Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Abuurkii Aadam iyo diinta

W/Q: Cabdi Garaad Yuusuf
Diimaha 0
10.2k
·

4/20/2020

Abuurkii Aadam iyo diinta

W axaan in yar is dul taagi doonaa sidey diinta islaamka u sheegtey waxay
u taqaan Aadam oo ay diimaha ibraahimiyadu yiraahdaan insaanka ayaa ka soo
unkamey, mar waxay yiraahdaan waxa afka carabiga lagu yiraah “Abul Bashar” ama
aabihii dadka oo ay ka wadaan dhammaan wixii insaan ah inay asaga ka soo
ufarcameen, waxayna diimahu gaar ahaan diinta islaamku u yaqaanaan ibnu aadam
ama faracii Aadam.

Bal aan yar milicsano sooyaalka diimaha, gaar ahaan tan islaamka sidey u
sheegtey abuurkii Aadam. Haddaan soo koobo Aadam waxaa laga abuurey noocyo
ciidda oo kala duwan oo la isku qasey kana kooban dhammaan midabada faraca
Aadam ee maanta aynu aragno sida quraanku dhigay.

Ka gadaal maxaa dhacey, markii la simey oo loo qaabeeyey qaabka uu haddeer
yahay waxaa lagu afuufey ruux alle ka timid. Quraankana waxaa ku qoran
“Markaan isku hagaajiyey ayaan ku afuufey ruuxdeydii”. Walow ruuxdo ay meelo
badan quraanka kaga taal ayadoo macne yaal kala duwan wadato oon ayada
lafteeda qoraal ku eegi doono, hadeerse waxay ruuxda u muuqataa waxay diimuhu
u yaqaanaan “naf” oo ah midda ka masuulka ka shaqeysiinta jirka iyo
dareemayaasha qofka.

Markii Aadam idlaadey abuurkiisii waxaa soo baxay baahi ah inuu Aadam helo
wehel, inuu sameeyo taran, inkastoo diimuhu aysan sheegin meeshuu Aadam ka
heley dareenka ah inuu u baahdo wehel ay nolosha isla riixaan amaba ay isu
galmoodaan si ay u farcamaan welise waxaan ku soconaa sidey sooyaalka diinta
islaamka ku qoran.

Halkaas markey mareyso talo waxay noqotey in Aadam qalniin lagu sameeyo
dhinaca feeraha ah, waxay ruwaayaadka ama warinta qaar sheegtaa in feerta
bidixda ah laga saarey, ka dib loo soo naqshadeeyey loogana soo dhigey
xaaskiisii koowaad ama wehelkiisii adduunka waa Xaawo’e, ayadoo aad moodo in
loo abuurey si ka fudud sidii Adam loo abuurey. Aadam iyo feertiisa Xaawo
ahayd ayaa isu galmoodey waxay isu dhaleen ayaa misna mar labaad isku boodey
waxaaana ka farcamey insaanka maanta nool.

Bal aan aan ku yara fiirino indhaha naqdiga ama waxa loo yaqaan criticism,
Waa mare sida ka muuqato ilaahay si aan qorsheysneyn ayuu u abuurey Aadam
waayo kamuusan fakarin inuu Aadam lamaane u baahan doono, waayo dhiiqadii uu
qooshey ee Aadam laga diyaarinayey ayuu badin lahaa halmar ayuuna naftiisa
kuwada afuufi lahaa.

Waa marka xigtee Aadam haddaa la abuuraye xagee ka keeney dareenkaan iyo
qooqaan. Waayo ilmaha yarka ah markey dhashaan waxaan oohin ahayn ma
yaqaanaan. Hadiise isaga oo wayn oo caqli leh la abuuray waana sida aan ka
dhugan karno wadahadalada dhex-maray Ilaah. aadam iyo Malaa’igtee ma garan
waayay Ilaah qaab ka habboon isu galmood inuu farac badan ku sameeyo?

Waa tan saddexaade Aadam yaa ku meheriyey ama ku nikaaxshey xaawo, diintey
isugu galmoodeen? Aadam soo lama oran karo waa insaankii adduunka keeney waxa
loo yaqaan siigada ama waxa af carbeedka lagu yiraah “Al-Istimnaa/Al-Caadah
Sirriyah”, ama qayb jirkaada ah ood u galmooto sida Aadam.

Indhaha Islaamka iyo akhlaaqaha ay wanaagga ku tilmaanto markaan ku fiirrino
meeshaan akhlaaq xumaa ka muuqatee yaa qaadaya masuuliyaddeeda ma Aadam mise
Allahii sidaa ka danbeeyey? Jawaabta adinkaan idiin daayey.

Su’aalo ayaa meeshaan yaal, horta walaashaa, hooyadaa iyo aabahaa dhaleen,
saaxiibtaa aad isu galmootaan ma ka dhigan kartaa? Haddey haa tahay diintee
ama akhlaaqdee qabto?

Insaanka haddeer nool haddey yihiin faracaas walaalaha iyo waxa jirkooda ka
yimid u galmoodo maxaa haddeer diidayo inaad u galmooto inantaada yar iyo
walaashaa? Ileen awoowa yaasheen ilmo Aadam iyo Aadamlaftiisaa qayb jirkooda
ka mida iyo walaalahood horey ugu galmoodeene. Haddi jawaabtaadu tahay in
shareecooyinka hore xukumo gaar u ahaa ay jireen oo diinteennu la wadaagin,
miyaan la dhihin karin Allaah garasho fog ma leh oo wixii shalay la qurux
badnaa ama akhlaaq ahaan wanaagsanaa ayuu maanta dadka ka reebayaa kuna
ciqaabayaa?

Ma la oran karaa insaanka nool waa farac aan meher ku dhalan walaalnimana
isugu soo galmoodey, ayuu ka soo farcamey, sidaa owgeed waa fir ku yimid xarig
la’aan ama meher la’aan?

Culumada fiqaga muslimiinta waxay yiraahdaan wuxu haduu asalkooda xaaraan
yahay waa xaaraan iyagana intey doonto ha gaareene.
Tusaale hadaad xoolo soo xado ama aad dhacdo oo ay firaan waa xaaraan badatey
un. Waana meesha ay soomaalidu ka tiraah hal booli ah nirig xalaal ah ma
dhasho.

Gunaanadkii waxaan ka rabaa asxaabta haddaan u raacno sidey diimuhu ka
sheegaan abuurka insaanka maxaa noo diidayo inaan ku dayano awoowe yaasheenkii
walaalahood ay isu galmoon jireen.

Midbaa maalin hore igula doodey mulxidiinta ama dadka aan diimaha rumeysneyn
hooyadood iyo walaalahood inay u galmoodaan ay qabaan. Markuu saas iyiri ayaan
soo xusuustey heestii ahayd ismoog aqalkiibey asleysaa ismana oga.
In ilma Aadam isu soo galmoodeen iyo weliba Aadam laftiisa qayb jirkiisa ka
mida uu ka ilma dhaley.

Dhigaalkaan wuxuu hogo tusaaleynayaa dadka lagu harowsadey beenta fakatey ee
runta ka dheereysey ee ah waxaa jira ilaah garasho badan oo kownkan
jiritaankiisa ka danbeeya balse sheeka xariirada diimaha kama duwana tii aan
caruurnimadii aan maqli jirnay ee diin iyo dawaco.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...