Aakhiro ma xisi baa mise waa macnawi?

Aakhiro ma xisi baa ma se waa macnawi? Ma meel jirta oo sida dhulka la taaban
karaa ma se waa macne sida riyada oo kale ah aan lahayn wax la taaban karo?
Diinta oo ah sida ay wadaaddadu u fakarayaan oo aan macne midaysan lahayn waxa
ay sheegtay in qofkii qabri ku jira la naarayo ama uu barwaaqo ku jiro, haddii
qabri la qodona waxaa loogu tegayaa lafo aan naar iyo janno midna ku jirin.
Wadaaddo badan baa sheegay in aakhiro nafta dadka la cadaabayo ama la
jannaynayo, naftuna wax ay tahay la ma garanayo oo wax la taaban karo ma aha,
waxa ayna noqonaysaa in waxa lagu cadaabayo ama lagu jannaynayaana ay yihiin
wax la mid ah oo aan la taaban karin. Wadaaddo kale waxa ay sheegeen in ay
aakhiro tahay riyo qofka u bilaabata marka uu dhinto oo uu qofku ku riyoonayo
isaga oo la cadaabayo ama janno jooga, riyadaasna uu ku waarayo. Waxaa
wadaaddada ugu aragti liita kuwa sheegay in dadka sidii ay ahaayeen loo soo
noolaynayo oo wax la taaban karo lagu abaalmarinayo, sababta aysan aragtidaasi
sax u ahayna waa in xabaalaha ay ku jiraan lafo aan waxba dareemayn oo aysan
janno iyo naar midna ka jirin.
Qofka xabaasha ku jira haddii qiyaamaha la soo noolaynayo inta ka horraysa oo
uusan noolayn sidee buu janno iyo cadaab u dareemayaa illey meyd waxba ma
dareemee? Sida raajixa ah ama aragtida wadaaddada midda ugu roon aakhiro meel
jirta oo la taaban karo ma aha ee waa riyo ama waa meel nafaha dadka la geeyo
oo aan lahayn xajmi la taaban karo ee sida nafta khiyaali ah. Waxaa la sheegaa
aakhiro in wax la cumo oo la cabbo, haddana aysan saxaro iyo kaadiyi dadka ka
iman, taas ayaana caddaynaysa in ay dadku ku riyoonayaan iyaga oo wax cabbaya
ama cunay, ama se shayga wax cabbayaa waa ruuxdii dadka oo khiyaaliga ahayd.
Marna suurtaggal ma aha in dadka xabaalaha ku jira meesha ay ku jiraan lagu
ciqaabayo ama ay janno tahay, waayo waa aynu og nahay.
Diinta islaamku waxa ay qabtaa in aan cudurrada la isqaadsiin oo ay shirki
tahay in la aammino in uu cudur faafo, nin baana wadaad masaladaas ka hadlaya
ku yiri ”Shiikh wax aan ogahay ku weydiin mayo oo aniga ayaa og in hargabka la
isqaadsiiyo ee wax aanan ogeyn ii sheeg!”. Aniga ayaa og lafo xabaal ku jiraa
in aysan cadaab iyo janno midna joogin, cilmigana waxaa ugu fiican midka aad
og tahay.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida