Aadan dheere iyo dhashiisii is guursatay!

DIGNIIN: Qormadan waxaa ku jira ereyo qayaxan oo laga yaabo akhristayaasha
qaar kamida inay dhibsadaan.
Aadan dheere waxa la yidhaahdaa wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee waynuhu
abuuray, dhoobo ayuuna ka abuuray. Maalmo yar kadib markuu cidlo dareemay
Illaahay wuxuu feedhiisa uga abuuray haweeney ay nolosha wada qaybsadaan.
Shahrul-Casalkii markay Jannada ku raaxaysteen ayay jebiyeen amarkii Illaahay
ee ahaa geedka ha cunina hana u dhowaanina, geedkii ay cuneen dartii waa lasoo
tarxiilay. Geed yar oo ay cuneen bay tarxiil iyo masaafurin ku mutaysteen!
Illaahay waa sii ogaa inay geedka cunayaan isaga ayaana soo fasaxay
shaydaankii habaarka qabey ee ku dhiiri geliyey cunista geedka. Haddaan
Illaahay soo fasixin Jannada iskama soo galeen.
Dhulka markay kusoo degeen waxay Xaawo oo ah haweeneydii ayaanka darnayd ee
laga abuuray feedh nacasta Aadan dheere dhashay afar mataano ah laba wiil iyo
laba gabdhood.
Labada wiil waxaa lakala odhan jirey Haabiil iyo Qaabiil laakin nasiib darro
labadii hablood magacyadoodi la inooma sheegin. Haabiil iyo Qaabiil markay
waynaadeen mid waliba wuxuu doonay oo damcay inuu guursado ka kale mataantiisa
ay walaalaha yihiin.
Haabiil wuxuu yidhi Qaabiilow mataantaada isii aan tayda kusiiye. Walaalo is
guursaneya weeye, ceeb waynaa!
Qaabiil wuxuu qoonsaday oo dookhiisa noqon waydey walaashiis oo ahayd
mataantii Haabiil. Hadda afartuba waa walaalo isku hooyo isku aabo ah, laakiin
kala dhalasho horreeyey.
Qaabiil wuu diidey in guurkii la dhamaystiro isagu wuxuu rabaa mataantiisii la
dhalatay inuu guursado oo fuulo, dhaqan xumadaas ayuu ku diley walaalkiisi
kale ee lahaa aan hablaha walaaleheen ah is dhaafsano si aanu guursano.
Ilma Aadan dheere dhaqan xumaadas ayay isku dileen, Aadan dheerena waa
daawanayey xataa wuxuu odhan kari waayey war ma hablaha walaalihiin ah
fuulitaankooda ayaad isku dileysaan gunyahay. Ugu danbayntii Haabiil waa la
diley.
Labadii hablood waxaa u soo hadhay nacaskii Qaabiil ahaa maadaama uu diley
nacaskii kale ee Haabiil ahaa markan waa inuu isagu guursado oo fuulo labadii
hablood ee walaalihii ahaa.
Aadan dheere wuxuu kala celin waayey caruurtiisii oo damcay inay is fuulaan
welibana isku diley taa fuul iyo maya fuuli maaye tanaan fuulayaa.
Islaantiisii Xaawo ee laga abuuray feedhiisa qalloocan ama feedh nacasta ayuu
meelahaa la galay, iyada lafteedu waa iska aamusan tahay illeen feedh nacas
bay ka abuuran tahay.
Qaabiil markuu arkay tuke wax aasaya ayuu isna iska aasay walaalkiisii uu
diley dabadeetana labadii hablood buu meel halkaasa la galay. Xattaa wuxuu
garan waayey bakhtiga walaalka iska astur.
Labadii hablood ee ilma Aadan dheere waxaa cidla ka helay nacaskii walaalkood
ahaa, iyaga laftooduna arrinkaa waa ka aamuseen sida hooyadoodba uga aamustay.
Dadka adduunka jooga waxay kasoo jeedaan dhashii Aadan dheere ee is fuushay,
weliba Qaabiilkii dhiigya cabka ahaa ee isku darsaday labadii hablood ee
walaalihiis ahaa. Si kale hadaan u dhigo dadku waxay kasoo jeedaan walaalo is
guursadey.
Dadka qayb baa arinkaa diidey oo waxay dheheen Illaahay ayaa ilma Aadan dheere
hablo Xuural-cayn ah (dhilooyin) Jannada uga keenay, tolow hablihii ilma Aadan
dheere iyaga rag ma loo keenay?
Aadan dheere iyo ayaan darantii Xaawo ahayd waxay adduukan ku yimaadeen
tarxiil waxayna ahaayeen keligood. Dhulkay tarxiilka ku joogeen waxaa ugu
dhashay afartaa qof, mid waa la diley labadii dumar ahaana kii soo hadhay ayaa
isku darsaday oo guursadey.
Adiga akhriste maxay kula tahay? Aniga hadaad i waydiisey waxay ila tahay
adduunyadani inay ka fac wayntahay nin dhoobo laga abuuray oo laga soo
tarxiiley meel aan jiritaankeeda la hubin. Aniga waxay ila tahay dadku inay ka
karaamo iyo sharaf badan yihiin inay kasoo jeedaan walaalo is guursadey ama
doqon isku dishey guursiga hablihii la dhashay.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida