Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

XEERKA IS-DIIDDOOYINKA ANSHAXA " T H E D I S C I P L I N E O F E T H I C A L D I L E M M A "

Maxamed Xasan

-

10/6/2021

XEERKA IS-DIIDDOOYINKA ANSHAXA  " T H E   D I S C I P L I N E   O F   E T H I C A L    D I L E M M A "

XEERKA IS-DIIDDOOYINKA ANSHAXA

” T H E D I S C I P L I N E O F E T H I C A L D I L E M M A “

Aragtidayda Falsafadeed ee ku wajahan Is-diiddooyinka Anshaxa ” Ethical Paradoxes “. :-

Waa muhiim inaad yeelato xeerar sida kuwa Emmanuel Kant’s ee ” Xeerarka Dhibaatada Anshaxa ”, si ay nooga caawiso inaay na hagto xaaladaha adag. Xeerarku waa waxa inaga caawiya nidaaminta ficilada bulshada guud ahaan iyo gaar ahaanba. Haddii qof walba loo oggolaan lahaa inuu wax qabsado ama sameeyo iyada oo aan lagula xisaabtamin ficilkisaasi, bulshada iyo deegaanka uu ku noolyahay ayaa burburi lahayd. Waa inaan ku qiimeynaa xaalad kasta oo jahwareer leh maskaxdeena iyo garaadkeena dihin ee ay tahay in aanu tuujinaa, sii natiijada ka soo baxda go’aanadeena ay uu ahaato mid aan rajeyneyno inay khuseyso fikradaha kale ee aynu aaminsanahay. Xaqiiq ahaan, natiijooyinka aynu go’aanadeena ka maalno, gaar ahaan natiijooyinka aynu rajada ka taransano ee inagu hagaaya dhammaan dhabooyinka samaanta leh, waxay noqon doonaan mid shaqsiyadaheenna beddeli doona, isla markaana inagu beeri doona dareen hor leh oo aynu ku tilmaami karno kacaanimo dhab ah. Waxaan u maleynayaa in guud ahaan aynu dhamaanteen hagranay, isla markaana ilawnay qaababkii habboona ee aynu nolosha ula fal-geli lahayn , taaso ah, qaab ah in aan nolosheena ku asteyno qaab noo keenaaya farxadda ruuxaaniyadda leh, in kasta oo qeexitaanadeenna farxaddu ay kala duwan yihiin.
Waxaan u maleynayaa inay amaanaan lahayd, in la yiraahdo qofna yaanu liddiyin xeerarka iyo fahanada fikireed ee aynu aaminsanahay, markaas waxaa aynu dareemi karna sugnaansho iyo xasilooni dhinaca fikirka ah. Waxaa jira is diiddooyin iyo fahano leexsamay kuwaaso ah, waxyaabaha xanuunka iyo dhawaaca inoo keenaya, laakiin runta ayaa ah in xanuunku yahay mid lama huraan ah, waa qeyb nolosha ka mid ah, xanuun la’aantiisna ma baran karno waayaha mana kori karno garaad ahaan. Waxaa jira casharro qiimo leh oo ku saabsan guusha iyo guuldarada, kuwaaso laga soo dhiran-dhiriyey dadyowgii soo maray mawjadihii waayaha ee ged-geddoonka badna. Mana ahaa wax cusub, waayo waqtiga adagii wuxuu beera halyeeyo iyo mayal-adkayaal aan sinaba loo loodin karin, waana dhab ahaan halka ay xigmaddayada shaqsiyadeed ku aroorayso.

28 yuunyo, 2021.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Qoraallo Lamida

Mecnaha noloshu waa maxay ? 
Bal sawiro duni aan seere jirin

Bal sawiro duni aan seere jirin

Cabdisaciid Ismaaciil

Seb 26, 2020

Macnaha ereyga "Suugaan"

Macnaha ereyga "Suugaan"

Shaafici Xasan Maxamed

Seb 24, 2019

Suufinimo

Suufinimo

Shaafici Xasan Maxamed

Abr 3, 2004

Saaxiibtinimada

Saaxiibtinimada

Cawil Cabdille

Feb 13, 2019

Jiraalka iyo micnaha nolosha