5 dabeeco oo ay leeyihiin dadka guul darreystaa

Wax badan ayaa laga hadley, guuleystayaasha, sida guusha loo gaadho, astaamaha
ay leeyihiin guuleystayashu; sidaa si la mida ayaa qorayaasha Soomaaliyeed
qalinka ugu qaateen, iney farta ku fiiqaan guuldarrada iyo waxa ay tahey.
Anna qormadeydu, kama beydhin sunnaha ay jideeyeen qallinleyda soomaaliyeed,
balse, waxaan doonayaa inaan ka istaago dhan aan wali laga istaagin; inaan ka
eego dhan aan wali laga eegin. Waxaan diiradda ku saari doonaa, dad haya
dariiqii guuldarrada, laakiin aan dareensaneynba oo u heysta iney jidka guusha
ku joogaan! Wali hore ma u aragtey akhristoow dadkaa?
Wax badan ma ka fikirtey, waxaa guuldarrada kugu wacan. Ma aragtey, inaanad
sannadahan ba wax guula urinba? Ma garanweydey halka wax ka khaldan yihiin?
Marar badan ma go'aansatey inaad is-beddel sameysid, laakiin ma kari weyday?
Haddaba, haddii jawaabtaadu haa tahay, aan kuu sheegee, waxaad leedahay
dabeecaddahan aynu ka warami doonno. Aan hadalka kuu jilciyee, haddii qof
xannuunsanayo sida kaliya ee uu isku daweyn karaa sow maaha, inuu dhakhtar
tago; dhakhtarkuna uu sheybaadho. Dabadeed uu ogaado cudurka haya, ugu
dambeyna uu siiyo dawo uu ku bogsado; laakiin, ka waran hadduuna qofku aanu
iskuba qabin, inuu xannuunsanayo? Miyuu is-daweyn? Waa maya. Waxaa gadden oo
kale ah, lagana garan dadka aynu ka warameyno, kuwaasi oo ah kuwo lugaha kula
jira guuldarrada, laakiin aan garaneyn.
Dadku waxay u kala baxaan guuleystayaal iyo ma guuleystayaal. Waxaa inta badan
la yidhaa, waxaa badan dadka guuldarreysta.! Haddaba, waxaa jiro astaamo ay
leeyihiin dadka guuldarradu ay ku badan tahay, waana kuwan ee Iska eeg inaad
ka mid tahay:
Qorshe la'aan
Waa dadka aan laheyn wax qorshe ah. Waxaa lagu magacaabaa caajislayaal. Waxaa
kale lagu magacaabaa dadka riyooda; waxay leeyihiin riyooyin, laakiin ma
hirgaliyaan riyooyinkaa.
Riyada aan ka hadlayaa maaha tii hurdada; waa tii hadafka iyo hirgelintiisa.
Maxaa u hirgali ba, waxaa ka maqan noloshooda qorsheynta. Qorshuhu waa
dhaqaajiye, wuxuu qeexaa halkaad taagan tahay iyo halka aad u socotid. Dadkan
noocan ahi, waxaa caaddo u ah, iney nacaan waxa qorshaha la yidhaaba. Haddaad
maqli jirtey, qorshaa lagu meel maraa ama meel lagu gaadhaa; kuwani uma arkaan
qorshaha inuu wax muhiima leeyahay.
Maalinta, wuxuu qaban lahaa uma qorsheysna. Todobaadkii, wuxuu qaban lahaa uma
qorsheysna; Qorshe sannadle ahna, maxaad ka sheegiba!
Sababaha ay dadkani qorshaha u sameysan waayeen, waxaa ka mid ah:
- Waxay ka baqaan iney qorshe sameystaan, iyagoo naftooda ku qanciya iney qorshoyaal hore ay sameysteen aaney u hirgelin, sidaa awgeed ay ka baqanayaan iney ku guuldareystaan.
- Waxay aaminsan yihiin, inaanu qorshuhu wax muhiimadda aannu laheyn.
Dadkani, waxay caan ku yihiin dayacaadda waqtiga, maxay yeeley malaha wax
qorsho ah. Afar iyo labbaatanka saac ee ay hastaan, saacad badhkeed kama
faa'iideystaan. Sida dabeyshu u kaxeyso qashinka kolba jihada ay ka dhaceyso,
ayey dadkanina u dhaqaaqaan, kolba halka ay naftoodu doonto. Si kale kuma
garatide; "waa dameeri dhaan raacdey". Hadallada ay mar walba afka ku hayaan,
waxaa ka mid ah: “halkeen waqtiga ku lumiyaa...” “Inamari, aynu iska
damashleynee...", “saacadda aan iska soo gaabiyo...”. Qorshe la,aantu, waxay
keentaa in la garan waayo qiimihii waqtiga. Haddaad leedahay sifadan aynu soo
sheegney, ogow guuldarrada wallaalo ayaad tihiin.!
Tusaale ahaan, waxaa ka mida ah riyooyinkooda: howshan bari baan qaban
doonaa... Balwaddan bishan soo socota ayaan joojin doonaa...ardey wanaagsan
baan noqon doonaa... Sidan iyo sidaa ayaan yeeli doonaa..... Wax walba dhag
iyo dhag ayaan ka siin doonaa.....
Howl yari guulayso
Waa mid aan dooneyn inuu halgamo, wuxuu raadiyaa hab gaaban uu guusha ku
gaadho. Safarka guushu wuu dheer yahay, wuxuuna wataa daal, haraad iyo
hagardaamo.
Taasi waa mid la isla wada-yaqaan, laakiin qofkan aynu ka warameynaa; wuu
inaga fikir duwan yahay. Ma aammisana waxaa aynu ka dhureyno. Wuxuu naftiisa
ku qanciyey inuu Iska seexdo, iskana soo tooso; guushana uu aayar hortiisa ka
qaato.
Ma ogaba, in hore loo yidhi, " lama helo wadaadoow, waxaan cidi ku howshoon".
Isaga dhaguhu uma doloolaane, waxana dhageysan maayo; wuxuu wax ku doonayaa
inuu ku helo, ishaa biligteed. Wuxuu baadi doon ugu jiraa, dariiq gaaban oo uu
guusha ku helo.
Haddaad ka mid tahay, dadka dabeecaddan leh, ogow inay adag tahay hanashada
guushaa fudud ee aad hiigsanayso.
Cabsashada
Waa kuwo ka baqa iney sameeyaan khalad. Qaladka waxay u arkaan fashilaad.
Waxay ula muuqataa ceeb. Tani, waxay dabar adag ku noqotey iney gaadhaan guul.
Haddii, marka kowaad ay khalad sameeyaan, iskuma dayaan iney mar labaadka
saxaan; kamana bartaan cashar iyo cimri qaadasho. Iska daa iney wax ku
qaataane, waxay ka cago jiidaan isku deyga. Waxay naftooda ka dhaadhiciyaan,
haddii hadafkan ama howshan qaldaan, iney dadka kale, kala kulmi doonaan
fadeexad ama bahdil.!
Dadkan, waxaa lagu yaqaan, kuwo qarsada qaladka ay sameeyaan. Ma jecla iney
bulshadu ogaato. Waxaa dhiba in la yidhaahdo, "hebel wuu guuldareystey ama
heblaayo ma guuleysan".
Taasina, waxay dhaxalsiisaa iney caawin, talo iyo tusaale ka helaan dadka
aqoonta ama waayo-aragga u leh dhibtooda. Haddaba, haddaad tahay dadka
sifaddan leh, ogow in guuldarrada aad gacantaada ku dooratay.
Beel-darraynta fursadaha
Waa kuwo ammisan fursadda, laakiin iskuma diyaariyaan iney soo qabsadaan.
Waxay rabaan in fursaddu iyadoo cagaheeda ku socota, ay soo istaagto iridda
aqalkooda hortiisa. Kadib ay ku tunto ama ku garaacdo albkaabka; kama qasnaba
oo kama furaan albaabka. Fursaddii ayaa ku noqota halka ay ka timid. Wey
maqlayaan jabaqda ay sameynayaan kabaheedu iyo sii socodkeeda, jaqaf...
Jaqaf, laakiin dhagahoodu uma doloolaan. Dareenkoodu uma soo jeedo.
Diin baa hadduu dhaqaaqo dhul dhan maree, bal ka warran fursadda oo dabeysha
ka dheereysa?
Markey fursadu galbato, ayey sidii kuwo soo miyirsadey, madaxa lasoo boodaan.
Dhankan iyo dhankaa ayey u boodaan. Waxay garwaaqsadaan, iney fursadii waa
hore dabeyshatey.
Niyad jab awgeed eyey jilbaha u dhacaan.! Waxay ku calaacalaan, aaah! "Maxaan
fursadda u dayacney?" Ma mid bey aheyd; fursad iyo badh bey aheyde... Yaa dib
usoo celiya...alla waan ka faa'iideysan lahaa.
Waxaa kale oo jira dad yaqaan qiimaha fursadda, laakiin mooggan sida looga
caana dhamo.
Haddaba, haddaad tahay qof leh dabeecaddan, ogow, adaa doortey dariiqii
guuldarrada.!
Dib dhigasho
Waa kuwo summaddoodu tahay astaanta Dib u dhigashada. Wax kasta oo ay qabso
leeyihiin, dib eyey u dhigaan. Hamigooda iyo hiigsigooda, waxaa halis ku
noqdey dib u dhigashada. Markuu uu qofku arko, halka uu shan sanno ka hor
taagnaa, inuu maantana taagan yahay, waxaa naftiisa ku abuurma ciil iyo
caloolyow.
Sababaha ku keena iney hadafkooda iyo howshooda dib u dhigaan, waxaa kamid ah:
- Waxay amminsan yihiin in howshan hor taalaa ay adag tahay. Sidoo kale, hadafkan uu xariiqdey, wuxuu ka baqayaa inuu ku guul darreysto. Hal-ku-dhagyada ay dadkani ku caan baxeena, waa kuwan: " howshan wey adag tahay, kuma guuleysan doono". "Hadafkan ma hirgelin karo."
- Waa kuwo aan laheyn go'aan. Waa kuwo aan lahayn kalsooni ay go'aan ku gaadhaan. Waxaa ugu wacan kalsooni la'aanta shaki! Waxay shaki ka qabaan naftooda iyo kartidooda. Waa kuwo aan ku dhiiran iney ku dhaqaaqan hadafkooda.
Haddaba, haddaad tahay qof leh sifadan sare, ogow, iney guuldarradu gondahaaga
taal, mar walba.
Guntii iyo gabagabadii, waxaad akhriste ogaatey khatarta ay leeyihiin
sifooyinkaa aynu soo dhex mushaaxaney. Waxaad dareentey, halka guuldarradu
kasoo shidaal qaadato. Sidaa awgeed, waxaan kugula talinayaa, inaanad yeelan
dabeecaddahaa.
Haddii aad leedahay, mid kamid ah ama qaarkood, fadhi kuuma yaalee, waa inaad
dhakhso u badaddashaa. Qof kasta oo iska ilaaliya caadooyinkaa, waxaan ku
hanwaynahay inuu nolosha guul ka gaarayo ama ugu yaraan uu dhabadii guusha
saaran yahay.
Waxaan rajeynayaa in qormadani noqon doonto, qormo wax lagu qaato. Mid u
horseedda dhalinyarrada Soomaaliyeed, iney noqdaan guuleystayaal.
FIIRO GAARA: Akhriste, arrinta cajiibka leh ee aan kuu hayaa waxa weeye,
in qormadan aniga oo qore ah, ay saameyn igu yeelatey. Waxaa saameyn igu
yeelatey qormadan dhammaanteed, gaar ahaan qodobka 5aad(Dib dhigashada).
Haddaba, siduu iigu yeeshay? Intii aan ku gudo jirey qoraalkeeda, mar kasta oo
aan caajiso ama aan arko anoon qormadii aanan dhammeyn, waxaan nafteyda ku
odhan jirey: ma adigii baa wax dib u dhigtey? Ma adigii dadka dib dhigashada
ka dardaarayey ayaa wax dib u dhiganaya?!
Runtii, qodobkaasi joog iyo jiifba wuu iidiidey, ilaa ugu dambeyntii aan
dhammeys tirey oo idin soo gaadhsiiyey. Akhristoow, adiga qodobkee ayaa
saameyn kugu yeeshay?
Waxaan kaga baxayaa, guushu sahal kuma timaadee, waxay ku timaadaa dedaal.
Waxaan jecelahay guusha, dadka kalena waxaan la jecelahey guusha.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida