku cad in addoonka guursada isagoa aan fasax ka haysan
seyidkiisa uu yahay dhiley qaadanaya xukunka qofka sinaystay.

عن جابر قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم (أيما عبد تزوج بغير إذن مواليه
فهو عاهر)

Is addoonisgu waa qayb ka mid ah diinta islaamka, waa sunnadi nebiga iyo
amarki Ilaahay, waa sunnadii khulafada iyo ahlu baytka, qofka yiraahda ma
jirtana ama beeniyaana wa qof beenineya Quraanka iyo Sunnada, maanta oo aynu
noolnahay qarniga 21aad saw wax lala yaabo ma aha in aan addoonsi isugu baaqno
oo isku dhiiri gelino ama carruurteena dugsiyada ku barno habka loola dhaqmo
qof addoon ah.

Qof walba hadaba waxa la gudboon in uu caqligiisa kaashado, dadnimadana aanu
ka tegin lana jaanqaado qarnigan 21aad oo iska ilaawo sheekooyinkii iyo
dhaqamadii qarnigii 7aad, sidoo kale waa inuu ogaadaa qof walba oo madoobi in
uu ka liito dadka kale sida nabigiisu qabay, hadduu doono Soomaali minja
dhuuban oo Wahaabi toob xiran ha ahaadee, waa in aan is waydiinaa sidee isu
waafaqayaan cadaaladda iyo raxmada ilaahay, iyo in uu ogolaado in la is
addoonsado? Sidee aniga oo nin madaw ah u aamini karaa nabinimada nin
cunsuriya oo dadka madaw aaminsan inay ka liitaan dadka kale?

Waxaa laga yaabaa inaad is waydiinayso sidee ayay ku timid in maanta
addoonsigu danbi noqdo maadaama qarni kahor adduunka si baahsan uga jiray,
waxaynu jalleecaynaa ololihii reer galbeedku ay u galeen sidii ay falkan
foosha xun ee ay iyaguna qaybta ka ahaayeen u cidhib jari lahaayeen xilli
dawladaha Muslimiinta ay ka furnaayeen suuqyo aad u waawayn oo ganacsiga
addoomaha u gaar ah.

1792 ayay Denmark mamnuucday adoonsiga dadka iyo wax kastoo xidhiidh la
leh.

1807 Koongareeska Maraykaku wuxuu mamnuucay ka ganacsiga addoomaha iyo in
dekedaha iyo dhulwaynaha Maraykanka laga soo dejiyo wax xidhiidh toos ah ama
mid dadban la leh addoonsiga dadka, sidaan ognahayna waxa dhacay dagaal
sokeeye oo aad u xun oo dhex maray gobolada koonfureed iyo kuwa woqooyi ee
Maraykanka waxaana ku dhintay dad aad u tiro badan si addoonta loo xoreeyo
dhiig baa loo huray.

1827 Baarlamaanka Ingiriisku wuxuu ka dhigay addoonsiga iyo ka
ganacsiigiisaba fal budhcadnimo ah waxaana laga dhigay ciqaabtiisa in dil lagu
xukumo qofka ku kaca falkan.

1833 Boqortooyada Ingriisku waxay gebi ahaanba ka mamnuucday dhulka ay
gumaysato oo aad u waynaa ka ganacsiga addoonta iyo wax kasta oo xidhiidh toos
ah ama dadban la leh addoonsiga.

1865 Guushii dagaalkii loo galay xoraynta addoonta kadib Maraykanku wuxuu
si toos ah u soo saaray sharci mamnuucaya addoonsiga nooc walba oo uu yahay.

1877 boqrtooyadii Ingiriisku waxay ku qasabtay Masar inay joojiso gebi
ahaanba ka gancsiga dadka, waxaana albaabada la isugu dhuftay suuqyadii ka
ganacsiga addoonta ee waddankaas.

1924 Ingiriiska oo xilligaa Suudaan haystey wuxuu ka mamnuucay ka
ganacsiga addoonta iyo is addoonsiga, laakiin weli waxa ka jira adoonsi lagula
kaco dadka koonfurta waddankaas ka soo jeeda maadaama ay jecel yihiin
Suudaaniyiintu inay si buuxda u dhaqan geliyaan diintooda addoonsigu qaybta ka
yahay.

1927 boqrtooyada Ingiriisku waxay la gashay heshiis mamnuucaya addoonsiga
boqrtooyada Reer Aala-Sacuud, laakiin xaga reer Aala-Sacuud ma hirgalin
heshiiskani oo mayna fulin maadaama ay u arkayeen inuu kahor imanayo
dhigaaladda diintooda Islaamka, waxaase ugu danbayn la mamnuucay sannadkii
1962 kadib cadaadis badan oo kaga yimi adduunka, laakin weli xiisihii ay u
qabeen addoonsiga kama bixin oo mid dadban baa ka jira oo ah nidaamka loo
yaqaan kafiilka (الكفيل) inkasta oo aan la bar-bar dhigi karin addoonsigii
hore.

Liibiya waxa soo laabtay dhawaan ganacsigii addoomaha oo aan gabasho lahayn
iyada oo dadka madaw ee Soomaalidu ku jirto la xaraashayay oo lagu gor-
gortamayay qiimahooda jaban, welina lama hayo wadaad addoonsiga si guud u
cambaareeya oo ku tilmaama fal xun oo xuquuqda aadanaha kahor imanaya ileen
waa qayb diinta ka mid ahe, sidoo kale wali rabitaanka addoonsigu wuxuu ku
haray oo degan yahay maskaxda muslimiinta tabar yaridu hayso ee jecel inay soo
laabtaan maalmihii duulaanka la qaadi jiray ee gabdhaha cad-cad ee la soo
qafaalan jiray.

Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Mooritaaniya (جمهورية موريتانيا الإسلامية),
waxay noqotay waddankii u danbeeyey adduunka dhan ee mamnuuca ka ganacsiga
addoonta sannadkii 1981, waxaana mamnuucay kelitaliyihii la odhan jirey
Maxamed Khoona Wald, waxa sidoo kale muhiim ah in aan ogaano in Faransiiska uu
ka mamnuucay wadanka Mooritaaniya addoonsiga iyo ka ganacsigiisa sanadkii 1905
xilligii uu gumaysanayay, laakiin markii ay xornimada qaateen ee faransiisku
ka baxay ilaa waqtigan qoraalka aan qorayo ganacsiga addoomuhu uu ka jiro si
qarsoodiya iyo mararka qaar si badheedh ah maadaama sida magaca dawladda ka
muuqdaba ay tahay dawlad Islaamiy oo dhaqan gelinaysa shareecada Islaamka ee
addoonsiga bannaysay.

Waxa jirtey in xilliyada ay mamnuuceen wadamada Islaamku addoonsiga ay ku
jireen gacanta wadamada reer galbeedka ama uu cadaadis kaga yimi xagooda,
laakiin iyagu marnaba aanay raali ka ahayn in ay adoontooda xoreeyaan ama
joojiyaan addoonsiga, taana waxa sabab u ahayd in adoonsigu ahaa welina yahay
qayb ka mid ah diinta islaamka oo nasiib xumo caruurteena masaajidka iyo
Macaahidda diinta lagu baro habka loo hantiyo ama loo dhaqdo addoon iyada oo
aan danbi la dareemayn maadaama ay kamid tahay dhigaalada Islaamka ee
wanaagsan, haddii ayna wanaagsanayna Ilaahay Quraanka kuma xuseen naagaha
addoomaha (ملكات اليمين)
in ka badan 20 jeer.

Qof kasta oo madaw waa in uu ogaado in diinta Islaamku ay sabab u tahay
addoonsiga iyo dhibka haysta dadka madaw ee Libya, maadaama Ilaaha islaamku
isaga oo awoodda inuu falkan foosha xun soo afjaro doorbiday inuu sharciyeeyo
oo ogolaaddo jiritaankiisa, nebiguna uu raali ka noqday addoonsiga welibana ka
ganacsan jiray addooomaha sida aan soo xusnay.

Mawqifka uu Islaamku ka istaagay addoonsiga ee ah ogolaanshaha iyo
sharciyayntiisa wuxuu caddaynayaa in diinta Islaamku ayna ahayn mid la jaan-
qaadi karta waqti walba oo ay tahay xeerar ay dad hore dajisteen iyaga oo ka
dab qaadanaya dhaqamadooda.

Ninki sinaantaada diida adiguna sarayntiisa diid.

Tixraacyo:

  1. 178

  2. متفق عليه

  3. صحيح الجامع: 63697

  4. صحيح
    الجامع: 28989 ، الراوي: جرير بن عبدالله البجلي

  5. صحيح مسلم: 1602

  6. صحيح البخاري

  7. صحيح البخاري

  8. سنن أبي داود: 2078

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...