Abuu Hurayra iyo MUcaawiya

D adka sunniga ahi waxa ay sheegaan in uu Abuu Hurayra saaxiib la ahaa nin
yuhuud ah oo ka mid ahaa dadka abuura sheekooyinka. Xilligaas ma ay jirin
sheeko faneed oo lagu sawiro nolosha iyo riwaayado dadka lagu horumariyaa ee
waxaa jirey qof dadka u sheekeeya oo ka qisooda boqorrada, nebiyada iyo
madaxda isaga oo adeegsanaya awooddiisa sheekoyahannimo. Yuhuudka ay Abuu
Hurayra saaxiibka ahaayeen dabcan waxa uu takhasus ku ahaa sidii sheekooyin
looga curin lahaa nimankii yuhuudda ahaa oo ay tolkood nebiyada u yaqiinneen.
Waxaa la weriyey in uu Abuu Hurayra sheekooyinka xiisaha leh bilaabay markii
muddo laga joogey dhimashadii Maxamed, waxa uuna xoogga saaray in uu Maxamed
ka sameeyo sheekooyin loo bogo oo bulshada ku habboonaa. Dabcan saaxiibkiis oo
xagga yuhuudda qisooyin ka samaynayey bay isku xirnaayeen, mid labadooda
khibrad badnaana la ma ogaan karo.
Sida kutubta sunniyiinta ku qoran Abuu Hurayra waxa uu sheekoyahannimadii ugu
weyneyd la soo baxay xilligii Cumar Khidaab, waxa uuna samaystay dad dhegaysta
oo uu marba sheeko u mariyo isaga oo Maxamed keli ah ka qisoonayey maaddaama
dadka Madiina joogey ay taageero u hayeen nebiga scw. Sida riwaayadaha qaar ku
taal Cumar Khidaab waxa uu la yaabay ninka shacabka ka mid ah oo hadalka badan
oo uusan garanayn shubaya oo weliba nebigii ka sheegaya. Cumar Khidaab aad buu
u xanaaqey, waxa uuna yiri ”Abuu Hurayra haddii aadan joojin waxan aad dadka
ku dhuraysid jeedal baan ku la dhacayaa!”. Xilligii uu Cumar Khidaab madaxda
ahaa Abuu Hurayra aad buu isu ilaalin jirey oo qisooyinka uu Maxamed ka
sheegayo meelo qarsoon buu la eegan jirey. Waxa laga yaabaa in uu wax uun
hanti ah ku heli jirey.
Shiicadu waxa ay Abuu Hurayra u yaqaanniin dadka ninka ugu been badnaa. Sida
la isku raacay Abuu Hurayra sanad iyo bar buu muslim ahaa markii uu Maxamed
dhintay. Waxaa shaki badan keeni karta sida uu Abuu Hurayra nebiga uga ogaadey
waxaas oo qisooyin ah oo aysan ogeyn Abuukar, Cumar, Cismaan iyo Cali!
Shiicadu iyaga oo arrintaas ka duulaya oo eegaya in uu Abuu Hurayra muddo yar
diinta ku jirey markii uu Maxamed dhintay bay waxa ay xukumeen in uu Abuu
Hurayra yahay ninka ugu been badnaa waxa uu Eebbe abuuray.
Haddii aynu u gudubno Mucaawiya waxaa jirta qiso caan ah oo markii uu nebigu
scw qabsaday Makka dhacday. Waxa ay ahayd in Abuu Sufyaan oo Mucaawiya dhalay
oo madax u ahaa qabiilkii ay nebiga isla ahaayeen uu aad uga xumaaday in uu
Maxamed magaalada qabsaday. Isaga iyo Cabbaas oo nebiga adeerkiis ahaa habeen
dhan baysan seexan oo ay ka doodayeen sidii laga yeeli lahaa Maxamed iyo
ciidankiisa dhulka qabsaday. Cabbaas waxa uu keenay talo wanaagsan oo ahayd in
Maxamed la la heshiiyo oo la la qaybsado dowladda islaamka. Taladaas Abuu
Sufyaan ugu danbayn waa uu qaatay, waxa uuna nebiga ku la heshiiyey arrimo
badan, waxaana ka mid ahaa in uu wiilkiisa Mucaawya ah ka dhigo ninka waxyiga
qora. Dad baa sheega in uu Abuu Sufyaan rabey in uu wiilkiisu marka uu
masuuliyadda waxyiga la wareego quraanka ka saaro inta lagu caayayo Abuu
Sufyaan iyo reer Banuu Umaya oo dhan.
Waxa la sheegaa muddadii uu Mucaawiya ku hawlanaa ka la shaandaynta quraanka
in uu nebigu maalin saddex jeer oo isku xiga u yeeray oo saddexdii jeerba loo
sheegay in uu Mucaawiya wax cunayo. Ka dib nebugu waxa uu ku yiri ”Eebbe
calooshaada weligiis ma dhergiyo!”.
Sida la weriyo Mucaawiya aad buu cuntada u jeclaa siiba hilibka, waxa ayna
cuntayntu ka qaadan jirtey xilli aad u dheer. Markii danbe ee uu boqorka
noqday waxa uu hilibka ku cuni jirey khamri badan, sida la og yahayna
aalkolada ama khamrigu waxa uu keenaa gaajo been ah oo aan qofka hayn. Qofka
khaldan ee waxyaalahaas cabbaa waxa uu jeclaysanayaa in uu sii cabbo, mar
kasta oo uu sii cabbana gaajo ayaa ku kacaysa. Dowladdiisii iyo
boqortooyadiisii ka danbaysey aad bay u tunteen. Sidaas darteed Mucaawiya iyo
boqorradii dhaxlay waxaa dhammaantood laayey cudur hilibka badan laga qaado oo
ay carabtii ka danbaysey u bixiyeen cudurka boqorrada.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida